Taariikhdii Jankis Khaan. Q.4-5aad. W/Q. Ahmed Hayow

Isbarbardhiga Mongolia Qarnigii 12aad iyo Soomaaliya Qarniga 21aad.

Taariikhdii Jankis Khaan.

 

Habeenkaas Tiimojeen ayaa Aabihii weeydiiyay: “Aabe waxaan maqalay inay ragga qabiilka Nozaniyan ay yihiin rag adadag oo xoogleh ee maxaa ka jira warkaas?” Yasogaay ayaa yiri: “waxay ahaayeen kuwo ku nool ugaarsiga, waxaana dhibi jiray qabiilka Kidaa, kadibna qofkasta oo kamid ah Qabiilka Nozaniyan, waxaa waajib ku ahaa inuu fardo fuulka yaqaan, fallaarta iyo warankana geni karo, waana run inay xoog leeyihiin oo haddii ay gaaraan ciidankooda 10,000 oo nin lama jebiyo, kadib waxaa u dhashay Wanya Aguuda hogaamihi kacaanki Nozaniyan, sanado kadib waxaa meesha kabaxay sulaaladi Liyoon, kadibna wuxuu qabsaday caasimadi Song oo uu hogaaminteedii lawareegay, hadda qabiilka Jiin wuxuu noqday qabiil xoog leh, waxayna ku socotaa agagaarka webiga Jenjin si ay u wada qabsato dhulka oo dhan” Tiimojeen ayaa Aabihii waydiiyay: “maxeey qabiilka Haan u taagdaran yihiin? isla markaana bakhiilii u yihiin?” Aabihii oo qosallyo ayaa ku yiri: “wiilkeeygi iyaguba waxay leeyihiin geesiyaal sida Yuufee iyo Hajento oo kale oo hogaamihayaal ah” Tiimoojeen ayaa yiri: “laakiin Aabe maxaan alkumada ayaga uga billaabi weeynay horta” Yasogaay ayaa yiri: “maxaa yeelay Imbaraadoorkooda ayaa ah mid aanay u kala baxsaneyn Kheyrka iyo Sharta, sidaa daraadeed kuwa xun ayaa xukuma kuwa akhyaarta ah, wuxuuna Yuufee ku dhintay gacanta mid kamid ah askarta qabiilka”.

 

Subaxnimadii markii ay soo dhaqaaqeen Tiimojeen iyo Aabihii ayaa waxay arkeen Gabadh yar, markaas ayay Fardaha intay ka soo degeen u dhaqaaqeen dhankeeda, waxayna weeydiiyeen Qabiilka Ongela deegaankoodu dhanka uu ka jiro, Borte ayaa tiri: “halkan waa dhulki qabiilka Ongela ee maxaad tihiin idinku?” Tiimojeen ayaa ugu jawaabay: “waxaan nahay Qabiilka Kiyaan ee reer Mangooliya” Borte ayaa tiri: “aniga waxaa leeyiraa Borte ee adiga magacaa?” Tiimojeen ayaa yiri: “Tiimojeen, ninkaana waa Aabaheey Yasogaay iyo ilaaliyihiisa” Yasogaay ayaa Borte weeydiiyay reerkoodu halka ay degan yihiin, waxaa ka hor yimid Aabeheed Kooshaan oo durbadiiba gartay Yasogaay, kadib markay is marxabeeyeen ayuu Kooshaan u sheegay Borte inuu yahay ninka qaba Eedadeed Kaarlin, Tiimojeen wuxuu kala kulmay deegaanka Holonbeer waxyaabo ku cusub, Bortena waxay ku mashquushay inay u sharraxdo Tiimojeen wax kasta oo ku cusub, labada waalid waxay kawada sheekeysteen sida caadada ah Alkumaada wiilka Tiimojeen iyo gabadhooda Borte, Yasogaay waxaa lagu soo dhaweeyay cabitaan u gaar ah shacabka Haan caadada uleeyihiin markii ay dhamaatay munaasabadi Alkumaada, ayay ka soo dhaqaajiyeen Yasogaay iyo Toluu isagoo la soo dardaarmay wiilkiisa Tiimojeen.

