TIRAAB-CURINTA TOOLMOON Q-3AAD W/Q: Siciid Jaamac Xuseen

Ambad

Nin dan yar ah, xoogsade xalaal-quute ah, naftiisa ku kalsoon oo noloshiisa ka raalli ah ayaa xilli aan caddo iyo gudcur toonna ahayn hees- walwaaleed loo tumaa, hammad beena la geliyaa, huguri waalan laga soo ridaa, meel uu nagaad ku ahaa laga dhuftaa oo loo haadiyaa hawaare iyo meel u daran. Darajo dhalanteed ah aanu marna haaweysan, haabkeedana hiyiga ku hayn – agaasime, maareeye, danjire, wasiir iwm – loo magacaabaa.

SUULCAYN iyo SAMAKAAB deris bay ahaan jireen toban sano ka hor. Samakaab dugsiga sare ee Yuusuf-al-Kawnayn ayuu bare ka ahaa. Suulcayn baabuur-waduu ka ahaa Wasaaradda Gaadiidka. Oori iyo dhawr carruur ah ayuu lahaa. Guri baraako ah oo aan Samakaab ka durugsanayn ayey ku jireen. Qoyskiisa, deriska iyo shaqadiisa dhexdooda dhammaan xurmo iyo maamuus ayuu ku lahaa. Barashadda far soomaalida ayuu waagaa billaabay. Tallaabadaas wanaagsan iyo dadaalka uu muujiyey, ammaan, dhiirrigelin iyo gacan waxaa ku siin jirey Samakaab jeer magaalo kale loo beddeley.

Muddo toban sano ah ayey is-moogganaayeen. Si kedis ah ayey maalin isku soo baxeen, Samakaab oo lugaynaya iyo Suulcayn oo baabuur MAZDA ah wata. Mar qura ayuu baabuurkii joojiyey, kasoo degey oo salaam diirran Samakaab ku boobay. Waraysi degdeg ah ka dib, inu muddo dhawr sano ahba danjire dibedda ka ahaa ayuu ku kordhiyey. Muuqaalkiisa ayaa Samakaab u fiirsaday. Wuu ka cayilsanaa suu ahaan jirey goortii isugu dambeysey.  Karafate iyo suudh jirkiisa ku giigsan ayuu xirnaa. Foodda iyo dhafoorrada cirradii kasoo weerartay sibaaq madow ayuu mariyey. Qofkii aan da’diisa aqooni kolleyba sannado badan ayuu ka yaraysiin lahaa intuu jirey. Qoyskiisii ayuu uga warramay oo dibedda ku nool. Noloshoodu inay wacan tahay, hase yeeshee xaaska iyo carruurtu aanay bukaan ka bixin ayuu la socodsiiyey.

Judhiiba waxaa Samakaab kusoo dhacay, “sabab kale ha joogtee, xanuunka qoyska sii deyn waayey waxaa ugu wacan qush-qushka ka soo gaaraya nolosha ay ka tageen iyo tan ay mar keliya dhex dabbaasheen iyagoon haba yaraatee u tabaabushaysan”. Suulcayn laftiisu wuu ku naxay in muddadaas dheer ee ay kala maqnayn wax la sheegi karaa shaqadii iyo darajadii uu Samakaab ku ogaa aanay wax iska doorin. Dacdarrada ka muuqateyna wuu u qaadan waayey. Waano iyo talooyin samata-bax leh wuxuu u qabey ayuu cabbaar daldalay. Inuu madax-adaygga iska dhaafo oo dantiisa usoo jeesto ayuu hadalkiisii kusoo gunaanaday.

Intuu waanadaas ku maqnaa, ayuu Samakaab mar labaad si fiican Suulcayn uga bogtey. Kaad timi… dheeraa! Aad ayuu intiisii ugala dheeraaday. Qoorta ayaa ku jebi gaartey. Hoos ayuu u dhugtey..mise ninkuba cago dhulka kuma hayo. Qosol uu hayn waayey ayuu sii daayey.

Maxaa kugu dhacay? Maxaa sidaas kaa dhigay? Tan iyo goormaad sidaas u deldelnayd?” ayuu isu daba-dhigay halkuu war kale uga fadhiyey. Suulcayn wuu isku naxay..la yaabay..dib uga gurtay siduu yahay qof uu ku qaldamay oo kale. Baabuurkiisii ayuu ku dhaqaaqay isagoo madax ruxaya.“ Ilaahay ha ku cafiyo,” ayuu sii lahaa intuu baabuurka kusii socdey. “Wadaaggeenba,” ayaa Samakaab kasii daba tuuray.

W/Q: Siciid Jaamac Xuseen

NAGA LA SOO XARIIR: admin@laashin.com

SHEEKOOYIN