Talooyin ku saabsan cudurka HIV/AIDS

Amin_Khasaaro1

Talooyin ku saabsan cudurka HIV/AIDS 

Maxamed Saciid Shire Shaqsi la nool Xanuunka HIV/AIDS, Diyaar u ah in uu Talo siiyo qof kasta lagu sheego Xanuunkaas.

Is ma oroneysid waxaa uu la nool yahay Xanuunka HIV/AIDS, markaad aragtid waa faraxsan yahay, waxaa ka muuqata firfircooni iyo Kalsooni badan, waxaa uu leeyahay Muuqaal Wanaagsan, waxaa uu ka hadlaa Fagaarayaasha, markaad ku soo hadal qaado Xanuunkaa HIV si fudud ayuu kuu leeyahay “Ilaah Cudur uu keeney miyaa la diidi karaa” waxaa uu ka mid yahay Xanuunada Caalamka ka jira”.
Maxamed Saciid Shire muddo ku dhawaad 11 Sanno ayuu la nool yahay Xanunkaas , waxaa uu hadda la taliye u yahay dadka qaba ama uu soo rita Xanuunka HIV isagoo marka ugu horeysa u sheega in uu isagu qabo Xanuunkaan muddo dheerna uu la noolaa . 11539602_917671078293381_500654836716794006_n
Maxamed Saciid Shire waxaa uu Xafiis ku leeyahay Isbitaalka Banaadir halkaas uu ku qaabilo dadka uu soo rito Xanuunkaas, waxaan weydiiyey sida uu dadka u soo dhaweeyo waxaan uu yiri “ Waxaan dadka u qaabilaa si soo jiidasho leh, waxaana xitaa ii yimaada dad wata sawirkeyga, markaan isku sheego aad bay u farxaan wada sheekeysi ka dibna waxaa markiiba weydiiyaa in uu ogol yahay in laga baaro Xanuunka HIV, markii uu ogolaadana waxaan u sheegeyaa in aanu walwelin maadaama aan anigu qabey Xanuunkaas in badan” waxaa uu sii raaciyey
“Markii uu maqlo in aan qabo Xanuunkaas ayaa ruuxa laga heley kor ii eegaa (Yacni in aanan ahayn qof Caato ah oo dadku ka naxo) wuxuuna markiiba dareemaa farxad iyo reynreyn waayo waxaa uu ka soo baxay meel lagu faquuqi jirey, waxaana uu yimid meel lagala taliyo” “ Durbadiiba waxaan u bilaabaa Daawada Difaaca jirka “ ayuu yiri Maxamed Saciid oo aan weydiiyey Caalaamadaha lagu garto Xanuunka mudada dheer hayey. waxaa uu sheegey in Xanuunka uu leeyahay Qandho iyo Shuban joogta ah marka ugu horeysa iyo weliba in uu isdhimo Miisaankiisa , hase yeeshee marka uu si caadi ah u qaato Daawada Calaamadahaasi wey is taagaan “ Maxamed Saciid oo sii Hadley waxaa uu yiri
“ Dad badan oo qaba Xunuunkaas ayaa qarsanaya kuwaas oo Eheladooda ay kala daalaan Daawo Soomaali, marka waxaa u sheegayaa dadkaas in ay tagaan Xarumaha lagula tacaalo Xanuunkaas si ay u qaataan Daawooyinka loogu tala galey, waxaan aad uga Murugoodaa mararka qaar oo la noo keeno dadkii oo dhul dhacay, way adag tahay markaas in si deg deg ah loola tacaalo marka waxaa u soo jeedinayaa dadka iska dareema Astaamaha aan kor ku soo xusey in ay la soo xiriiraan”
Waxaan weydiiyey inta qof ee Xarunta si joogto ah Daawada uga qaadata? waxaa uu ku jawaabey “ Dad gaaraya ilaa iyo 500 Boqol oo qof ayaa si toos ah u qaata Daawada ART, hase yeeshe waxaa jira dad is qarinya oo aan Guryahooda dawada ugu geyno, waxayna dadkaasi isku jiraan qaybaha kala duwan ee Bulshada “waxaan weydiiyey dadkaas in ay ku jiraan dad Caan ah iyo in kale? Waxaa uu durbadiiba la soo boodey “ Haa, waxaana ka mid ah Siyaasiyiin, Ganacsato, Ardey dhigata Jaamacadaha, iyo dad kaloo fara badan Dhamaantoodana si toos ay ayey naloo soo xiriiraan wixii talo iyo Daawo ahna waan siinaa waxaana u sheegaya dadkaas in ay dhaamaatey Xiligii is qarinta ”.11010991_917671071626715_8807942428668090711_n
Wxaan weydiiyey waxaan ogaa in dadka intooda badan ay aaminsan yihiin in Cududrkaasi yahay mid Qatar ah maxaa arintaas iska badeley? waxaa uu ku jawaabey “Inkastoo weli faquuqii uu jiro hadana dadka qaar aad bay u fahmeen in Xanuunkaan uusan ka duwaneyn Xanuuunada kale ee jira , waagii hore markii la igu sheegey Xanuunkaa aad ayaa la ii takoorey xitaa Salaantii waa la iga goostey hase yeeshee wacyigelin fara badan oo la sameeyey ayaa sababtey in dadka ay soo dhaweeyeen dadka la nool Xanuunkas inkastoo aysan gaarin heerkii la rabey”

Haddii aad Daneyneyso Maxamed Saciid Shire kala Xiriir 
Tel: 00252615572329
E-Mail Mshire120@gmail.com

W/D: Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

SHEEKOOYIN