Tahriibka tacsiyo kaliya ku ma filna! W/Q: Cabdulqaadir Cali Axmed

images

Tahriibka tacsiyo kaliya ku ma filna!

 

Ugu horreyn, waxaan murugada la qaybsanayaa, dadka ay ehelkoodu ku dhammaadeen badda, dadkaas dhintay qaar aan garanayay waxay ahaayeen kuwo jaamacado ka baxay, oo weliba lahaa xirfado uu qaranku u baahnaa. Waxay ahayd dhacdo naxdin leh; in tiro intaas la eg, oo weliba da’yar u badan, uu halmar waddanku waayo. Waxay i xasuusisay sida uusan dadkeennu u xisaabsanayn. Dhacdadan iyo kuwo la mid ahi, way sii socon doonaan, inta dalku uu yeelanayo hoggaan ay dhallintu hoos harsato, hammigoodana horumariya.

Waxaa arrin laga xumaado ah, in dad badani ay dhallinta dhimatay dhaliileen! Qaar ayaa da’yarta dhimatay ku tilmaamay NAF HALLIGAYAAL! Kuwo kale waxay ku andacoodeen, in dadka dhintay ay ahaayeen kuwo aan mas’uul ahayn! Iyaga oo leh: waalidkood ayay qasaariyeen. Waxaan arkay qof soo qoray dhallinta dhimatay kuwo baahan ma ahayn, oo way lebbisnaayeen, wayna weji qurxoonaayeen! Oo Baahi maxaad u taqaan? Is waydii waalid qof uu jeclaa ka dhintay sida uu hadalkaadu u saameyn karo, marka aad wilkiisii/gabadhiisii dhimatay/dhintay ku tilmaanto qayru mas’uul? Ka feker sida uu dareenkeedu noqon doono, marka aad ku tiraa hooyo wiil ay dhashay oo ay jecleyd, lacag dayn ah ku dirtay, welina deyntii lugu leeyahay, ma baahnid, saboolna ma tihid?.

Tan ka sii daran ayaa ah, kuwo badda hadda lagu halaagsamay maray, ha yeeshii, uu Alle badbaadiyay, oo haddana dadkan le’day cambaareynaya, oo ku tilmaamaya, dhallinyaro jirran oo qaba cudur (BUUFIS), balse, aysan jirin sabab ku qasbaysa in ay baddaas maran!Dadka qaar ka mid ihina, waxay leeyihiin ma waxay cunaan ayay waayeen? Maxaa wada! Noloshu cunno oo kali ah ma ahan, nolosha ay dhallintu rabto ma ahan nabad oo kali ah, noloshu waa caddaalad, xorriyad, shaqo, hammi iyo in uu kuu muuqdu mustaqbal ifaya, oo aad ku qanacsantahay. Aad ayaan uga xumahay, in dadka qaar baahida dhallinta barbardhigaan tan dadka waaweyn! Dhallinta waxaa ku jirta tamar dheeri ah, waxayna u baahanyihiin nolol u qalanta da’dooda.

Hubaal dhallintaasi waxay raadinayeen: caddaalad, nabadgelyo, caafimaad, shaqo, waxbarasho iyo nolol aayatiin leh.

Halabuur Bashiir M. Xersi, ayaan ka hayaa:

 

“Dhimashadu xaq waayoo
Dhafakaarba ma lehee
Ha dhaliilin dhallinyaro
Dhalandhool u soo galay
Dhabbo dheer u soo maray
In ay dhulal shisheeyiyo
Dalal kale u dhoofaan
Say aayo dhigan iyo
U yeeshaan dhaqaaliyo
Dhaxal iyo ayaan wacan!

……………………………

Dhacdhac iyo mushaar iyo
Dhereg iyo ma haystaan
Deeq dhuuni ugu filan!

Dhaldhalaal galbeed iyo
Dheehyaalo aan jirin
War soo baxa u dheer tahay
Iyo soo dhawaaadoo
Halkan baa dhadhamo wacan
Ay dhahaan xigaaliyo
Kuwii ay dhareer iyo
Wadaageen dhigmaalaha!”

