Tacadiga Liyuu Booliis: Dhacdo xanuun badan: W/T Ismaaciil Ubaxle

 

IMG_295898-E93C3C-DF6051-8A92D7-A434E2-F91D17-640x330

Hooyo Haysata Caruur Mataano Bil uun jirey ayaanu Dilnay Iyada Iyo Ninkeedii, Mataanihiina Goobtii ayaanu kaga Dhaqaaqnay. Way Ooyayeen markii aannu sii soconnay.Sidaas Waxaa Yiri Askari ka Tirsanaa Ciidamada Arxan Laawayaasha Liyuu Boolis. ( Fadlan Walaal Akhri Dhacdo Xanuun Badan oo Arimahaas ka Hadleysa.)
============================================================
Laba Weriye oo u dhashay dalka Iswiidhan oo mar sii horeysay dalka Itoobiya lagu xiray ayaa Buug ay qoreen waxa ay ku xuseen dhacdo naxdin badan oo ciidanka arxanka daran ee Liyuu Boolisku Sameeyaan.
Sheekadu waxa ay ku saabsan tahay nin magaciisa Cabdi ku soo koobay oo ka tirsanaan jiray Ciidanka Liyuu Booliska oo ka sheekaynaya wixii ay samayn jireen waxa aanay sheekadu ku bilaabmaysaa sidan,”
Dadku way istaagayaan marka aannu dhaafayno, dumar xiran xijaab madow iyo maryo midabbo badan ayaa na eegaya. Cabdulaahi ayaa dhawaaqay kaddibna waxa uu na geliyey deyr ood ka samaysan. Gudaha waxa ku yaalla aqal soomaali yar, hortiisana ardaa aanay cidi joogin, Ri’ mooyaane.
Cabdi oo ahaan jirey askari ayaa iga qaaday khariiraddii Itoobiya. Labada gacmood ayuu ku qabtay isaga oo akhriyaya magacyada tuulooyinka. Si taxaddir leh ayuu isugu laabay, kaddibna waxa uu dul dhigay ciidda dusheeda, isaga oo gacanta xaggeeda dambe kaga masaxaya dhabankiisa illinta.
“Waxa aan xasuustaa wixii meeshan ka dhacay” ayuu yiri. “Laakiin qof keli ah ma aan dilin. Xabbad keli ah ma aan ridin. Waana sababta halkan i keentay.”
Faafan ma aha goob khariirad ku taalla oo keli ah, Cabdi waxa ay u tahay goob xasuuq. Shan bilood uun kahor, waxa uu ahaa askari ka tirsan ciidanka cusub – Liyuu Boliis.”Waxa lanagu khasbay in aannu jir-dilno oo aan dilno dadka” ayuu yiri Cabdi, isaga oo cagaha soo laabanaya.
“Ma aan diidi karayn” ayuu yiri Cabdi. “Amma ONLF ayaad tahay, amma ciidanka cusub ayaad tahay oo waxa aad la dagaallami doontaa ONLF. Labadaa wixii aan ahayn, waa in aad dalka ka tagto.”
Ciidankan waxa la sameeyey kaddib weerarkii ay Jabhadda ONLF ku qaadday fariisimihii Petrona, sannadkii 2007. Af-amxaariga, liyuu waxa ay ka dhigan tahay “cusub”, ciidankaas oo sannaddo kooban gudahood ku noqday cudud milatari oo uu garwadeen ka yahay madaxa nabadgelyada, Cabdi Maxamed Cumar ” Cabdi Iley”, imikana ah madaxweynaha deegaankaas. Taasi waxa ay u sahashay dowladda Itoobiya in ay ku tilmaamto khilaafkan, mid sokeeye. Imika waxa ay u eg tahay walaalo is dilaya, markii horena waxa ay ahayd gumeysi ay dowladda dhexe waddo.
Cabdi waxa uu calaamad ku sameeyey halka ay khariiradda kaga taallo togga Faafan, ku dhowaad 120 km dhanka waqooyi kaga aaddan qalcadda shirkadda Africa Oil. Goobtaas ayuu joogey maalin ka mid ah bishii Julay sannadkii 2010-kii isaga oo xiran dharka cawlan ee milatariga, waxa aanu dhegeysanayey amarka madaxweynaha. Cutub milatariga ah ayaa weerar lagu soo qaaday, tuulada dagaalku ka dhacay agteeda ayuu madaxweynuhu kula hadlay ciidanka oo yiri: “Ma jiraan waxa shicib la yiraa meeshan.”
