Tilmaan guud ee buugga GACAL IYO GAYAAN W/Q: Yuusuf Carab Muxumed (Yamani)

Tilmaan guud ee buugga GACAL IYO GAYAAN

  • Magaca buugga: GACAL IYO GAYAAN
  • Qoraaga buugga: Xasan Cabdulle Calasow “Shiribmaal”
  • Bogagga buugga: 298
  • Guga la daabacay: 2020
  • Madbacadda daabacday: MADBACADDA LAASHIN

HORDHAC:

Nuuca sheekada:

Marka hore Ilaah baa mahad leh oo ii suura galiyay in aan wada akhriyo buugga: “Gacal iyo Gayaan”. Waa sheeko faneed. Sheeko faneed marka aad maqasho waxa kugu soo dhacaya masrixiyad IWM, balse, sheeko faneedda ayaa waxay u sii kala baxdaa: “Labo qeyb”. Labadaas qeyb oo kala ah: “Sheeko faneed iyo sheeko hiddeed”. Haddaba, sheekada GACAL IYO GAYAAN waa sheeko hiddeed, taas oo ka dhigeysa sheekada mid xiiso gooni ah u yeelaysa aqrinteeda. Waxa cajiib leh qaab tebinta sheekada iyo doorashada xilliga ee qoraaga, maxaa yeelay, aadanuhu waxaad mooddaa inay hadda dib ugu soo baraarugayaan noloshii hore ee miyiga, waxa hadda loo yaqaanno: “Deegaan cagaaran” iyo raashin dabiici ah. Sidaas oo kale ayuu qoraaguna doortay inuu qalinkiisa dul geeyo 7 ilaa 6-boqol oo sano ka hor sida ay u noolaayeen Soomaalidu. Cajiib! Weligaa ma aqriday buug Af-soomaali ku qoran oo ka hadlaya 7-qarni ka hor? Haddii ay jawaabtaadu maya tahay; aqri buugga Gacal iyo Gayaan.

Runtii waxaan billaaw ilaa dhammaad ba ku aqriyay waqti aan aad ugu xiisa qabay aqrintiisa. Waa sheeko si xeeladeysan, farshaxan heersare ahna leh loo dhigaaliyay. Sheekada oo aan laga caajiseyn ayaa sababtay in aan mudda kooban ku aqriyo buugga oo idil.

Buuggaan oo ka sheekeynayo sheeko faneed kuna dhisan waaqica baaddiyaha (miyiga) inta aan ku guda jiray aqriska buuggaan waxaan aad uga bartay dhaqan miyiga oo ay  ku dheehan tahay hasaawaha dumarka. Intaas waxa u dheer oo uu aad kuu barayaa magacyada geedaha iyo magacyada xayawaannada duur joogta ah ku wooda wax u gaarsada.

Buuggu waxa uu si qotodheer ugu hadlayaa oo uu ka sheekeynayaa sheeko dhex mareysa lab iyo dheddig is xushay oo ah barbaar gaashaan-qaad ah, da’ ahaanna isku fil ah. Sida ku qoran buugga bogag ka mid ah waxaad ka dheehaneysaa libaaxyada qaar in ay bani-aadamka hishiis la galaan. Waa sooyaal iyo cilmi igu cusub oo aanan weli maqal. Boqollaal dhacdo oo kaa yaabin doonta, mar kaa qoslin doonta, mar kaa ilmeysiin doonta, marna kaa farxi doonta ayaa buugga ku jirta. Waa sheeko si yaab leh loo qoray, loona farshaxameeyay.

Qof kasta oo aqriya buugaas weliba si heer sare ah oo maskax furanna u aqriya in badan ayaa wuxuu ka barandoonaa wax badan oo maskaxdiisa ka maqneyd. Waxa kale oo aad ku  dhexbaran doontaa qaab-dhismeedka haweenka iyo dhuunyaalku meelaha ay iska leeyihiin, wilibana aad kuu soo jiidan doonta hab qoraaleedka uu u qoray qaraaga buugga: “Gacal iyo Gayaan”.

Haddaba aqristoow sheekada buuggaan waxaa ku hoos qarsoon oo ku hoos daboolan jaceyl weyn oo aan ku imaannin si sahlan loona soo maray waddo qaraar, kaas oo ugu dambeyntii uu ka mira dhaliyey. Sidoo kale gabadhuna kama garasho yara oo waa garyaqaanad yaab leh, isla markaana si dhaw iyo si dheerba ula garrameysa wiilka iyo cid kasta oo isku dayda inay soo gardarreysato.

Dhabtii inta aad buuggaan aqrineyso waxaad ula yaabeysaa haasaawaha qurxoon ee ay is waydaarsanayaan gabadha iyo wiilku. Mid kastana uu doonayo inuu qof ba qof ka kale uu tijaabiyo maankiisa, caqligiisa iyo garashadiisa intaba.

Ugu dambeyn aqristiyaasha buuggaan waxaan u soo jeedin lahaa inay si dhaw ugu kuur-galaan isla markaana ay ka hirqadaan aqoonta cajiibka leh ee dhextaalla buugga. Sidoo kale qoraaga buugga oo ah: “Xasan Cabdulle Calasow “Shiribmaal” “ aad baan ugu bogaadinayaa sida farshaxameysan ee uu u qoray buugga oo aan marnaba laga caajiseynin aqriskiisa. Sidoo kale waxaan halkaan uga mahadceliniyaa qoraaga oo buuggiisii kale si haddiyad ahaan ah ii siiyay: “Gardaadiye”. Mahadcelin gaar ah ayaan u diriyaa qoraaga.

W/Q: Yuusuf Carab Muxumed (Yamani)

NAGA LA SOO XARIIR:

laashin77@gmail.com

admin@laashin.com

                                                              

SHEEKOOYIN