Tacsi Tiiraanyo Leh:Haldoor Siciid baa naga hooyday(AUN)

 Qofnimadii Qoraa Siciid(AUN)

Waxaa xalay oo ku beegnayd 09/06/2022 ku geeriyooday magaalada London ee Carriga ingiriiska Qoraa Siciid Jaamac Xuseen Eebba  haw naxariiste.Siciid Jaamac Xuseen(AUN) waxaa uu ku dhashay, Gobolka Sanaag deegaanka Yufle  hilaadi ammin ku beegan 1940-2022, Siciid waxaa  uu  qayb ka mid ah noloshiisa ku qaatey dalka Yeman, waxaa uuna dadkiisa soomaaliyeed u shaqaynayey ammin dheer, si toos ah iyo si dadban isaga oo ugu adeegay si naf hurnimo leh.Qoraa siciid ayaa ahaa qof bulshada dhexdeeda ku  leh milge iyo muuno dheeraad ah, waxa  uunna inta badan geliyey dedaalkiisa, nooleynta Afka, dhaqanka iyo sooyaalka bulsho, waxaa uu ahaa barbaariye, baraarujiye, madadaaliye iyo maaniye weyn oo dhaxal badan uga tegay bulshadiisa soomaaliyeed.

Maanta waxaa dareemay geeridaa culus guud ahaan bulshada soomaaliyeed, gaar ahaanna waxaa dareemay bahda qorayaasha soomaaliyeed oo tiir weyni ka jabay, waxaa damay xidig la mid ahaa xidiga dagaar ee lagu gudo, waxaa baxay sheekayahan ku caanbaxay curinta toolmoon iyo hannaanka farshaxanka qoraalka, waxaanna tegay qoraa ay qoraalladiisa quudan jireen qaybo badan oo ka mid ah bulshada.

Qoraa siciid kuma koobnayn keliya qoraalka ee dhan walba ayuu bulshada soomaaliyeed ugu soo adeegay, waxaa uunna si naf hurnimo leh, ammin, awood iyo aragtiba u huray dadkiisa,  waxaa uu ahaa qof bulshada oodhan u dhex ah oo ay ku soo hirtaan, dhaqan yaqaan ah, Aftahan ah oo erayga heli og, haddana ku weyn tahay soomaalinimadu.

Siciid ayaa intuu noola qoray qoraalo badan oo geyiga soomaaliyeed ka caan baxay waxaanna ka mid ah.

  • Shufbeel
  • Dareen
  • Qofka iyo Qaayihiisa
  • Labaatan Sano iyo Laba Gabdhood
  • Inantaada u Guuri
  • Waa Kuma ‘Hadraawi’?
  • Ma idiin War!
  • Maxaa Isaga Dan Ah!
  • Xalaabaha
  • Ma innaguun baa! (tiraab-curin)
  • Shaqada iyo Waxtarkeeda!
  • Fariinni Waa Qaan IQB

Bahda Laashin waxa ay halkan tacsi uga direysaa dhammaan bulshada soomaaliyeed, waxa ay sidoo kale si gaar ah ugu tacsiyeynayaa, qoyskii uu ka baxay  Qoraa Siciid Jaamac, Eebbe haw naxariisto, hana ka dhigo kuwa Jannadiisa hoyaadka looga dhigo, kitaabkiisana midigta laga siiyo.

Qabri lama huraayo

Qudhu joogi mayso

Qofna waari maaye

Geeridii qadhaadhayd

Caawana ma qayskii

Haldoorkeenni qalinkiyo

Ma Qoraa siciidbaa?

Qawlkaan maqlaynaa?

Rabbiyow qabriga iyo

U qabooji iilkoo

Qoladiisa nebigiyo(csw)

Qoyskii asxaabtiyo

Qowmal saalixiintiyo

Kuwa loo qafiifshe

Qaayiba jannada iyo

Loo qadara ka yeelo

Kana qari xumaatada.

Maamulka Laashin

Laashin77@gmail.com

Info@laashin.com

SHEEKOOYIN