TIRAAB-CURINTA TOOLMOON Q-1AAD W/Q: Siciid Jaamac Xuseen

TIRAAB-CURINTA TOOLMOON:

Afsoomaali sax ah oo qoristiisa la laasimo, hodonnimo af oo si weyn loo hanto, hab iyo hannaan toosan oo had walba la adeegsado, niyad iyo rabitaan aan marna la loodin karin oo la la yimaaddo, culimo hab-qoraalkaas ku xeeldheer, kuna caanbaxay oo hal-abuurkooda la aqristo oo casharro wax ku ool ah laga la baxo, farakuhayn had walba la caadaysto ayaa sal iyo saas adag u noqon kara sheeko-curinta.

Intaasi waa dhowr tilmaamood oo ka mid ah kuwa ugu muhimsan marka tiraab-curinta la rabo in hawsheeda dhab loo galo.Marna ma aha arrin fudud sidii dhowrkan qodob looga soo dhalaali lahaa.Dadaal iyo waqti dheer waa mid u baahan.

Mar hadday sidaas tahay, waxaan door bidnay in qoraalkan gaaban aan ilayska saarnodhawr masa’lo oo dhabbada loo marayo hawshan culus innagu haga, lurteedana inoo fududeeya. Adeegsiga afka iyo qoristiisa saxa ah, in kastoo qaybaha kale ee tababarkan si faahfaahsan u gudagelayaan qorista saxa ah ee Afsoomaaliga, misna waxaan u aragnaa in qormadankooban fiiro gaar ah loo yeesho.

Afku guudahaan wuxuu nolosha dadka ka qaataa kaalin aan qiimaynteeda iyo qadderinteeda si fudud loosoo koobi Karin. Hawl kastoo dadku ku dhaqaaqo mid muruq iyo mid maskaxeedba si toos ah ayey afka ula xiriirta.Wada-hadalka, war-tebinta, ra’yi-kordhinta, doodwadaagga, cilmi iyo aqoon-gudbinta, ay ka dhalato kor-u-qaadidda wacyiga iyo awoodda maskaxeed ka sokow, waxaa u dheer in afku yahay dhaqan-sidaha ummadda. Waa kaydiyaha taariikhdeeda ee si sax ah looga daalacan karo heerka ilbaxnimadeedu had walba ku sugan tahay.Culimada afafka adduunka u kala dirsoocda asalahaan halkay kasoo jeedaan, waxay Af-soomaaliga ku tilmaamaan inu ka tirsan yahay bahda la yiraahdo KUSHITIGA ee aynu la wadaagno dhawr qowmiyadood oo geeska Afrika iyo waqooyigeeda dega sida Ooramada, qotida, cafarta, Nuubada,Saaho ikk.

Af-soomaaligu waa af guun ah. Kumanyaal sanuu soo jirey.Muddadaas dheer waxaa dadka Somaliyeed soo maray dagaallo fara badan, kuwo waqtiyo gaagaaban socdey iyo kuwo xilli dheer qaatay, kuwo dadka soomaaliyeed dhex marayey iyo kuwo iyaga iyo shisheeye ay isku haleeleen.Waxay kalo dadka soomaaliyeed la kulmeen abaaro aad u xun iyo aafooyin cudurro khatar ahi ka mid ahaayeen.Waxaa soo raaca guur-guurka iyo hayaanka dheer ee hab-nololeedka xoolo-dhaqatada ummaddeenu u badnayd caanka ku ahaayeen. Ku dar saamaynta afafka qalaad, dhaqammada shisheeye iyo xataa diimaha dadkeena muddadaas ku wada furnaa.Sidaas darted waxaa la oran karaa jiritaanka Af-soomaaligu jiro iyo heerka uu maanta soo gaarey iyo siduu uga soo doogey aafooyinkuu kala kulmay geeddigaas taariikheed ee dheer waxay si muran-ma-doonto ah u sheegayaan inuu Af-soomaaligu tiirar adag oo xididdo durugsan ku dhisan yahay.

