Taariikhdii Jankis Khaan Q.12-13aad. W/Q. Ahmed Hayow

Wefdigi la diray marki ay keeneen akhbaarki ay kala soo kulmeen Zamuhaa, waxaa ay ka caroodeen Walaalkaan ay wada dhaarteen Tiimojeen oo isbaheeysiga la leh Talihotaay in aan la aaminikarin, oo ay tahay in lala dagaalo, laakiin waxaa goobta ka hadashay Borte oo tiri: “waxaad tihiin kuwo daacad u ah Khaankooda, marka waxaa leeydinka rabaa in aad ka fiirsataan waxa aad sameeyneeysaan, hadda waxaan haaysanaa 10,000 kun oo ciidan ah iyo 20,000 kun oo keyd ah, welina Qabiilka Miyaarki lama wada jebin oo waxay isu diyaarinaayaan inay dagaalo soo qaadaan, Tataarku waa cadow oo waxaa kaalmeeya Imbaradooritadda Jiin, Qabiilka Tayshuu waxay raadinaayaan khilaaf na dhex mara Annaga iyo Zamuhaa, taasoo ay jirto in aanu Zamuhaa walaal sax ah u aheyn Tiimojeen, haddana yaanu noo noqon cadow”.

Tiimojeen ayaa yiri: “Zamuhaa wuxuu noo galay abaal, mana doonaayo in aan ladagaalo ilaa aan goob ku kulano” hooyo Kaarlin ayaa tiri: “Hazaar hadal adigana” Hazaar wuxuu ku soo gaabsaday inuu ku raacsan yahay Tiimojeen, wuxuuna hadalka sii raaciyay: “shacabka Zaadalamuu waa xulafadeena, waana in aan saamaxnaa, kana fogaanaa wax kasta oo caqabad dhexdeena ah keeni kara, hadda waxaan ku jirnaa marxaladdi ugu horeeysay oo aan ku mideyn laheyn Maguul, mana doonaayo dagaalo dhaca, waxaan doonaayo waa inay kuwa naraacsan awoodooda dhisnaa” Saraakiishiisi hogaaminta waa ku wada raaceen.

 

Niman Fardaha u ilaalinaayay Tiimojeen oo shan nin ah, ayay soo weerareen Ditaar walaalka Zamuhaa iyo Todoo gacanyaraha Talihotaay, markaana intay laba ka dileen, ayay Fardihii ka wateen, kuwii ka badbaaday ayaa u tegay Zebi oo ka mid ah Saraakiisha Tiimojeen, ka dibna waxay soo raadraaceen nimanki Fardaha dhacay, oo ay ka daba yimaadeen, markaa ayuu Zebi ku yiri: “Fardaha noo soo celiya”.

Ditaar ayaa arrintaas diiday, oo ciidankiisa kuwa ka mid ah ku dalbaday Zebi inay madaxa ka gooyaan, laakiin Zebi oo diidanaa dagaal ayaa yiri: “dagaal madoonaayo aan ka aheyn in aan isdifaaco, mana rabo in aan mashaakil dhexdooda dhigo Tiimojeen iyo Zamuhaa” intuu Seefaha ka wada tuuray seddexda nin ayuu Ditaar laftiisa soo aaday.

Zebi laba jeer ayuu Faraska ka tuuray, wuxuuna ku yiri: “xeerku seddex jeer ayuu dhigaayaa, adigana laba jeer ayaad i soo weerartay, markaana waa kama dambeys” halkaas ayuu ku qaarijiyay Zamuhaa walaalkiis Ditaar, oo ay Faras dushiis ku qaadeen Todoo iyo ciidamadii la socday, halkaas ayuu ka biloowday dagaal aan leysu aaba yeelin in loo diyaar garoobo.

Ciidanka marki ay fardahooda la soo laabteen, waxaa joojiyay ciidamada Sakabiiki ee reer Zorki oo ugu yeeray Hogaamiyahooda, iyagoo ku eedeeynaayo inuu Zebi dilay Zamuhaa walaalkiis, si uu dagaal uga dhex oogo Zaadalambuu iyo Kiyaan.

Sakabiiki ayaa Zebi weydiiyay: “ma dishay ninka la dhashay Zaciim Zamuhaa?” wuxuu Zebi ugu jawaabay: “waxaan dilay nin xaday Fardaheena” Sakabiiki ayaa yiri: “dilkiisa wuxuu noo keenaa dagaal isbaheysatada dhexdooda ah ee miyaadan ogeyn taas?” Zebi ayaa ugu jawaabay: “ma inay fardeheena qaataan, oo qofki ay doonaan naga dilaan ayaan isbaheysi ku nahay?” intaa ka dib, ayuu Sakabiiki sheegay inuu rabo inuu u gacan geliyo Zamuhaa si uu isagu go’aan uga gaaro, Zebi arrintaas wuu diiday, wuxuuna ku andacooday inuu Sakabiiki u hadlaayo sidi inuu yahay reer Zaadalambuu, iyadoo uu dagaal ka dhex bilaaban rabo, ayaa waxaa meeshii yimid Tiimojeen oo loo soo sheegay inay ciidamada sakabiiki dhexda ku qabsadeen Zebi.

