Tiirarka noloshayda W/Q:Cabdiraxiin Hilowle Galayr.

Tiirarka noloshayda.

Sawirkan waa Abtigey Xaaji Maxamuud Xaaji Ismaaciil iyo Walaalkay Cabdixakiim Sheekh Maxamed Axmed.

Marka laga yimaado Hooyaday Faadumo warmooge oo ah qofka aan adduunka ugu jecelahay iiguna miisaanka culus oo dhib badan ila soo martey keligeedna isoo korisay, kaddib markuu aabbahay ku geeriyooday dagaalkii Xabashida iyo Soomaalida 1977dii, Hooyaday waxay ii ahayd wax walba ilaa haddana wey ii tahay ilaahay nabad iyo negaadi iyo nolol wanaagsan baan uga baryayaa ifka, aakhirona nimcooyinkiisa jannada inuu ku abaalmariyo.

Abtigey Xaaji Maxamuud wixii ka dambeeyey 1979 isaga ayaa noloshayda kaalin mug leh ka qaatay, waxtar mug leh ayuu ilaa maalintaan garaadsaday ila garab joogey, waxaan cunayo, waxaan huwanayo iyo halka aan ku noolahayba wuu wanaajiyey, Abtigey wuu noolyahay waase jiran yahay ilaahay caafimaad wanaagsan iyo dambi dhaafba ha siiyee ifka, aakhirona nimcooyinkiisa haku abaalmariyee.

Walaalkay Abdihakim Ahmed waa curadkayga hooyaday, wuxuu ii buuxiyey kaalinta aabbaha wuxuu iga weynaa dhawr iyo toban sano, balse wuxuu ahaa baraha noloshayda.

Sanadku markuu ahaa 1982 aniga oo 5 jir ah ayaa waxaa dalka imaaraatka ka yimid abtigey Xaaji Maxamuud Xaaji ismaaciil oo halkaa degana 4 billoodna mar noogu iman jirey booqasho, kaddib waxaa uu goor galab ah isaga oo hadhqoodaalka(Hoos galbeedka) fadhiya maqlay aniga oo qaadaya heesta ah:

Fekeryaa nafteydaay
Filan waagan kugu dhacay
Fiintuba la ooydee.

Heesta erayadeeda iyo dulucdeeda midna sidaa iima sii ridneyn waxaanse ka bartey waa gabdhaha marka ay dharka dhaqayaan ama maydhayaan waxaa ay dhegaysan jireen rikoodh si ay waqtiga badan ee ay fadhiyaan ugu madadaashaan, aniguna waan yaraa, marka heestan oo waagaas aad loo xiisanayey ayaan korka ka qabtay. Abtigey markuu maqlay heesta aan ku luuqeynayo ayuu hooyo oo guriga gudihiisa ku jirta u yeedhay wuxuuna u sheegay in berri dugsi quraanka lay geeyo, maxaa yeelay maskaxda aan heesta ku qabtay quraana waan ku qaban karaa.

Halkaas abtigey wuxuu ahaa qofkii lahaa sababta inaan barto quraanka alle oodhan, haddaanu maalintaas iyo maalmo badan oo kale uu igu dhiirigelin lahayn ma aanan barteen.

Barbaarintii aqoolneyd ee abtigey.

Abtigey weligiis ima dilin, ima canaanan, iguma qaylin, ima dhaliilin imana cabsi gelin, haddana waxaan u tixgelin jirey ugana xishoon jirey si aanan dadka kale oo u xushmeyn, sababtu waxay ahayd si aqooneysan oo hufan ayuu iila hadli jirey, abtigey wuxuu i baray inaan quraanka Afartii bilood markuu yimaadba JUS ka baxo iyadoon laygu dhengadeyn, wax kalena maaha ee hadyada iyo dharka lay keeno ayaa laba inta laygu qaybiyo, midna maalintuu yimaad farta layga saari jirey kan quruxda badana inta lay tuso laygu odhan jirey juska aad ku jirtid haddaad ka soo baxdo, waad qaadanaysaa, haddii kalena Maxamed baa iska leh oo ahaa wiil abtigey dhalay, Tartankaas ayaannu ku guuleysanay inta aannu abtiyo iman inuu nin weliba labadiisa isku joog ee macaa kabaha ah aan laga qaadan isna sii diyaaro oo ilaa halka uu quraanka ka joogo sii xifdiyo.

Wuxuu ahaa hab aqoon iyo xeeldheeri ku dhisan tahay, abtigey ilaahay ha wanaajiyee if iyo aakhirabee, wuxuu ahaa mid naxariis badan, wuxuuna iigu sheekayn jirey sidii qof weyn.

Kaalintii walaalkay.

Walaalkay Abdihakim Ahmed wuxuu ahaa arday dugsiga sare ka dhigta Caasimadda Muqdisho isaga oo aan nala nooleyn, Fasax kasta oo yimaad wuxuu noloshayda ku soo kordhin jirey talaabo cusub.

