TILMAAMIDDA Buugga FARXADDU IIB MAAHA! W/Q: Muxyaddiin Xuseen Ciid

TILMAAMIDDA Buugga FARXADDU IIB MAAHA! W/Q: Muxyaddiin Xuseen Ciid

Sida ka muuqata magaca buugga waxa uu ka mid yahay mowduucyada wax laga ogaaday qarniyadii danbe ee ilbaxnimada iyo horumarka Ibnu-aadamku siyaadayay. Inkastoo aan filayo dhinaca soomaalida in aan hore wax looga qorin, ayaan haddana rabaa bal in aan taariikh yar dib ugu laabto xilligii aan ku baraarugay arrintan.

1993-dii, ayaa anoo Itoobiya jooga waxaa i soo gaaray nuqul joornaal af-Soomaali ku soo bixi jiray, lagana soo saari jiray dalka Kanada, maqaal ka mid qormooyinkii ku xusnaa joornaalkaas, oo aan magaciisa ilaaway ayaa cinwaankiisu waxa uu ahaa “Welwelka horumarka Adduunka”, waan garanayaa waqtigaas wiil yar oo dibad raajicanaya, una haystay hadduu mar tago waddamada reer galbeedku in ay naruuro iyo farxadi u bilaaban doonto ayaan ahaa, haddana marka aan akhriyay maqaalkaas ayaan qaadan waayay in dad horumarkii la hiigsanayay adduunkan oo dhan ay gacanta ugu jirto, haddana aan ku haysan wax farxad ah, tabayana in mar walba wax ka maqan yihiin ayaan qaadan waayay. Waxay igu noqotay su’aal mar walba igu taagan, ina tustay daaqad cusub oo u baahan in aan nolosha ka arko.

Markii aan Yurub imid ayaa galab annagoo dhallinyaro Soomaali ah oo wiilal iyo gabdho ah, casarliiqii ka soo baxnay xaafad aan ku casariyeynaynay, qaar naga mid ah ayaan rabnaa tareenka in aan saarno, waddada saldhiga tareenka gasha oo kaligayo aan maraynay galabtaas, annagoo kaftamayna, intayada bandanna qosleyso ayaan waxaan ka warhelnay Islaan Caddaan ah oo mindhaa 80-yo jirta ama dhaaftay, oo aqal wayn oo qasri ah waddadana saaran ka soo baxday si ay u cago-fidsato oo na cayrsanaysa, lehna “I suga su’aal baan idin weyddiinayaaaye”, haddaan inta aan wada aamusnay sugnay annaga oo is leh “Tallow maxay ka cabban doontaa” ayaa su’aasheedii waxa ay noqotay “waxaan rabaa in aan ogaado waxa aad ku faraxsan tihiin ee idinka wada qosolsiiyay si aan idinla qaybsado”, annigu waan ku naxay ereyga ka soo yeeray, dhallintii ayaa ugu jawaabtay “Mayee waan iska qoslaynay, wax gaar ah oo aan kuu sheegno ma jiraan aan kaftan ka ahayn,” inta ay madaxa ruxday ayay tiri “Shacuurtiinan dheehday markaad soo socoteen, ilaa aad isoo dhaafteen, dad wax ka maqan yihiiin wajiyadiinu uma muuqdaan, waayadan ma arag dad sidaas u wada socda iskuguna faraxsan”. Waxaan soo xasuustay maqaalkii aan 1993-dii akhriyay ee ahaa in horumar mar walba oo nolosha aad ka gaartid ay wali jiraan wax aysan ku gaarsiin karin oo ah farxadda iyo daganaanshaha, ama qanaca, taas oo aan ku xirnayn in ay qiimo kuugu kacdo.

Aan u soo laabto buugga FARAXADDU IIB MAAHAN, waxa uu qoraagu ku daadihinayaa sheekooyin dhowr ah oo uu si guud iskugu tidcayo, si uu si waafi ah kuugu shubo nuxurka farriinta uu xambaarsan yahay buuggan. Waa sheeko marka aad saddarada horaba furtidba kusoo jiidanaysa adoo aan is ogeyna hoos kuugu riixaysa in aad u gudaggashid sheekada.

Waa mid salka ku haysa waaqaca jira ee runta ah in abdan oo naga mid ahna ilowsan yihiin ayaga oo moodaya in haddii gacantoodu ku jirto lacag, oo Soomaalidu u bixisay “Farxiya” ay wax walba gacanta ku hayaan, balse buuggan waxa uu na tusayaa in ay jiraan wax aan lacag walba goynin, tanoo ah faraxdda iyo daganaanshaha.

Sheekada waxaa xuddun ah dhowr qoys oo nolasha wajiyadeeda kala duwan ku sugan, adoo ka dheehanaya in kuwa wax walba haystaa ay weli dareemayaan in wax ka maqan yihiin, halka kuwa aan waxba gacanta ugu jiran aysan dareemayn culays ay la walwalaan.

Qoraagu si farshaxan leh ayuu sheekada ugu dhex milay sheekooyin iyo raadraacyo hore oo nuxurkoodu ku soo biyo shubanayaan waxa markaas taagan si ay daliilo ugu noqdaan xoojinaya dulucda sheekada.

Qoraalka iyo hab-dhiska uu qoraagu u adeegsaday sheekada ayaa qayb ka ah macaansiga akhriska buuggaan, waayo luqad fudud iyo erayo ay fahmi karaan cid walba ayuu u doortay daadihinteeda.

Buuggan oo ah kii ugu horeeyay qoraagan ayaa runtii mudan in lagu ammaano mowduuca uu u doortay in faham guud ka siiyo bulshada Soomaaliyeed iyo caalamkaba in farxaddu ka qiimo badan tahay wax walba lacagna aysan kuugu fadhin.

Waxaa xusid mudan anoo buuggaan sita in aan masaajid galay, kuraastii weysada mid ka mid ahna aan saartay buugga, waxyar ka dib ayaan ka warhelay dhowr waddaad oo dultaagan, anoo mooday in ay kursiga rabaan si ay ugu weysaystaan ayaan ka qaaday buuggii, balse waxa ay yiraahdeen magaca buugga iyo micnaha uu xambaarsan yahay ayaa na soo jiitay.

Tani waxa ay ku tusinaysaa helidda magaca in uu qayb libaax ka qaato qorista buugga, waxa la isku dhaafayna ay ka mid tahay, waxana caddeyn u ah buuggan magaca uu xambaarsan yahay.

Ugu danbayn waxaan ku gubaabinayaa soomaalidu in ay buuggan akhriyaan si in badan oo aaminsan in wax ka maqan yihiin maadaama jeebkoodu maranyahay ay u ogaadaan in lacagtu aysan wax walba goyn karin, kuwa ay ku tuhmayaan in ay wax walba haystaana ay u ogaadaan in ay wax ka dhiman yihiin, wixii ay haysteenna waxba u goyn waayaan.

Hambalyo Cabdikariim Cabdulle Culusow, halkaas ka sii ambaqaad qoraalkaaga waxaana kaaga fadhinaa intaas ka sii badan.

W/Q: Muxyaddiin Xuseen Ciid (Libaax-barkade)

SHEEKOOYIN