TILMAAMIDDA GARDAADIYE W/D: Cabdiraxiin H. Galayr

Tilmaamidda Gardaadiye

Dhiganaha Gardaadiye ee ay soo saartey madbacadda LAASHIN, uuna qoray qoraa, laashin: Xasan Cabdulle Calasow “Shiribmaal” ayaa ah mid loo qoray ubadka soomaaliyeed guud ahaantood, gaar ahaan wixii ka billowda da`da shan jirka ilaa ay ka qaangaaraan.Waa sheekooyin maan koris ah oo bilkaydaya maskaxda ubadka, hoga tusmaynaya waayaha iyo nolosha sugaysana, u tabobaraya qaabka uu ula falgeli lahaa nolosha, una diyaarinaysa dawgii uu mari lahaa.

Sheekooyinkii dhallaanka ee soomaaliyeed waxay ahaayeen: dhaqan soo jireen ah inta aan la helin dunidan cusub iyo tiknoolajiyada, waxaa jiray gole habeenkii lagu caweysimo oo ubadku ay ku sugaan geelmaalka ama cunto karisku inta uu ka dhammaanayo.

Dadka waaweyn ayaa uga sheekayn jirey sheekooyin kala duwan oo marna dhiirrigelinaya marna feejignaan ku abuuraya, waxaa la bari jirey; in ay xun yihiin, beenta, dhagarta, tuugada, waalid diidka (caasiga) waxaa kale oo la bari jirey; xoogsiga, hufnaanta (daacadnimo) runta, geesinnimada, deeqsinnimada IWM inay wax wanaagsan yihiin.

Intaan oo dhan qaab sheekeed ayaa loogu gudbin jirey dhallaanka, sheekooyinka noocaan ahi waxay ahaayeen kuwa bilkayd iyo weydiimo ah. Waxaana ka soo dhex bixi jiray; garaad kobcin xad-dhaaf ah taas oo cashar u noqon jirtay ubadka. Waxa kale oo sheekadaasi ahayd Af barid ay ubadku ku bartaan erayada afkooda ee aysan hore u aqoon. Haddaba dhaqankaas soo jireenka ah ayaa guurey, waayahan dambena sida aan wada ognahay miyi iyo magaaloba, dadka ubadka u sheekeeyaa waa faro ku tiris.

Haddaba qoraaga oo ka duulaya in aysanba waaliddiinta qaarkood maanta haynin wax ay ubadka ugu sheekeeyaan, ayuu u diyaariyey, si dhib yar in la helo dhigane sheeko carruureed ah. Maaha arrin ugub ah, sheeka carruureedka, maxaa yeelay, adduunka oo dhan baa laga adeegsada, balse, inta badan dadkeenna soomaalida ahi uma diyaarinno ubadka habka maanta dunida kale u diyaariso, warbaahinta, dugsiyada iyo goobo badan oo kale oo mudnaa in loogu sheekeeyona, looguma sheekeeyo.

Haddii aad jeceshahay in aad ubadkaaga afka barto, dhaqanka barto, hogatusmayso, la sheekeysato, ammin la qaadato, ha moogaan dhiganaha Gardaadiye oo aan hubo inuu masuuliyad ku saarneyd kaa dul qaadidoono, maxaa yeelay, haddii aadan hore u aqoon sheeko soomaaliyeed aad ubadkaaga uga sheekeyso dhiganaha GARDAADIYE ayey kuugu diyaarsan yihiin iyaga oo diinta iyo anshaxa suubban ku qotoma.

Halkee ayaad ka helaysaa dhiagnaha GARDAADIYE?

Dhiganaha Gardaadiye, waxa aad ka helaysaa ama aad ka dalban kartaa guud ahaan waddamada Yurub, gaar ahaan waddanka Iswiidhan (Sweden) oo uu hadda yaallo, laguna daabacay. Waxaad ugu hagaagi kartaa MADBACADDA LAASHIN, waxa ayna kaa ballanqaadayaan in ay kuugu keenaan meel kasta oo aad dunida ka joogtid. Dhanka kale, Soomaaliya iyo qaaradaha kale ee adduunkana sida ugu fudud ayey madasha LAASHIN ku gaarsiindoontaa dhiganaha GARDAADIYE iyo guud ahaan buugaagta kale ee ay madbacadda LAASHIN soo saarto haddii Eebbe oggolaado.

W/D: Cabdiraxiin H. Galayr

KA DALBO HALKAAN:

  • laashin77@gmail.com
  • cuute23@hotmail.com
  • Tel: 0046 (0) 761 692 980 Guddoomiyaha LAASHIN: Xuseen M. Cabdulle “Wadaad”
  • Tel: 0046 (0) 70034 5789 Qoraaga buugga: Xasan Cabdulle Calasow “Shiribmaal”

SHEEKOOYIN