 

Tataarki wuu soo gaaray akhbaarki Yasogaay, waxaana talo ku saabsan xeeladda loo khaarijin lahaa ka wada tashaday Zalinbuhaa oo ah wiilki hogaamiye Tiim Zong ee uu dilay Yasogaay iyo Adeerkiis Muziyaliito, Zalinbuhaa ayaa waydiiyay Adeerkiis inuu ladagaali karo Yasogaay iyo in kale, laakiin Muziyaliito wuu ka cudurdaartay wuxuuna yiri: “mar ayaan isqabanay, markaana faraska ayuu iga tuuray markii ugu horeysayba” Zalinbuhaa ayaa yiri: “waa inaan dilaa Yasogaay, wiilka aan dhalidoonana aan magiciisa u bixiyaa” kadib Adeerkii ayaa amray in ciidan ladiyaariyo, laakiin Zalinbuhaa ayaa yiri: “waxaan haayaa xeelad aan ku dilo qofkalana aanu ku dhiman” xeeladaas ayaa leysku raacay.

 

Xeeladda Zalinbuhaa uu ugu tala galay in lagu khaarijiyo Yasogaay, waxay noqotay in Teendhooyin laga dhisto wadada mariinka u aheyd Yasogaay iyo Toluu taasoo markii ay u muuqdeen Teendhooyinka uu Toluu ku yiri: “armay reerahaan Tataar yihiin?” laakiin Yasogaay oo aan dagaal wax cabsi ah ka qabin ayaa ku yiri: “sida ay noo martigeliyaan ayaan ugla dhaqmeeynaa” markay u yimaadeena waxaa loo soo dhaweeyay sidi marti socoto ah loo sooryeyn lahaa, waxaana lagu yiri: “soo fadhiista oo xitaa biyo naga caba” Yasogaay ayaa u mahad celiyay kana aqbalay isagoo leh: “Biyo badan macabeyno,wakhti badana maqaadaneeyno, waayoo safar dheer ayaa na sugaayo” markiina intay fardihi ka soo degeen ayay fadhiisteen meel loogu tala galay, Muziyaliito ayaa ku yiri Zalinbuhaa: “u keen cabitaan martida” Zalinbuhaana wuxuu soo shubay labo baaquli oo sharaab ah, labadaas oo uu midkood soo Sumeeyay uuna siiyay Yasogaay, halka kan kalana uu Adeerkii ka siiyay si uu ugu qanciyo inuu lacabo, marki sunta lagu hubsaday inuu cabay ayuu Muziyaliito ku yiri Yasogaay: “mataqaan wiilkan yar ee sharaabka kuu keenay?” wuxuuna u raaciyay: “waa wiilki uu dhalay Tiim Zongihi aad dishay, haddana wuxuu ku siiyay sharaab sumeysan, sidaas ayaan Hal iyo Hal ku nahay” Yasogaay oo careysan ayaa istaagay oo seeftiisa la baxay wuxuuna yiri: “Muziyaliito waad ka baxday xeerka martida” Muziyaliito ayaa ugu jawaabay: “yaanu wakhtiga kaa dhamaan ee inta aadan dhiman gaar reerkaaga” kadibna waa laga kala cararay, marki ay ka soo tageen ayay wadada dhexe Suntii ku qabatay Yasogaay, matkaa faraski ayuu ka dhacay, laakiin Toluu ayaa intuu soo saaray oo faraski garka uga soo qabtay ku cidkeenay isagoo tacbaan ah.

 

Markii guriga la keenay ayuu ka codsaday walaalkiis Maglika inuu aado reerka uu la joogo wiilkiisa Tiimojeen, kana codsado in wiilka loo keeno kahor inti aanu dhiman, Talihotaay oo ku faraxsan akhbaarka Sumeynta Yasogaay ayaa Ayeeyadii ku yiri: “Ayeeyo Tataaki ayaa Sun soo siiyay aanuu kakeceyn Yasogaay, markaana aniga ayaa noqonaaya hogaamiyaha Magool soow maaha?” Ayeeyadii ayaa warki ku celisay oo tiri: “waxba ha niyad kicin, hana illoobin inuu Yasogaay walaalo leeyahay oo kaaga xaq leh, hana u qaadan walaalkiis Maglika inuu kaaga tegaayo hogaaminta iyo Tiimojeen miyaanu weli nooleyn?” Talihotaay ayaa yiri: “Tiimojeen wuxuu jiraa Qabiilka Ongela Tiikooshaan ayuu lanoolyahay” Ayeeydii ayaa tiri: “Tiimojeen dhib ayuu la imaanaa, haddii aad ka takhalusin”.