Magaca Cabdiraxiin waxaa ii bixiyey walaalkay, aniga oo uurka Hooyaday ku jira ayuu isagoo yar ka codsaday Hooyaday iyo Aabbahay in magacaas lay bixiyo, Hooyo iyo Aabbena waa ka yeeleen inkastoo Cabdulqaadir laygu walqaday haddana kiisii ayaa hirgelay walaalkay Cabdixakiim.

1983 ayuu i geeyey dhakhtarkii caanka ahaa ee Maxamed Xuseen Cilmi ee iska lahaa Farmashiye Gargaar Burco, waanu igu guday, isla sanadkaas ayaa lay qorey dugsiga hoose dhexe ee Sheekh ibraahim ee gobolka togdheer, waxaana i qorey walaalkay, 1984 ayuu i geeyey masaajidkii ugu horreeyey aniga oo aan ciyaar iyo inaan mawliidka wax ka soo cuno ugu socon ee salaad Jimce inaan guto ugu socda, 1986dii wuxuu magacayga ku qorey hanti dhuleed oo ka diiwaan geliyey degmada burco ilaa haddana ka mid ah hadyadaha qaaliga ah ee walaalkay i siiyey ee aanan ilaawi karin.

Cabdixakiin sidaa iigama hadhin ee wuxuu ahaa barahaygii dhabta ahaa, aniga oo dhigta Fasalka 3aad ayaa waxaa guriga ii yaalay Manhajka sanad dugsiyeedka ilaa Fasalka Afraad ee dugsiga sare, dhammaan agabkiisii waxbarasho ayuu igu wareejiyey, mar walbana waxaan ka horreeyey kaalinta waxbarashada ardeyda ila dhigato, sanad ama laba sanno taasoo uu sababteeda lahaa.

Dagaalkii ka dhacay 1988dii ayaa keenay inaan ka barakacno gobolka Togdheer, una bara kacno Caasimadda Muqdisho, Halkaas oo walaakay deganaa, ayuu markiiba iga suurageliyey inaan waxbarashadeydii sii wato, wuxuuna iga diiwaangeliyey waaxda wasaaradda waxbarashada gobolka Banaadir, waxaanan noqday arday ka mid ah, Ardeydii dugsiga hoose dhexe ee JANARAL DAA’UUD, halkaas ayuu walaalkay ka waday dhiirigelinteyda iyo taageerada walaal iyo waalidnimo.

Kaddib burburkii dalka wuxuu u kicitimay qurbaha isagoo halkaas mar labaad taageeradii dhaqaale iyo garabgal aan marnaba iga joojin, kaddib burburkii waxaan halkayga ka sii watey waxbarashadii dagaallada sokeeye iga qabyeeyeen, Dugsi sare ilaa macaahid kala duwan, intaasna Cabdixakiim oo markaas Yurub ku noolaa wuxuu ahaa qofka keliya ee suuragelinayey.

Wuxuu ahaa qof ka werwera mustaqbalkeyga, wuxuuna ahaa mid xil weyn iska saaray barbaarinteyda iyo korinteyda jidheed iyo maskaxeed.

Talaabo kasta oo aan qaaday waxay labadoodu ku lahaayeen kaalin mug weyn talo iyo tusaale. Waxaan xasuustaa sanadihii 1988-1990 isaga oo degan Cabdixakiin degmada Hodan ayaa galab kasta oo Khamiis ah ugu tegi jirey intaan ka tago, Degmada Yaaqshiid, eray uu igu yidhi intuu i arkay anigoo waxoogaa raba inaan helo fursad aan ku ciyaaro.” Haddaadan maanta madaxa ka dhididin, Beri ayaad dhabarka ka dhididaysaa”

Waxaan kale oo xasuustaa in Cabdixakiim igu yidhi: Beri uu aad ii mashquuliyey, Subixii waxaan aadi jirey dugsi quraan, Galabtiina iskuul, Galabta Khamiista ayuu masaajid Tafsiir ka socdo iyo Siirada i geeyn jirey, markaasaan habeen idhi: GOORMAAN FIRAAQO HELAYA?

Wuxuu igu yidhi walaalkay Cabdixakiim: “Waxaa laga yaabaa inay dhacdo mar wax aad qabato aad weydo oo aad ilaahay ka barido inaad hawshooto ama mashquusho”

Ugu dambeyn walaalkay wuxuu ii suurageliyey nolol kasta iyo wax walba oo aan maanta ku naaloonayo.Isku soo wada duub, waxaan leeyahay Labada qofeed ee sawirka kaaga muuqdaa waa labada Tiir ee noloshayda, waana labada qof ee ii buuxiyey Kaalintii Aabbenimo.

Abaalkoodu maaha mid aan weligay ilaawayo, waxaanay ku kaydsan yihiin qaybta xasuusta ee baalka DAHABIGA ah.Maaha keligood inta abaalka igu leh iyo inta noloshayda ka qayb qaadatay, balse waxaan so gaar ah ugu xusey waa markaan arkay muuqaalka sawirkooda oo i geliyey xusuus dheer.

Qayb ka mid ah Sooyaalka Noloshayda
W/Q:Cabdiraxiin Hilowle Galayr.

SHEEKOOYIN

Cart
  • No products in the cart.