Af-soomaaligu waa Af hodon ah.Gaarahaan dhinaca suugaanta waxaa lagu tilmaamaa Af aad ugu ballaaran. Soomaalida ka solow aqoonyahanno shisheeye ah oo ku xeel dheer danaynta, isku-tacalujinta, u-kuur galka, iyo lafa-gurka Af-soomaaliga iyo dhaqankiisa ayaa dhammaantood arrintaa isla wada qirsan.Xeeldheerayaashaasi rumaynta go’aankoodaas waxay mar walba u maragsadaan maansooyin abwaanno soomaaliyeed dareeriyeen laga soo bilaabo qarnigii 19aad horrantiisii ila iyo maantadan aynu joogno.Maansooyinkaas ay ka muuqato sida caqiibada leh ee abqaannadaasi arrimo badan, kala duwan, murugsan oo nolosha la xiriira u guda galeen una soo bandhigeen iyadoon marna is-raac-wanaagga murtida iyo miro-xulashadooda wax duriin ah lagu sheegi karin.

Sidaas ay tahay ayaa misna marka laysku dayo in Af-soomaaliga ereyadiisa oo dhan lasoo tira-koobo loogu tegayaa inay aad u yar yihiin haddii afaf kaloo badan la barbar dhigo.Meeday kolkaas hodonnimadii Afka lagu sheegayey?Ma cidla-ka-faan bay iska ahayd? Maya..ee bal qabsoo waa mid ee Afka hodonnimadiisa meelo kale ayaa loogu tegayaa. Waxay ku jirta baaxad weynida iyo qota-dheerida ereyadiisa ku duugan. In kastoo aynu niri Af-soomaaligu waa ereyo kooban yahay, haddana rog-rogga ereyga, isqabadsiinta laba erey, qodobka gadaal ama hore ka raacaya ereyga, meesha had walba ereygu weedha kaga jiro, iyo kuwo kaloo badan ayaa isla ereygii siinaya micnayaal fara badan oo si fudud loo kala garan karo.

Si kale haddan u dhigno, Af-soomaaligu wuxuu hoodo u leeyahay asalahaan iyo dhismo ahaanba waa Af aad ugu nugul una laylsan nolol-awoodkiisa, tarankiisa, fudayd-curintiisa, dhidib-adayggiisa, abuur-wanaaggiisa, iskorintiisa, aqoon-qaadkiisa, adduun-higsadkiisa, isagoon marna rarkaas, ugboonayntaas iyo horumarkaas joogtada ahi wax khalkhal ah ku ridin micnahiisa, turxaan u yeelin qaab-dhismeedkiisa, labid u geysan dhawaaq-wanaaggiisa, kalana dhantaalin quruxdiisa ay u wada muraaqoodaan dadkiisa ku kala nool carrada isu kala jirta Jibuuti iyo Wajeer, Bosaaso iyo Hawaas iyo inta u dhexsaysa oo idil.

U-kala-gudubka odhaahda iyo qorista

Hadalka, Aqriska, iyo Qoristu waa saddex jaranjaro oo kala sarreeya.Waa saddex qaybood oo waxbarasho oo laysaga gudbo.Waa saddex heer oo dhaqan oo kala durugsan, gaar ahaan intay dhinaca awoodda ku kala taggan yihiin, ee bulshadu u kala suntan tahay.. Hadlaa.. Aqriste..iyo Qoraa.Ummad kasta aayaheeda, ilbaxnimadeeda, iyo awooddeeda waxaa laga garan karaa had walba sedka iyo saamiga ay ka kala hanato saddexdaas qaybood. Horumarkeeduna wuxuu si toos ah ugu xiran yahay isaga-gudubkooda kor u socda.

Sheekada hooyada ee carruurta lagu sabo, lagu seexiyo, lagu maaweeliyo, lagu hago oo lagu hannuuniyo iyo sheeko-xariireedka xawayaanka tilmaan looga dhigtoba marxalad hor leh ayaa looga gudbay. Sheekadii sasab iyo maaweelin ka sokow, hawlo kale oo ka miisaan iyo qiime badan ayaa loo adegsaday. Manaahijta waxbarashada oo lagu darsado, xirfad lagu shaqaysto oo dadka allifana loo aqoonsado inay yihiin kuwo bulshada dhexdeeda magac weyn ku leh.

