Tacsi tiiraanyo leh!

Qoraa, afyaqaan, sheekoqore iyo aqoonbaare bulsheed Dr Maxamad Daahir Afrax ayaa xalay ku geeriyooday dalka Ingiriiska. Eebbe ha u raxmado. Dr Maxamad wuxuu ahaa lafdhabar ay ku tiirsan yihiin af-aqoollada ku howllan hormarinta arrimaha afka iyo qoraalka. Dhanka kale, wuxuu ka mid ahaa hormuudka sheekoqoridda soomaalida oo wuxuu qoray sheekadii caanka noqotay ee Maana-Faay. Sidoo kale, wuxuu qoray: Dal Dad waayey iyo Duni Damiir beeshay.

Sidoo kale, Dr Maxamad wuxuu isutaagay yagleelidda hay’ado aqoon afeedyo ay bulshada ka sokow ka aflaxeen ugu horreyn dadkii aqoon-afeedyada Soomaaliyeed ku jiray sida: Somali PEN, Akaadeemiya Goboleedyada Afka ‘AGA’. Dhinaca kale, Dr Maxamad wuxuu xubin ka ahaa; Akaadeemiyadda Cilmiga, Fanka iyo Suugaanta. Sidoo kale, Guddiga Af-soomaaliga Qaran. Dr Maxamad wuxuu ahaa howlkar dhabar-adayg badan u muujiyey in uu u adeego bulshadiisa isaga oo ahaa guddoomiyaha Guddiga Dib-u-Eegista Dastuurka KMG ah.

Xalay sida ay u madow u tahay midab ahaan ayey gudcur u gashay aqoonta soomaalidu geerida ku timid Dr Maxamad Daahir Afrax. Haddaba, ka madal ahaan, marar badan ayuu nagala qaybqaatay barnaamijyada aan qabanno, isaga oo mar walba aad u bogaadin jiray howsha aan haynno iyo habka aan u qabanno labadaba. Eebbe ha u naxariisto, kitaabkiisana Alle midigta ha ka siiyo.

Bahda LAASHIN oo isku duuban meel walba oo ay dunida ka joogaan waxay murugada la wadaagayaan guud ahaan ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan bahda aqriska iyo hiddaha Soomaaliyeed. Afka iyo dhaqanka tiir adag ayaa ka siibtay ee waxaan leennahay beddel kheyr leh Alle ha ugu beddelo annaga iyo ehelkana Eebbe samir iyo iimaan ha naga siiyo. Asigana har jannaad oo hoos qabow leh Alle ha geeyo.

Innaa Lillaahi wa innaa ileyhi raajicuun!

SHEEKOOYIN