Tacsi Tiiraanyo leh

 

Waxa ay bahda Laashin oo isku duuban tacsi u dirayaan guud ahaan bulshada soomaaliyeed gaar ahaanna qoyskii uu ka baxay Prof Axmed Calasoow oo ku geeriyooday laba maalmood ka hor dalka Sweden magaalada Gothenburg.Prof Axmed Calasoow ayaa ahaa aqoonyahan bulshada soomaaliyeed dhexdeeda magac iyo milge weyn ku laha, waxa uu ahaa qoraa wax badan ka qoray arrimaha bulshada iyo is diidooyinka jira.

Profka ayaan marnaba ka daalin inuu qalinkiisa ugu hiiliyo kuwa taagta daran ee aan hadli karayn iyo kuwa codkoodu uusan meel dheer gaaraynin, sidoo kale waxa uu mar walba u duubnaa in dalka iyo dadku helaan dowladnimo la wada leeyahay oo ku dhisan kalsoonida dadweynaha iyo heshiis bulsho. Bahda Laashin waxa ay Eebbe uga baryeysaa inuu marxuumka Jannadiisa Fardowda Eebbe ka waraabiyo, Kitaabkiisana midigta alla ka siiyo,  dhammaan ehliyadii uu ka tegayna samir iyo iimaan Eebbe ka siiyo. ALLAHUMA AAMIIN

SHEEKOOYIN