TILMAAMIDDA GACAL IYO GAYAAN W/Q:- Cabdalla Qaasim Daameey

TILMAAMIDDA GACAL IYO GAYAAN

  • Magaca dhiganaha: Gacal iyo Gayaan
  • Qoraaga buugga: Xasan Cabdulle Calasow (Shiribmaal)
  • Daabacaadda: madbacadda Laashin.
  • Soo baxay: sannadka  2019.
  • Bogagga dhiganaha: 298 bog

Inta aanan kuula socdaalin gunta hoose ee dhiganaha iyo falsafadda ku duugan sadarradiisa aan kolka hore kugu soo wareejiyo ardaaga buugga si aad aragti guud uga qaadato macnaha uu xanbaarsanyahay. Gacal iyo Gayaan waa laba eray oo uu mid waliba leeyahay macno u gaar ah misana kolkii la isku geeyo labadaasi eray waxa ay yeelanayaan macno iyo ujeeddo qotadheer.


GACAL waa eray ka mid ah erayada bad weynta ah ee ka tilmaam bixiya (Jaceylka) waxa uu ka tarjumayaa wehelnimo iyo wanaaggii lagu yaqiin, kalgaceyl iyo gacaltooyadii uu lahaan jiray, xigaal iyo sokeeyannimadii lagu dugsan jiray.


GAYAAN waa eray muujinaya isku fil, isku habboonaan, isku da’aad, isku dhaqan iyo isu qalmitaanka nolosha ee dhinacyada damaca iyo guurka. GACAL IYO GAYAAN: sida aad ka dheehan karto jaldiga dhiganaha oo loo qaabeeyey hab farshaxameed is waafajinaya magaca iyo sheekada, waxaa kaaga muuqanaya wiil iyo gabar ama kuray iyo gashaanti ama igaar iyo igaarad ay waayuhu ku kulminyaan gabaahirig cidlo ah isla markaana uu dhex marayo xiriir jaceyl oo aad u adag, haddaba ka kaalay ardaaga GACAL IYO GAYAAN oo waxa aad usoo xaluulataa gunta hoose iyo falsafadda uu xanbaarsanyahay dhiganahu.


Gacal iyo Gayaan waa sheeko loo curiyey hab uu farshaxankeedu sarreeyo, sheekadu waxa ay gudbineysaa farriimo badan, aragtiyo mug leh iyo ilbaxnimo aad u fog, kol waa  dhaqan iyo hidde suubban, kol waa murti iyo suugaan, kol kalena waa af-barid iyo eray bixin, kolna waa ujeed kale oo intaas ka weyn oo yoolkeedu yahay farriin dadban oo uu qoraagu ku gudbinayo xaddaarad soomaalinimo oo aad u qiimo weyn.


Dhaqanka:


Sheekada Gacal iyo Gayaan waxa aan oran karaa in ay saldhig u noqon karto dhaqanka iyo hiddaha soomaaliyeed, inta aad aqrineyso sadarrada sheekada waxa aad dhex mushaaxeysaa miyiga adiga oo sanka la raacaya udugga dhirta kolna ka cabsanaya ciyda habar dugaag iyo halisaha ay u bareerayaan Dhaashane iyo Dheeho, dhanka kale waxa ay sheekadu ka tilmaam bixineysaa asluubta, dhowrsanaanta, axdiga, kalgaceylka, ilaalinta dhaqanka iyo u dhabar adeygga waayaha dunida oo intaba ay sheekadu u qaabeysay hab aad ka baraneyso dhaqanka iyo hiddaha suubban ee soomaaliyeed.


Suugaan:


Gacal iyo Gayaan waxa uu la ciirciirayaa gabayo, shirib iyo geereerro ha ahaado xigasho iyo curinta abwaanka intaba, waxaa kale oo uu dhiganahu la buuxdhaafay maahmaahyo, masalooyin iyo oraahyo qurxinaya habka dhigaalka buugga isla markaana gudbinaya farriimo culus oo bulshada wax-tar iyo aayo u leh.

Eray bixin:


Gacal iyo Gayaan waxa uu ku qoranyahay (Af-Soomaali asal ah) oo dheellitiran una qaabeysan hab kugu dhalinaya xiiso iyo hammuun aad kusii dhex socdaaleyso sheekada, waxa uu abwaanku ka xulay buugga (260) eray oo uu ku sameeyey eray bixin walow laga yaabo in dadka qaar ay usii baahdaan eray bixin dheeraad ah, taasi ayaa dhiganahan ka dhigeysa in uu noqdo keyd baaxad weyn oo loogu hirto barashada afka hooyo.


W/Q: Cabdalla Qaasim Daamey

SHEEKOOYIN