TALO  W/Q: Macallin Yuusuf Xasan

TALO 

Toban arrimood oo talo iyo tusaale ah oo adduunku ku liibaanay kuna caano maalay.

Ummadda Soomaaliyeed meel ay joogtaba dhibka ugu wayn ee haystaa waa caddaalad darro. Haddaba xaqsoor dhab ah haddii la helo dadku waxa uu raalli ku noqon inta talada haysa, waana lagu garab siin xilka ay hayaan. Haddaba maxaa talo ah oo dhibka qabyaaladda iyo in qolo waliba maamulka wax ku lahaato lagaga bixi karaa. Waa caddaalad, xaqsoor dhab ah, sinnaan iyo midnimo. Bal haddaba qoddobbana ila dhugo adna ku dar kuwo kale.

1-Saxaafad xor ah oo aqoonta saxaafadeed leh oo kala taqaan xaqa iyo waajibaad ummadda in la abuuro.Taas oo xor looga dhigo in ay habsami u socodka hawsha iyo waxqabadka hawlwadeennada si xaqiiq ah oo dhexdhexaadnimo ah dadka wax u soo gaadhsiiso.

2-Waddanku in uu lahaado hal sharci, kaas oo kaliyana loo wada hoggaansamo. Hay´adda garsoorkana si gaar ah loola socdo oo la sameeyo hay´ad kale oo xaqa shacabka ilaalisa.

3-Laankruusarka qaaliga ah ee la soo iibinayo in la joojiyo dhammaanba oo shaqaaluhu gaadiid wadajir ah ku shaqo tago kuna soo laabto oo lagu soo hooyo.

4-Shaqada oo aan waqtigeeda laga daahin, lagana soo hor bixin ee siddeed saacadood oo run ah la shaqeeyo. Shirarka badan ee waqti lumiska ahna la yareeyo. Hawshuna dadka u qaybsanaato. Si aan qof kaliya wax looga sugin.

5-Gaagiidka shaqaalaha oo xilliga shaqada oo kaliya la adeegsado. Xerada dowladdana la dhigo ee aan gaadiid dowladeed marnaba la dhigin guri ama meherad shaqsi.

6-Xafiisyada dowladda ee shacabka looga adeego in kamarado la wada arkayo lagu xidho, si dulmiga iyo awood ku tagrifalku u yaraado. Shacabkuna adeeg dhakhso ah oo run ah u helo.

7-wasiirrada iyo madaxweynaha in maanta hantidooda la tirokoobo, maalinata ay shaqada ka tagaan waxa intaa ka badan lagala wareego.

8-Ciidanka amniga oo dhaqancelin ballaadhan la siiyo, si uu askarigu u noqdo mid loo cararo ee aanu u noqon mid laga cararo, lana baro sharciga, kii sharcidarro lagu qabtana lagu qaado.

9-Dawladda iyo inta talada haysaa in ay ummadda afkooda iyo dhaqankooda u ilaaliso una kobciso. Ummadi haddii ay afkeeda iyo dhaqankeeda ilaashato qiyamkeedu kama lumo.

10-Mushaarka shaqaalaha in la kordhiyo si uu laaluushku u yaraado. Laaluush qaataha iyo bixiyahana isku si loo abaalmariyo oo loo ciqaabo.

Waxaan hubaa in intaa in ka badan aad adna haysid ku dar lana wadaag baraha bulshada iyo maamulka cusub ee innoo dhismay. Wa billaahi towfiiq.

W/Q: Macallin Yuusuf Xasan

SHEEKOOYIN