“Wuxuu noo sheegay in dadkii askarta laayey ay ahaayeen geel jireyaal, imikana inta ay hubkoodii soo qariyeen ay guryahooda iska joogaan. Sidaas darteed waa in aannu dilnaa cid kasta oo aannu aragno, xitaa haddii ay xoolaha la joogaan, xitaa haddii aanay hubaysnayn, xitaa qoysaska.”Cabdi indhihiisa ayaan eegay, waxa aanan weydiiyey: “Ma hubtaa in uu madaxweynuhu Cabdi Iley sidaa yiri?” Cabdi madaxa ayuu ruxay, waanu sii watey sheekadiisii.
“Reerkii u horreeyey ee aannu u nimid waxa ay ahaayeen hooyo, aabbo, saddex hablood ama gabdhood iyo afar wiil oo qaangaar ah. Buulkooda hortiisa ayaan joojinnay, waannu toogannay. Mid ayaa sii noolaa oo na baryey. Wixii u dambeeyey ee uu yiri waxa uu ahaa: ‘Annagu jabhad ma nihin, ONLF ma nihin, shicib ayaannu nahay.’ Isagana waannu dilnay.” Dareen argagax ah ayaa na saaqay. Mar uu Cabdi ka biya diiday shicibka la laynayo, askari ayaa ku qayliyey: “Fuli amarka madaxweynaha – askari ayaad tahay.”
“Taasi waxa ay keentay in aannaan soo jeedsan. Askartu waxa ay dhex qaadeen buulasha, iyaga oo koox koox isugu xiraya ragga, dumarka iyo carruurta. Dhowr daqiiqo kaddib waxa aannu nimid reer kale, dad reer miyi ah oo haysta saddex wiil oo qaangaar ah. Markii ay na arkeen ayay gacmaha sare u taageen iyaga oo ooyaya.”Cabdi wuu aamusay. “Kaddibna?” ayaan weydiiyey.”Xanuun weynaa. Waxaan daawanayey sida loo laynayo iyo xabbadda ku dhacaysa, balse anigu waan ridi kari waayey.” Tuulada xigta ayay uga gudbeen. “Hawlgal qaatay toddoba maalmood kaddib, waxa aannu dilnay 170 qof” ayuu cabdi si naxariistu ka maran tahay ah u yiri.“Maxaad ku garanaysaa inay tiradu intaas ahayd?”
“Cutub kasta qof ayaa uga masuul ah tirinta maydka” ayuu Cabdi iigu jawaabay. Fiidkii ayaa warbixinta la diiwaangelin jirey. Markii dambe waa la dacweeyey Cabdi. Waa la xiray, qorigii ayaa laga qaaday, qasnaddiina waa la eegay inta rasaastii lagu daadiday hortiisa: 30 xabbo. Hawlgalka oo dhan, xabbad keli ah ma uu ridin. Saldhig uu markii dambe ka soo baxsaday ayaa la geeyey, sagaal maalmood kaddibna waxa uu u soo tallaabay Kenya, isaga oo ka nabad galay kuwii cayrsanayey, balse weli sita xusuus aan ka harayn.
“Waxa aan xasuustaa hooyo haysata mataano bil uun jirey” ayuu yiri. “Waannu dilnay labadii waalid, mataanihiina goobtii ayaanu kaga dhaqaaqnay. Way ooyayeen markii aannu sii soconnay.” Cabdi wuu aamusay isaga oo gacmihiisa hoos u eegaya. “Kolley libaax amma waraabe ayaa cunay. Imika marka aan arko carruurta yaryar, madaxa ayaa i xanuuna mana hadli karo, waan wareeraa.”
Fadlan walaal share dheh oo la wadaag walaalaha kale si ay u aqriyaan warbixintan.
Tix-Raac: Buuggan oo ku qoran Af-iswiidhish oo magaciisa la yiraa” JOHAN PERSON & MARTIN SCHIBBYE 438 DAGAR”. Buugga: Bogga: 26-28
Qoraalkan waxa Af-soomaali ku turjumay

Qoraa: Ismaaciil Ubaxle oo degan Iswiidhan.

Xigasho:  Barta facebook  Cabdi Nuur Kolombo

SHEEKOOYIN