 

5aad.

Dkojaan iyo Kooshaan oo ah Aabaha iyo Hooyada Borte, waxay Adeerki ergada ahaa ee ay soo direen Yasogaay iyo Kaarlin kala doodeen dhaqanka doorsoomaaya oo sanadki inta aan lagaarin uu Tiimojeen reerkiisi ugu laabanaayo, laakiin Adeer Maglika ayaa u sheegay inuu soo celindoono wiilka sidaas ayay reerki Borte ku ogolaadeen inuu wado.

 

Borte ayaa iyadoo ooyneysa Tiimoojeen qoorta u gelisay Kuusheedi, markaa ayuu u ballan qaaday inuu u soo laaban doono, ayadana waxay u ballan qaaday inay sugi doonto, sidaa ayaana Tiimojeen lagu soo weday.

 

Tiimojeen waxaa uu soo gaaray inti ugu dambeysay Aabihii oo uu kula dardaarmay: “Tiimojeen wiilkeeygi waxaa sun igu dilay Tataar ee haddii aad aragto dil oo sii hadeyn, waxaad iiga aargudaa wiilki aan Aabihiis kuugu waqlalay” kadib Yasogaay wuxuu u dhintay sunti, Yasogaay waa la aasay waxaana qabrigiisi ku haray labadiisi xaas iyo caruurtiisi oo uu u weyn yahay Tiimojeen kaasoo aan weli Toban sano gaarin, Tiimoojeen waxaa u baryay subax cusub oo dhib iyo kadeed leh.

 

Reer Yasogaay waxay noqdeen agoon, muda yar kadib waxaa fadhi ku saabsanaa taqaaliidka (dhaqanka) qabiilka lagu lahaa Teendho weyn oo leysugu yimaado sanadiiba mar, halkaas oo lagu xasuusto faraci iyo awoowayaashi Qabiilka, wakhtigaasi waxay reer Yasogaay xus u aadeen qabriga Aabohood,Talihotaay Ayeeyadii ayaa tiri: “maxay Kaarlin iyo Awlaadeeda u imaan waayeen xuska taqaaliidkeena?” waxaa loo sheegay inay jiraan Qabriga Aabahood, Talihotaay ayeeyadii ayaa tiri: “Xafladda waa furaneeynaa dhamaan Taayshuu iyo Zorki,caa’ilada Wangutangi iyo Berjin laga billaabo Qabiilka Kiyaan inta maanta soo xaadirtay, waxaan u rajeeyneeynaa kheyr iyo baraare waxaana qeybsaneeynaa qurbaanka”. Howayshing oo ordeysa ayaa Qabuurihi ugu tagtay Kaarlin iyo caruurteedi oo ku tiri: “soo orda xafladdi waa billaabatay, qurbaanka yaan hortiin laqeybsan, haddii ay hortiin qeybsadaan waxay rabaan inay Qabiilka idinka saaraan” reer Yasogaay waa soo ordeen, laakiin waxba kuma soo gaarin oo qubaanki hortood ayaa la qeybiyay, sidaas ayaana loo takooray reer Kaarlin.

 