Sakabiiki ayaa Tiimojeen ku yiri: “hogaamiyaha ciidankaaga wuxuu noo keenay dhib fara badan” Tiimojeen wuxuu ugu jawaabay: “waan ogahay waxa jira” Sakabiiki ayaa sii raacsaday: “si aan dhibka uga fogaano, bal ka waran haddii aan Zamuhaa u gacan gelino?”.

Tiimojeen ayaa ku andacooday: “haddii aan u gacan gelino, adigu ma hubtaa inaanu na soo weerareyn Zamuhaa?” Sakabiiki ayaa yiri: “ma hubo, laakiin Zebi wuxuu dilay Zamuhaa walaalkiis” Tiimojeen ayaa yiri: “marba haddii si kasta aan yeelno ay dhici karto inuu na soo weeraraayo, maan Zamuhaa diyo u geeyno”.

Sakabiiki ayaa yiri: “xumaha xataa ma ku difaaceeysaa kuwa ku raacsan?” Tiimojeen ayaa yiri: “waan difaacaayaa dadka Maguul dhamaantood, gaar ahaan kuwa i raacsan” Sakabiiki ayaa ku dooday: “ma waxaad rabtaa in aan ku jirno dagaal joogta ah?”.

Tiimojeen ayaa yiri: “tan iyo marki aan dhashay ayaan dagaal ku nool ahaay, isla markaana waan jeclahay in aan ka fogaado, haddiise laga maarmi waayo diyaar ayaan u ahay in aan dagaalamo” maalintaa wixii ka dambeeyay, Sakabiiki wuxuu la baxay ciidankiisi, wuuna guuray iyadoo la leeyahay waxaad illoowday axdigi aad Tiimojeen la gashay, Qabiilka Zorkina dib ayay uga laabteen midnimadi Kiyaan.

Zaciim Zamuhaa markii loo geeyay meydka walaalkiis, wuxuu ku dhaartay inuu Tiimojeen sina u deeyneyn ilaa uu ka dilo, wuxuuna billaabay Istatiijiyadi uu ku wajihi lahaa iyo sidii uu ugu heli lahaa ciidamo isbaheysi ah.

Maalin ayay shir isugu yimaadeen Zaciimyada taxaalufka la ah Zamuhaa, wuxuuna ku yiri: “mushkiladda Tiimojeen waa in aan si dhakhso ah u dhameeynaa” Khaan Tadhwiilo oo Qabiilka Neeymaan ka socda ayaa ku raacay, ka dib Zamuhaa wuxuu yiri: “waxaan haaysanaa 30,000 kun in ka badan oo ciidamo ah, waa in aan ku qaadnaa dagaal kedis ah” wuxuu miiska soo saaray kaartadi dagaalka: “waa tan Kaartada dagaalka, waxaan ka soo weerareeynaa seddex gees, Qabiilka Tayshuu geesta Kowaad, Qabiilka Zaadalambuu geesta labaad, Qabiilka Neeymaan geesta seddexaad, weerarkaas oo ka dhigaaya Reer Kiyaan in aanu midna ka baxsan” waxaana la galay diyaar garoow dagaal aanu war ka hayn Tiimojeen.

 

13.

Xagaagi 1191kii ayuu dhacay dagaalki uu Hogaaminaayay Zamuhaa, oo ay 13 Qabiil ku soo qaadeen Tiimojeen, dagaalkaas oo ahaa mid taariikhi ah, Tiimojeen wuxuu ogaaday wax yar ka hor inta aanu dagaalka billaaban, waxaana uu dejeyay xeelad ay uga badbaadi karaan oo kali ah, taas oo aheyd inay isdifaacaan, iyagoo haddana Alaabahooda raranaaya si ay meesha uga guuraan, wuxuu ciidankiisa ku amray, inay halmeel xoogooda ku furtaan, halkaana ay ka dusaan maatida Reerka inta ay isdifaacidda ku jiraan, dabadeedna ay dhamaantood hal jaho u wada yaacaan, taasoo aan cidna hor istaagi karin.

Dagaalku markuu billoowday, waxay sameeyeen sidii uu qorshaha ahaa, Reer raran haddana dagaalamaayo, ka dibna waxay jabsadeen halkii ay joogeen ciidamada tayshuu, oo iyagana ka cararay marki ay arkeen Tiimojeen iyo ciidankiisa oo ku soo wajahan, iyagoo u qaatay inay ka adkaadeen kuwii kale oo dhan, Khasaaraha soo gaaray wuu ka yaraa xitaa sidii ay maleeynaayeen inay wax u gaari karaan, waxayna u noqotay guul baqa carar.