Nolol astaamaheeda ugu waaweyn lagu tilmaami karo inay ahaayeen baahi, cabsi, welwel iyo walbahaar joogta ah oo dhinac walba mugdi ka hareereeyo ayuu baniaadmigu soo jibaaxayey jeer uu hawlgal, halgan, nafhur, iyo baadidoon dheer ka dib, si isdaba-joog ah u haleelay ammuuro dhawr ah oo u suurtageliyey inuu nafleyda kale oo idil ka soocmo, kana gacan sarreeyo. Laba keliya haddaan ka xusno, waxaan oran karnaa nabad uu dugsado, awood uu dareemo, iyo itaal uu isbido uga ma horrayn maalintuu qofku dabka hantay ee dhimbiishiisa belbeliyey, iyo maalintuu birta tuntay ee ugaarsiga xawayaanka kale u foof tegay.

Haseyeeshee, marka laga hadlayo qofka ilbaxnimadiisa- samaynta iyo saamaynta dadnimadiisa- waxa raadraaceeda taariikheed loogu tegayaa xilligii uu soo ifbixiyey EREYGA QORAN. Maalintaas laga bilaabo, baniaadmigu wuxuu u gudbey taariikh hor leh oo tuu hore usoo maray si walba uga geddisan. Maalintuu Ereyga Qoran (khadarkaas) haleelay ayey runtii bilaabantay sahanka qofku ugu jiro dhammaystirka dadnimadiisa buuxda ee dhinac walba isaga dheelli tiran. Dabiicadda qallafsanaanteeda inu baniaadmigu guulo caqiibo leh kasoo hooyo waxaa ku-jibbaar ka adag siduu uga rayn lahaa turunturrooyinka iyo turxaamaha naftiisa iyo hawadeeda gaabani soo hor dhigayaan hayaanka loogu jiro rumaynta dadnimada sugan – nolol ku tanaadaysa inay sareedo, samo, iyo xilkasnimo xarka-goys ah dhinac walba kasoo hooyso.

Himiladaas durugsan ee lama huraanka ah waxa tallaabada ugu weyn ka geystey, ka geysanaya, kana geysan doona EREYGA QORAN.

Xarafyada maroorsan, isku mareegsan, ee eryga qorani uu ka koobmaa ka sixir daran kun durbaan oo baar-cadde loo tumo, iyo kun dab-qaad oo fooxley mingis ku shiddo. Curinta, xardhinta, iyo farsamaynta Ereyga Qorani ka adag, ka qurxoon, maskaxdana kasoo jiidan og farshaxan kastoo ka muuqan kara qadiifadaha lagu fara-yaraystay ee dalalka Iiraan iyo kuwa kale ee bariga fog carwooyinka caalamiga ah la shir yimaaddaan. Hawsha ereyga qoran gasha waxaa isu dugsadey gacmaha, maanka, wadnaha, iyo rabitaanka nafta.

MABAADI’DA GUUD

Mabaadiida: Mabaadiida qoraal-curinta toolmoon waa hilinka innagu hagaya, fududaynaya na soosaarka curin toolmoon ha ahaato sheeko gaaban, tu dheer sida noofalka ama maqaalladaha wargeysyada iwm.

Mabaadiidaas waxaa ka tisan:

  1. Dhalad iyo dhidid: Hibo loo dhasho oo dhaxal ah miyaa iyo mise waa waxsoosaar ku yimaadda dhidid iyo dedaal? Labada ba. Curinta qoraal toolmoon waa hibo ku duugan qofkasta. Ma jirto cid xuurto ku haysata oo looga haybadaysanayaa. Waxa se dhab ah oo waayaha laga bartay in hibada curinta qoraal toolmoon tahay boqolkii ba kow(1%), halka inta soo hadhay ee boqolkii ba sagaal iyo sagaashan(99%) ay tahay dhidid iyo dedaal. Sida dedaalka loo kala badsado ayaa curinta toolmoon guusha laga gaadhayo loogu kala horraynayaa.

