TACSI TIIRAANYO LEH!

Waa waajib geeridu ninnana, Waaris hele waa!

Geerigu waa waajib noole walba sugaya. Waa “sunnta-ALLAAHI fii khalqihi” lama diido, haddana lama jecla. Looma toog hayo, lagumana tashado, haddana noolaha ma moogaato. Ogeysiis iyo wargelinna ma lahan ee adiga oo iska howshoon ayey qadaadka kaa soo qabaneysa. Geerida laguma diimo oo wax cusub maahan waase wax ay nooluhu necebyihiin, haddii aan talo ku yeelan laheyna waxaan dhihi laheyn aan iska sii joogno oo ammin kale ha naloon ku daro.

Nabi Aadan c.s. ayaa diiday geerida kolkii ay goortiisu dhammaatay, balse, amarka Eebbe ayaa wax kasta ka awood badan. Nabi Ibraahiim c.s. ayaa diiday in nafta laga qaado markii uu malaggu u yimid, lagamase yeelin! Nabiyullaahi Muuse c.s. ayaa diiday geerida, welibana malaggii nafta ka qaadi lahaa dharbaaxsho ka soo jaray, dabadeedna il ka riday, sidaase laguma dhaafin ee go’aanka asiga ayaa Eebbe siiyey, dabadeedna in nafta laga qaado ayuu oggolaaday. Nabigeenna Suubban SCW, ayaa Eebbe ku yiri: “Adiguna waad dhimaneysaa iyaguna way dhiman doonaan”. Haddaba, waxa noo cad inuunan jirin noole ka baxsanaya ama ay dhaafeyso geeridu.

Haddaba bahda LAASHIN oo isku duuban meel iyo madal ay joogaanba waxay murugada iyo tiiraanyada la qeybsanayaan qoraa: Maxamed Muuse Sh. Nuur oo hooyadii Caasha Cumar Maxamed ay ka geeriyootay. Waa geeri xanuun badan ee bahda LAASHIN oo isku duubani waxay hooyo Caasho Alle uga baryayaan inuu u naxariisto, jannadii Firdowsana uu Alle ugu bishaareeyo, kitaabkeedana uu ALLE midiga ka siiyo. Ehelka, qaraabada, ubadkii ay ka tagtay, gaar ahaan qoraa Maxamed Muusena waxa aan leennahay: “Hooyo sammir iyo iimaan Alle ha naga wada siiyo”. Waa meel loo wada jeedo oo looma kala xaq leh, waase loo kala horreeyaa ee intii ay hooyo ka tagtay dhaay xasilan Eebbe ha ka dhigo. Annagana gadaasheed Alle nama fidneeyo.

“INNAA-LILLAAHI, WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN!”

SHEEKOOYIN