 

Dhallinta dhooftay maxay dhibsadeen?

 

Dhoofka dhallinta ee xilligan waxa , oo ugu badani waa shaqa la’aan, caddaalad darro iyo tayada aqoonta dalka oo liidata.

Xagga shaqada, dhallinta waxay aamminsanyihiin – gaar ahaan kuwa gudaha ku koray, kuna waxbartay-, in ay shaqooyinka sarsare u xiranyihiin dad waaweyn, oo madax sare ka gows haysta. In kasta oo shaqa la’aan guudi ay dalka ka jirto, haddana, dhallinta ayaa ah kuwa ugu badan ee dhadhamiyay qaraarka shaqa la’aanta. Waxaa kale oo qayb ka ah waddaniyad la’aan -aysan dhallintu sabab u ahayn-, maxaa yeelay, waalidkood iyo macallimiintooduba ku ma barbaarin dal jacayl. Sababaha keena, in aad dalka jeclaato waxaa qayb ka ah, in aad xaqaada ka hesho.

Waxaan si xoogleh u aamminsanahay, in dhallinteennu aysan ahayn dad xun, oo dalka neceb, ha yeeshee, la nacsiiyay. Waxaan u arkaa, in da’yarta la gabay, oo aan la siin wixii ay xaqa u lahaayeen.

Bulshada Soomaalida oo dhan ayaa dhibban, laakiin dhallinyarada ayaa ah kuwa dhibku si lixaad leh u saameeyay. Ogow dhallinta baahideedu waa mid gaar ahe.

 

Tahriibka sidee lagu joojin karaa?

 

Dhibaatada tahriibtu waa mid haysata waddammo badan, oo xitaa nabadgelyo ahaan aad u wanaagsan, taasi waxay na tusaysaa, in dhallinta waxa eryayaa, aysan ahayn colaad oo kali ah, marqaatina waxaa kuugu filan: Hargeysa iyo Burco oo nabad ah ayaaa laga tahriibaa, haddaba, waxaan hoos ku soo bandhigayaa -si kooban- dhowr qodob, oo ugu yaraan yareyn karta dhoofka dhallinta Soomaaliyeed, waxaana ka mid ah:

 

  • In dhallinyaradu ay dalkooda aamminaan, ayna sameeyaan dulqaad, dadaal iyo halabuur.
  • In dhallinyaradu aysan quursan shaqooyinka yaryar, ayna ogaadaan, in ay wanaagsantahay, in nolosha meel hoose laga billaabo.
  • In waalidiinta Soomaalidu ay mas’uuliyaddooda qaataan, ayna carruurtooda jecleysiiyaan waddanka, kuna baraarujiyaan, dhibka uu la kulmi karo qofka tahriib u bareeraa.
  • In qurbajoogtu ay ka run sheegaan nolosha dibadda taalla, ayna dhallinyarada si cad ugu sheegaan, in sida ay is moodsiyeen aan wax u jirin.
  • In dowladda dhexe iyo maamullada hooseba, ay dejiyaan siyaasad horumarineed, oo dhalinyarada u gaar ah, taas oo dhab ah, ee aan ahayn midda hadda la sheego ee ah: Qawda maqashii, waxna ha u qaban.
  • In ganacsatada Soomaalidu ay maalgelin xoog leh sameeyaan, dhallinyaradana ay u sameeyaan shaqa abuur, iyaga oo qof kasta ku texgelinaya: aqoonta, kartida iyo xirfadda uu leeyahay.
  • In la sameeyo ururro dhallinyaro iyo kuwo bulsho, oo ka shaqeeya, wacyigelinta, dhiirrigelinta iyo tababaridda da’yarta. Tahriib ha u tallaabsane tartiibso.

W/Q: Cabdulqaadir Cali Axmed

Facebook: Abdulkadir Ali

abdulkadiralieco@gmail.com

SHEEKOOYIN

Cart
  • No products in the cart.