  2. Weyddiin: Rukun kale oo isna lama huraan u ah qoraal curinta toolmoon ayaa noqonaya ‘weyddiinta’. Si aad u hesho xogta qof, geed, shay ama wixii ay doonto, badi weyddiinta, weyddii oo weydii oo weyddii. Had ba inta goor ee aad weyddiin keento ayay ku xidhan tahay aqoonta aad shaygaas ka korodhsanaysaa.

  3. Barbardhig: Ma jiro ama aqoon laga ma korodhsan karo wax aan lahayn halbeeg lagu cabbiro. “Waa qaali malabkuye, qiimaha la siistiyo, inta xiiso loo qabo, idinku ba qiyaasoo, haddii aan qallooc jirin, miyaa qiri lahaydeen?”..Xasan Sh. Muumin. Macaanka malabku ama macaan ba wuxuu qiimo ku leeyahay oo loogu qirayaa macaankaas jiritaanka qadhaadhka. Qadhaadh la’aantii macaan ma jiri karo. Ku dhegganow isbarbardhigga si aqoonta qofka, walaxda ama wixii aad qoraal curin toolmoon ka samaynaysaa u noqoto mid mug leh.

  4. Akhriska: Badso akhriska si ogaalkaagu u ballaadho oo ugu baaho in ka fidsan, aad uga durugsan aagagga araggaaga iyo maqalkaagu dhugan karaan. Weli ba ku dedaal in aad wax ku akhrido af ama afaf kale oo aan kaagii hooyo ahayn. Garashada af qalaald kuu ma soo kordhinayo aqoontii ummadda afkaas ku hadasha oo keli ah ee waxa uu kuu keenayaa aqoomo kale oo laga soo dheegtay dhaqammo kale. Aqoon badan oo aan afka Soomaaligu cawo u yeelan in loo soo raro ayaa afafkaas kale laga korodhsan karaa.

  5. Abtirsiin: Curin kastaa waxay ku aroortaa abtirsiimo soojireen ah, foodhida afka laga yeedhsho ayaa dhuun geed laga soo jaray loo qoray oo cod hallaasi ah samaysay, isu beddeshay saksafoon godad badan leh iyo waxyaabo kale oo maanta la adeegsado.

Sheeka-curinta : Tiirarka ugu muhimsan

  1. Dulucda – danta, qasdiga, ujeeddada laga rabo inay maskaxda aqristayaasha

degto oo ku hadho.

  1. Dhiska Sheekada – hannaanka iyo habraaca loo gudagelayo sheeka-curinta aad ayay

u badanyihiin, wayna kala duwanyihiin; mar haddiiba curin laga hadlayo, hab isku sargo’an yaan marna meesha laga filan. Waxaase jira oo la miciinsan karaa astaamo ka wada dhexayn kara. Kuwaas haddaan isku dayno inaan soo ururinno:

  1. Bilowga Sheekada Gaaban:

Waa qaybta furitaanka sheekada.Sidaas awgeed, soo-jiidasho iyo xiisagelin aqristaha loogu talagalay waa inay ka muuqataa.

(b) Qaybta Dhexe:

Waa tan ugu muhimsan; waana tan ku saabsan daadihinta dhacdooyinka sheekadu ka kooban tahay. Waana isla tay ka wada muuqdaan shakhsiyaadka sheekado ku socoto.

  1. Dhammaadka – Gebagebada:

Qaybtan waxaa lavgu tuuntuunsadaa si ay ujeeddada sheekada looga gol leeyahay ay maskaxda aqristayaasha baaqi ku noqoto.Qaybtani waa mid la timaadda tabo iyo xeelado aad u kala duwan, sida sheeko qorayaasha laftoodu u kala duwan yihiin.Badanaa waa mid aad u urursan, cajabna ku reebta aqristayaasha maankooda.

La soco qeybaha xiga haddii Eebbe idmo

W/Q: Siciid Jaamac Xuseen

Naga la soo xariir: Admin@laashin.com

SHEEKOOYIN

Cart
  • No products in the cart.