TIRAAB-CURINTA TOOLMOON Q-2AAD W/Q: Siciid Jaamac Xuseen

TIRAAB-CURINTA TOOLMOON Q-2AAD Dalmar (Sheeko Gaaban)

Tuulada Nagaad-suga meel gabaahiir ah ayey ku taal. Aqalladeedu waa carshaan is-dugsanaya. Si aad iskugu dhow ayey isugu xoonsan yihiin. Meeshay ku taal iyo qaabkay tuuladu u dhisan tahay innaba ma muujinayaan in dadku ay goobtaas qorshe ku degeen. Waxaad mooddaa inay yihiin dad duruuftu xilli adag meesha ku kulmisay.

Sidii u caadada ahayd caawa waqti hore ayaa tuulada laga seexday. Socod iyo sanqar baxaa, haba yaraatee, ma jiraan. Cirku wuu qaawan yahay. Xiddiguhu intoodii way ka dhalaal weyn yihiin. Dalmar casarkii ayuu tuulada soo galay. Qolka la dejiyey waxaa ku weheliyey nin kale oo isna socoto ah. Maqaadiir ayaa labadooda isu keentay. Meelo kala durugsan ayey ka kala yimaaddeen. Arrimo kala duwan ayaa maskaxdooda ka guuxayey. Dacdarrada ka muuqata way ka siman yihiin. Wax waraysi ah ma ay wada yeelan. Midkoodba tiisa ku habsatey ayuu waabberiga la dhowrayey. Markii waagii dildillaacay ayey qolkii kasoo wada baxeen, iyada ood wejigooda ka garan kartid in aanay habeenkii xalay ahaa laba indhood isu keenin.

Tan iyo saaka siday tuulada uga soo jarmaadeen, wax dhaqaaqil ah, dad iyo xoolo toonna, lama ay kulmin. Ban bacaad isku sii deys ah ayey ka dhammaan waayeen. Daal, harraad iyo gaajo isagoo bestiis ah ayaa Dalmar guux-badeed u baxay. Run iyo been kay tahay wuu kala garan waayey. Tii naftiisu jaclaysanaysey ayuu laabta u badiyey. Markaas ayaa ninkii ildarraa nolol cusubi ku dhalaytay oo uu dardar hor leh iyo laba-lugoodin billaabay. Saxiibkiisii daba hablaynayey maskaxdiisuu ka baxay.

Dhawr saacadood ayuu sidaas ku wadey isagoo isla maqan.

Cirkii baa daruuri isa soo buuxisay oo qorraxda fallaaraheedii gadaal u celisay. Dhulkii baa midab dugul ah hullaabtay. Dabayl dhaxan qabow xanbaarsan ayaa dhinaca bari kaga soo butaacday. Harraadka hayey iyo baahida lafaha ka cuskatay ayaa usii kaday qar-qaryada sida ba’an u haleeshay. Guuxii badda ayaa markii ugu horreysay dhegiisa qummaati ugu baxay. Gudcur isasoo taraya ayaa jawigii ku habsadey, iyadoon weli qorrax-dhac la gaarin.

Caga-jiid ayuu xeebtii kusoo gaarey. Dhulka isku siman taagsin ka joog dheer ayuu salka dhigtay, lugaha soo laabtay, gacmahana dul saaray. Badda mawjaddeeda iyo cirka cimilladiisa ayaa reen iyo gurxan isugu jiibiyey aad mooddid inay ku diganayaan xaaladda uu Dalmar ku sugan yahay. Cirka korkiisa isdhaanshey ayaa sidii calool dooxantay mar qura kusoo furmay. Hoglo roob ah, hillaac walac leh iyo onkod qararac laynaaya ayaa ku wada kulmay intu rakada fadhiyey. Calool maran, maskax welwelsan iyo saaxiib lagu tilmaami karo qallad qoolka loo suray ayaa u weheliyey gadoodka cirka ka aloosmay. Sida la fili karo, ma qarqarin, ma kogin, sida saaxiibkiis bohol yar isku ma xabaalin isagoo ilka isla dhacaya ee intuu u bogy, u riyaaqay, u muraaqooday baaxadda ay dabiicaddu leedahay ayuu ku dhex libdhay hugunkeeda aan kala go’a lahayn. Isaguba miyaanu dabiicadda ka mid ahayn.

W/Q: Siciid Jaamac Xuseen

NAGA LA SOO XARIIR: Admin@laashin.com

SHEEKOOYIN