Tacsi tiiraanyo leh!

Guud ahaan bahda LAASHIN oo isku duubani waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan qoyska iyo qaraabada fannaanka Soomaaliyeed ee caanka ah Axmed Naaji Sacad oo shalay magaalada London ku geeriyooday. ALLE ha u naxariistee Axmed Naaji Sacad wuxuu ka mid ah fanaaniinta Soomaaiyeed kuwooda ugu caansanaa.

Axmed Naaji ma ahayn oo kaliya heesaa ku luuqeeyaa heesaha ee wuxuu ahaa mulaxamiistee, muusikiistee garaaca inta badan noocyada muusigga, isla markaana akhriya farta muusigga, iyo mu’allif miraha curiya, kuma uusan koobnayn fanka banaadiriga ee wuxuu kaloo ka qayb qaatay fanka guud ee Soomaaliyeed.

Waxaan Eebbe uga baryeynaa annaga oo isku duuban inuu naxariistii janno Eebbe ka waraabiyo fannaanka qaaliga ah ee naga baxay, ummada Soomaaliyeed iyo qoyskiisana Ilaaheey samir iyo iimaan ka siiyo.

Rabbi ha janneeyo. Aamiin, aamiin.

SHEEKOOYIN