Tacsida bahda laashin

Ma jiro qof adduunka baaqi ku sii ahaanaya, mana jiro ruux Eebbe hibo iyo oggolaansho u siiyey inuu sii noolaado. Aadanuhu mar walaba wuxuu u tooghayaa oo uu suge u yahay geerida, haddana lama jeclo oo waa ay ka duceystaan aadanuhu. Haddii aan nololi jiri lahayn geeriyuna ma ay jirteen, waxaase lagu duceystaa Ilaahow! mowtul-ja` naga haay, waa geerida degdegga iyo filanwaaga ku timaada. Soomaalida ayaa ku mahmaahda: “Geeridu, naguma qaddo, nagumana qobleyso”. Taas oo ka dhigan meeshii ay geeridu ku qaddo dad ayaan joogin, meeshii ay kusoo noqnoqotana dad ayaan ku harin. Waa run oo lama jecla haddana lama illowsana oo qof walba waa ay sugeysaa goor ay ahaataba.

Soomaalida ayaa tiraahda: “GEERIDA LOOMA KALA XAQ LEH EE WAA LOO KALA HORREEYAA”. Mar kalena waxay ku mahmaahaan soomaalidu: “Geeridu qofaadan gareyn iyo geel jire ayey ku raysaa”. Taas oo ah mahmaah gebigeedba qaldan, maxaa yeelay, geeljiruhu wuxuu leehay qoys iyo waalid ka tiiraanyoonaya. Mar kalena waxay yiraahdaan: “Geeridi galbeed laga sheego gondahaaga ka filo”. Si kastaba ha haatee, geeridu kala xanuun badan ee kolka ay tahay HOOYO! xaaax HOOYO! HOOYO! Aadbey u xanuun iyo xusuus badan tahay, maxaa yeelay, hooyadu waa naxariis iyo nimco lugeynaysa. Sagaal bilood iyo dheeraad ayey uurka nagu heysay, iyadoo naga ilaalineysa wax kasta oo ay is leedahay; dhib ayaa ka soo gaari kara uur jiifka. Seddax gu` iyo ka badanna dhabteeda ayey nagu heysaa annaga oo naaskeeda jaqeyna. Isku soo wada duuboo ilaa aan ka tabaraawno horteenna ayey qodxaha ka xaaqdaa.

Haddaba bahda LAAHIN oo isku duuban, uuna ugu horreeyo guddoomiyaha guud ee mareegta iyo madbacadda LAAHIN:

  • Guddoomiye: Xuseen M. Cabdulle “Wadaad”
  • Xoghaayaha guud ee LAAHIN
  • Ibraahim Cismaan Afrax “Ibraahim nolosha”
  • Agaasinka maaliyadda LAASHIN
  • Drssa Zedra Sh. Cabdirisaaq

Guud ahaan wakiillada LAASHIN ee kala jooga daafaha caalamka, waxay murugada iyo tiiraanyada la qeybsanayaan Abwaan: Cabdiraxiin H. Galayr oo hooyadii Faadumo Warmooge Maxammed ay geeriyootay. Bahda LAASHIN oo isku duuban waxay hooyo Faadumo Eebbe uga baryayaan inuu naxariistiisa ka dul hooriyo, jannadii firdowsana uu ku matiqaado, kitaabkeedana uu midigta ka siiyo. Abwaanka iyo annagana uu Eebbe samir iyo iimaan kaamil ah naga siiyo, gadaasheedana uusan EEBBE na fidneyn. Hooyo Faadumo Warmooge Rabbi subxaanahu watacaalaa, ha u naxariisto!! Abwaanow! Adigana qalbiga EEBBE ha kuu qaboojiyo.

  • Naxwihiya kitaabkiya sunnadi, Nalan ku nooleeyay
  • Nusqadii Jibriil keeni jiray, Berigi neecaawda
  • Nabigii la siiyaba adduun, Laguma noolayn’e (SCW)
  • Allihii intaasoo nimcaya, Nabiyadii uunka
  • Nuurkoodi siibee ka tegay, Nacab ku gaaloobey
  • Nolol kuuma waayini waxbaa, nalan ogaysiine
  • Ninka inuu ku naaxuu qabow, Nabaddu kaa dheere
  • Ninmaa malaggu nabar daynayaa, Waa naf kali noole.
  • Naska iyo Qur’aankaa na yiri, Noloshu waa qaal e
  • Haddii negida Eebbihi lahaa, Nolol ku waydaarshay
  • Niyad xumo ha joogtee asaa, Tiisa loo noqon e
  • Najaxaa qiyaamaha ka yeel, nuur jannoo udug leh.
  • Naf hujuunsan neecaaw ka dheer, Nabadna loo diidye
  • Maalmaadse nolol fiican iyo, Wadatay neecaaw e
  • Nudkiyaa falkadi loo naqaa, Waa niyaan jebin e
  • Dunidaanna waa lagu nastaa, Nin iyo xeeshiiye
  • Niyaddaad ku kulantaan qofkaad, Saaxib noqotaane
  • Adduunkaaba na la nuuxsadee, Eebbe kuma noojo.
  • Naxariista Eebbaa adduun, Lagula naaxaaye
  • Noormaalka diintaa qabtee, Naafac ku ahaada
  • Naartana Alloow naga xijaab, Iyo nusqaanoo dhan
  • Nafti noolna Eebbeey u naqan, Ee naxliga daaya
  • Nabiyadi Ilaahaan adduun, Lagu negaysiine
  • Nafaqada cibaaduuga dhiga, Ruuxda naqan doonta.

SHEEKOOYIN