Tanina may sugeyday?! W/Q: Ibraahim Cumar Seefdheere

Tanina may sugeyday?! 

Shukaansiga ayuu huud ku qabay. Mar kasta oo uu bannaanka u baxo gabadhii uu arkaba waa uu iskala qabsadaa. Qaar inta fiiriyaan oo candhuuf tufaan ayey jaanta rogaan, kuwana asagoo faraxsan ayey is macasalaameeyaan. Ma ahan nin uu dooq-wareer ku dhacay oo Qalanjo ayey labo bilood wada socdeen. Waxba ha la yaabin, illeyn xariifkaani dooq-wareerkiisu wuxuu gaaray heer inta gabari soo jiidato  oo uu taleefanka ka qorto, isla markii uu ka dhaqaaqaba uu indhaha ku dhufto mid kale oo dhashii Nabi Yuusuf ula ekaatee!

Qalanjo waa gabar joog dheer qurux iyo qaayaba loo dhammeystiray, xaflad aroos ayeyna si kedis ah isugu barteen. Qalanjadaas si aad iyo aad ah ayuu ula dhacay, cilladdeeda ayaase ah in haddii uu taleefanka ka qaban waayo ay buuq iyo qaylo billawdo. waana sababta uusan ilaa iyo hadda xaafaddeeda iyo qoyskeedaba u soo baran. 

Qalanjo waxay xaafadda iskula nool yihiin Idil oo ay qaraabo yihiin, joog iyo jamaalna ayada taako ka sii dheer. Idil ma aysan socod badneyn, balse maanta wax baa salag leh. Waataas miraayadda hor taagan oo sunniyaha ay sii madoobeysay faraha ku sin-simeysa. Waa taas kabihii cagta la heshay. Waa taas ganjeelkii “qab siiday.” Cabbaar ka dib waa taas goobta dalxiiska dhex taagan.

Godadle waa kaas kaamiradiisa goobtaan cagaaran la dhex taagan, Idilna waa taas xaggiisa u soo saan qaadeysa. Waa taas sawirradii uu horay u qaaday isha la raac-raaceysa. Waxay la ashqaraartay sawirrada cajiibka ah iyo dadka dharka caddaanka iyo buluugga ah ku wada lebbisan oo sidee ayey ku dhacday in dadku dhar isku nooc ah ku wada lebbistaan? Waxba ha la yaabin, maanta bisha Luulyo ayaa kow ahe!

Godadle, waa kaas inta jilibka dhigtay Idil sawirrada ka qaadaya. Waa kaas halkii sawir uu ku qaadanayo hal daqiiqo iyo dheeri! Waa gartiis illeyn xuuralcayn ayuu shaashadda ka dhex arkaahe. Dad uu shalay sawirro ka qaaday ayuusan weli u habayn oo wicitaannada saa’idkaahi ma ahan haween deyn ku leh! 

Idil waa taas toyaneysa goorta uu sawirrada u soo dirayo. Weliba waxay la yaabban tahay ninka sawirrada qiimahooda aan xataa kala heshiin! Waa garteedoo ma oga in ay fallaar wadnahiisa ka likeysay. Godadle, waa kaas inta wax yar hundhursaday Idil ku leh, “whatsapp-kaaga ii sheeg aan sawirrada kuugu soo diree”, Idilna waa taas u qoreysa. Kaftan ka dib waa taas la is bartay. Cimilladii caadiga ahayd waa taas haasaawe isu rogtay! Waa taas la wada dhoollacaddeynayo. Waa kuwaas saaxiibkeen iyo dumar kale oo uu sawirro ka qaaday hadallada kaftankaa isku tuurtuurayaan. Waa taas Idil ayaduna kaftanka dhankeeda ka geleysa. Cabbaar ka dib waa taas “bye bye” lays dhahayo. Yaanan kaa hilmaamin in Idil tobankii doollar ee ay xaafadda kala soo tagtay labadii bajaajta mooyee intii kale ay taleefankeeda dhex taallo.

Dhawr sitimmaan ka dib, waa kaas saaxiibkeen xaafaddii Idil ku sii wajahan. Markii uu is yiri halkii luguu tilmaamay waad joogtaa, waa kaas cagaha dhulka la helay inta darawalkii $2.5 u tuuray. Waa kaas hadba meel istaagay, gurigii ganjeelka guduudnaa ee ay Idil u sheegtana aan hayn. Waa kaas is yiri: “qoftii ballantii way kaaga baxday oo cidla’ ayey kuugu seenyaaleyday.”

Markuu wareeray, waa taas Idil ku tiri: “farmashiga weyn oo ateenada dheer u dhow hortiisa istaag anigaa kuu imaanayee.” Horay ayuuba halkaas u taagnaaye, waa kaas “Idileey waan wareeraye soo dheereey ku yiri.” Waa taas Idil iyo saaxiibkeen tillaabada isla heleen oo hadba luuq ka sii baxayaan. Waa kuwaas ganjeelka guduudan garaacaya. Mayee Idil ayaa garaaceysa. Ilbiriqsiyo ka dib waa taas Qalanjo, waa gabadhii ay saaxiibkeen labada bilood wada socdeene, albaabkii “fag” ka siiday! Waa kaas saaxiibkeen weli bannaanka taagan. Waa taas Idil ku leh, “abboowe soo gal.” 

Qalanjo oo aan halkeedii afar tillaabo ka fogaan, waa kaas saaxiibkeen albaabkii “dalaq” soo yiri! “Qac!” Wadne ayaa ku sigtay inuu dhaqaaqa joojiyo! Amaba dheh, “wadne ayaa istaagi tegay”, haddaad doontana, “waa uu istaagi gaaray” dheh. Waa taas daruurtii amakaaggu, saaxiibkeenba ha ugu darnaadee, saddexdoodiiba ku dul hooreyso! Waa kaas saaxiibkeen xusuustay gabaygii Shire-Dhuudhi ee ay u dambeysay:

“Tanina may sugeyday waa adduun tarabbalkiisiiye!!!”

W/Q: Ibraahin Cumar Seefdheere

NAGA LA SOO XARIIR:

laashin77@gmail.com

admin@laashin.com

SHEEKOOYIN