Zamuhaa wuxuu ku eedeeyay inay Hogaamiye Talihotaay iyo Qabiilka Tayshuu masuul ka yihiin baxsashada Tiimojeen, laakiin haddana ay tahay inay u feesteeyaan inay eryeen Khaan Tiimojeen, waxaa xafladda lagu xukumay in tinaaro uu Dab ku shidan yahay, oo ay ku jirto Saliid karkareeyso lagu rido 70 nin oo Qabiilka Tayshuu ah, kuwaas oo lagu eedeeyay inay sii daayeen Tiimojeen, Zamuhaa ayaa yiri: “ciqaabtaan waxay digniin u tahay qofkii isku daya inuu mar kale u gargaaro Tiimojeen, mana filaayo inuu kala tegaayo Isbaheeysigeena”.

Laakiin13 ki Qabiil waa kala shiraacdeen, Maglika iyo Sushitaay waxay aadeen dhanka Tiimojeen oo si fiican u soo dhaweeyay, xafladna loo dhigay waxaana lagu yiri: “maanta markii ay noo soo laabteen Maglika iyo Sushitaay, inta ugu badan Caaqilada Maguul way joogaan, waxaana dhiseeynaa Golaha Xukuumadda”.

Inti xafladda lagu jiray ayuu Tiimojeen u diray Biligotaay inuu ku soo wareego xaafadda si uu u fiiriyo amaanku inuu sugan yahay, laakiin waxaa la yiri: “waxaa ku raacaayo Booliboko” oo ah gacan yaraha Sakabiiki, waxay qabteen nin wax xadaayo, ninkaana waxaa gartay Booliboko oo ay isla yihiin Zorki, markaas ayuu doonay inuu Biligotaay u kexeeyo Khaan Tiimojeen, laakiin waxaa diiday Booliboko oo ay ku dagaalameen, markaana gacanta dhaawac yar ka gaarsiiyay, intuu Booliboko seeftiisa la baxay, ka dib markii uu Biligotaay isna la baxay Seeftiisa, ayaa waxaa u yimid Hazaar oo weyiiyay waxa dhex maray, balse uu Baligotaay ku micneeyay is Afgaranwaa, markaas ayay wada aadeen Tiimojeen si loogu sheego xaaladda deganaanshaha oo uu Biligotaay ku sheegay mid degan.

Tiimojeen oo arkay dhiig yar oo Balitogaay ka socdo, ayaa weydiiyay: “maxaa gacanta kaaga dhacay?” Balitogaay ayaa yiri: “waxna” laakiin Tiimojeen ayaa mar kale ku celiyay: “yaad dagaalanteen?” kadib waxaa loo sharaxay inay qabteen nin Tuug ah oo uu Booliboko diiday in loo keeno, markaasna inuu dhaawacay Baligotaay.

Tiimojeen ayaa yiri: “adduunka waxaan u necebahay Tuugada iyo kuwa kaalmeeya ee hala qabto Booliboko” Seefaha ayaa leysula baxay, waxaana soo booday Sakabiiki oo ku yiri: “Tiimojeen sideed dadkeeyga u ciqaabeeysaa” markaas ayuu Tiimojeen amray in isaga xitaa la qabto, xafladdi waxay dhashay dagaal, waloow ay goobti ka bexeen Sakabiiki iyo Qabiilkiisi Zorki oo ay ka guureen.

Isukeenisti Maguul iska daaye, tii Reer Kiyaan ayaa Tiimojeen ku noqotay sii soco soo soco, oo marba Laf ay imaaneeyso midna ay baxeeyso, waxay Sakabiiki Hooyadiis uga carareen Tiimojeen oo uu markii dambe ergo ahaan ugu soo dirsaday Magwaali oo uu Tiimojeen weydiiyay magaciisa iyo waxa ka dhexeeya Sakabiiki, Nagwali ayaa yiri: “magaceeygu waa Magwaali, khaadim (addoon) ayaan u ahay Sakabiiki, waxaana soo doonay in hooyadiis la soo daayo” Zelme ayaa Seeftiisa intuu la baxay oo dhuunta ka saaray ayuu yiri: “sideed Khaankeena ula hadleeysaa adigoo addoon ah?”.

Magwaali ayaa ugu jawaabay: “waxaan addoon u ahay Sakabiiki ee Khaankaaga uma ihi” Tiimojeen intuu seefta ka qaatay Zelme ayuu Magwaali madaxa korkiisa ka mariyay, geesinimadiisa markuu arkay ayuu ku yiri: “Magwaali inta joog, waxaan rabaa in aad Ilaaladeeyda ka mid noqoto, waxaana kaaga wanaagsanaanaa sayidkaaga Sakabiiki” Magwaali ayaa u celiyay: “ma inkirsani in aad tahay Khaan, laakiin Sayidkeeygi ma tihid inta uu Sakabiiki ii yahay” Tiimojeen ayaa amray in loo oofiyo waxa uu dalbaday, sidaas ayuu Magwaali ku celiyay Sakabiiki hooyadiis.

 

La soco qeybaha dambe.

SHEEKOOYIN