Kadib markii galabnimadii la qeybsaday Qurbaanki xuska caa’ilada Maguul oo ay yimaadeen Kaarlin iyo Caruurteedi iyadoo lagu kala tegay, ayaa waxaa habeenki shir teendhada madaxtinimada isugu tegay dad ay ka mid ahaayeen Talihotaay iyo Ayeeyadiis Wilbo iyo Sakabiiki iyo Hooyadiis, Meglika, Talitaay, Sushitaay iyo Kiyaniko Taje oo wada ah odayaasha qabiilka, balse markii la soo gelaayay Teendhada ayuu Toluu oo labaxay magaca ah Todoo ayaa ku yiri Sakabiiki Hooyadii: “maxaa adiga ku keenay soow naag ma tihid?” waxay ugu jawaabtay: “soow Wilbo naag maaha?” Todoo ayaa ku dooday: “Wilbo waa xaaski Ambahaar Khanki dhintay” Sakabiiki Hooyadii ayaa tiri: “soow aniguba maahi xaaski Ambahaar Khan” kadib Wilbo ayaa tiri: “Todoo dhaaf agteeyda ha soo fadhiisatee” wax yar kadib Ayeeyo Wilbo ayaa hadalkii furtay: “dhimashadi Yasogaay kadib maan dooran hogaamiye reerka hogaamiya, maadaama aan reerka u weynahay waxaan leeyahay ilaaliyaheeyga Talihotaay waa kan ugu weyn awlaada Ambahaar marka waa inuu noqdaa Khaanka reerka” markay intaas tiri Wilbo ayay soo booday Sakabiiki Hooyadii oo tiri: “masaasaad garatay Wilbo” kadib ayay Talihotaay ku tiri: “Talihotaay waa ogtahay inuu Yasogaay ahaa nin Zaciim ah ee adigu manoo sheegi kartaa waxa aad Zaciim ku tahay?” waxaa soo booday Wilbo oo tiri: “Talihotaay malaha goobo dagaal uu ku guuleystay ama xirfad ciidan” waxay raacisay: “xafiidkeeyga Talihotaay wuxuu ilaalo u ahaa Ambahaar Khan” Sakabiiki Hooyadii ayaa tiri: “laakiin wiilkeega Sakabiiki waa awlaada Ambahaar laftiisu” Wilbo ayaa tiri: “waa garanay, laakiin hadda Talihotaay ayaa raba inuu arrin idilkala hadlo ee dhegesta warkiisa” Talihotaay ayaa yiri: “waa ogtihiin inuu Yasogaay naagta la yiraado Kaarlin uu soo boobay, balaayana halkaa nooga billaabatay Qabiilada Miyaarki iyo Tataar oo uu ka dilay Tim Zong, markaana ay horay iyo gadaal weerar nooga yihiin, sidaa daraadeed waxaan rabaa inaan meeshaan ka guurno oo uga guurno Kaarlin iyo Carruurteeda oo aanay naraacin” kadib wuxuu waydiiyay: “majiraa qof khilaafsan?” Ayeeyo Wilbo ayaa sii raacisay: “yaa amarka Qabiilka u mucaaradaayo naagtaas la soo boobay darteed” buuq ayaa Teendhadi ka dhashay waloow haddana subaaxi la billaabay in laguuro, Tiimojeen awoogii Shalahaay waxaa lagu dilay celinti dadka uu ka celinaayay inay Talihotaay amarkiisa fuliyaan, Kaarlina waxay soo qaadatay waranki astaanta u ahaa Yasogaay iyo faraskiisi ayadoo dadka ku laheyd: “soo laabta, dhulkiina haka guurina” laakiin qoysas yar oo uu ku jiro Adeerkood Maglika ayaa u haray.

 

Laba sano dabadeed markii uu 12sano gaaray Tiimojeen ayay ka guureen Reerki ugu dambeeyay oo ahaa Maglika, waxaana goobtii ku haray 3Dumar ah iyo todobo Carruur ah oo uu ugu weyn yahay Tiimojeen, waxay u aheyd qaracan guuristi Adeer Maglika uu ka guuray, waayoo asagoo aan u sheegin ayay hal subax ku soo tooseen iyagoo xirxiran, murugo iyo calaacal badan kadib ayay Kaarlin tiri: “Tiimojeen adigaa reerka u weyne maxaan qabanaa hadda?” Tiimojeen ayaa yiri: “reeraha waa soo celinaa dhamaantood, anigaana Khaan u noqonaaya” hooyadii intay qosol gariirtay ayay tiri: “waa runtaa Khaanimada adigaa xaq uleh, haddana adigaa Zaciim noo ah ee nahogaami” kadib ayay reerki ku tiri: “iwada dhegeysata hadda laga billaabo waa innan awaamiirta Tiimojeen wada adeecnaa” Hooyadii ayaa u caleema saartay hogaaminta Tiimojeen, amarada uu bixiyayna waala adeecay oo 3da Dumar iyo 6da carruur ee uu xukumo ciddii ka hortimaado inuu ciqaabo ayuu xaq u lahaa, maalin ayaa waxaa dhacday inuu khalad ku dhacay walaalkii Bektier oo ay dhashay naagta kale, kaas oo madax adkaaday, Tiimojeen wuxuu ku xukumay dil oo intuu fallaar kadaba qaatay ayuu dilay iyadoo ay Kaarlin iyo Bektier hooyadii daba ordaayaan laakiin kama gaarin, Kaarlin way ka xumaatay weeyna garaacday Tiimojeen, laakiin wuu ka cudur daartay khaladka uu galay.

 

La soco. ……………6aad.

SHEEKOOYIN