Toddobaadka Afka Hooyo W/Q Cabdulqaadir Cali Axmed

afsoomaali

Toddobaadka Afka Hooyo

In kasta, oo aanan ahayn, qof afka, erayga iyo suugaanta ehel u ah, haddana, waxaan soo gudbinayaa, aragtidayda gaaban, ee ku aaddan xuska loo sameynayo qoraalka farta. Af Soomaaligu wuxuu ka mid yahay afafka geeska Afrika looga hadlo, kuwooda ugu ballaaran, dadka Somaaliyeed ee ku hadlana, waxay ku noolyihiin deegaanno aad u baaxadweyn.

In kasta, oo ay af Soomaaliga ku hadlaan dad aad u badani, kuna baahsan dhul baaxad wayn, haddana, qoraal rasmi ah oo ay dadka Soomaaliyeed ku dhaqmaan wuxuu yeeshay 1972dii. Ka hor xilligas qoraallada ay dadweynaha Soomaaliyeed ku wada xiriirayeen waxay ahaayeen afaf qalaad.

Si afka Soomaaliga loo qoro waxaa dadaallo badan bixiyay aqoonyahanno Soomali iyo ajaanibba leh. Tusaale ahaan, 1961 dii, waxaa la soo hordhigey Guddiga Luuqadaha (Linguistic Commission), 18 jaad, oo af Soomaaliga loo qori karo (script). 11 farahaas ka mid ahi waxay ahaayeen faro cusub, oo ay aqoonyahanno Soomaaliyeed curiyeen. Toddobada kalen, 4 ka mid ahi waxay ku qotomeen farta Carabiga, halka ay 3 da kale ku saleysnaayeen qoraalka Laatiinka.

Xilligii kacaanka, ayaa la sheegaa, in uu ahaa waqtigii uu afku aad u horumaray, dowladdii mellateriguna waxay aad u xoojisay suugaanta, dhaqanka iyo hiddaha. Luqadda Soomaaligu waxay noqotay tan rasmiga ah, tan lagu barto iskuullada iyo jaamacadaha. Waxaa la uruuriyay tariikhda suugaanyahannadii Soomaaliyeed- walow sida loo qoray cadaaladdarro badan laga sheego-, waxaase xaqiiqo muuqata ah, in dowladdii Siyaad Barre ay afka hooyo xil wayn is ka saartay, marqaatina waxaa u ah, sida Soomaaliga loogu sameeyay eray bixinno cilmi ah, iyo sida loo maalgeliyay fannaaniinta iyo halabuurrada Somaaliyeed.

 

Burburkii ka dib maxaa dhacay?

 

Markii ay dowladdii dhexe burburtay, waxaa meesha ka baxay, hay’adihii afka iyo farta u xilsaarraa, sidoo kale, waxaa baylah noqday af Somaaligii, oo dadkii afka aqoonta u lahaa waxay noqdeen kuwo geeriyooday, qayb gabowday iyo qola waddanka ka carartay. Dadkii waxay noqdeen kuwo afkooda ka carara, luqaddana liida oo ka fanaa. Waxbarashada waddanku waxay noqotay, mid ka maran afka hooyo, dadka aqoonta is biday, xitaa waxaa isaga qaldantay afka iyo aqoonta. Af shisheeye haddii aad wax ka barato miyaad aqoonyahan tahay? Su’aashaas waxaa horay noo weydiiay Abwaan Cali Sugulle (AUN), markii uu yiri: (Af Qalaad aqoontu miyaa?), dibna looga dhigay hees, ay talantaalliyaan Xasan Diiriye Faarax iyo Xaliima Khaliif Alle ha u wada naxariistee.

(Af Qalaad aqoontu miyaa?), waa weydiin mudan, in dadka Soomaaliyeed ee xilligan nool la soo xasuusiyo, lana weydiiyo, bal in ay jawaab waafi ah u hayaan, dabcan ka jawaab celinteedu afka iyo aragtida gaaban way u sahlantahay, horana markiiba waan ka dhihi karna “maya, af shishiiyee aqoontu ma ahan” waa jawaab sax ah, oo qaf walbana – aqoonyahan iyo ruux kaleba – uu haleeli ogyahay, balse, nolosha dadka iyo jawaabaha ay bixinayaan aad ay u ka la fogyihiin. Jawaabta su’aashaas aan kor ku soo xusay, waxaa si mug leh oo gaaban uga jawaabay is la Abwaankii keenay, haddaba muxuu yiri? Isaga oo aan waqti iyo falanqeyn badan ku lumin, ayuu yiri:

Wa intuu qofba Eebbe gelshaa, Ayeey nala tahay annagee”

Weliba, intaas ku ma uusan ekeysan, waxa uu raacshay dhowr jawaabood oo si faahfaahsan u sharxaya jawaabta hore, is la markaana waxa uu sii daba dhigay su’aalo kale, oo ah:

 

“Ma ogtahay, dib looma abuuro dadkee,

Ma ogtahay, aqoonta amaah lays ku ma siiyee,

Ma ogtahay, aqoonta amaal lays ku ma saartee,

Ma ogtahay, aqoonta miyaa la iibsan karaa?

Ma ogtahay, aqoonta miyaa la soo ergadaa?”

 

Waxaa hubaal ah, in qofkii dalka wax ku bartay burburkii ka dib, uu aad uga dheregsanyahay, sida loo liiday afka. Arday kasta oo 91dii ka dib, ka qalinjebiyay dugsi sare, wuxuu dusha ka xifdisanyahay naxwaha afka Ingiriiska iyo Carabiga, u la ma jeedo, maxaa Carabi iyo Igiriis loo bartay? Oo waa afaf loo baahanyahay barashadooda. Haddaba, su’aashu waxay tahay: Maxaa sida afafka qalaad loogu bartay, afkeenna hooyo loogu baran waayay, oo aan loo daneyn?

Weeydiimahaas jawaabtooda waxa ay tahay: Duullaan afeed ayaa jira, oo waa kan af Somaaligii sii wiiqmayo, kana sii baxaya goobaha waxbarashada iyo xafiisyada Dowladda, ama kuwa ay leeyihiin shirkadaha gaar ka loo leeyahay. Duullaanka af ee lugu soo qaaday af Somaaliga, dhaxalkiisii wuxuu noqday, in ardayga dugsi sare ka baxay, uusan aqrin karin buug ay ku qoranyihiin wixii uu soo bartay oo af Soomaali ah! Mase ahan, in la la yaabo marka la arko dhallinyaro afka ku hadalkiisa ama qoraalkiisa ku dheelaya, waayo, fursad u ma aysan helin, waxaase wax la la yaabo ah, ragga aqoonta sheegta iyo kuwa dalka maamula, ee aan hadalkooda ka saari karin af qalaad, iyaga oo weliba afka hooyo wax ku soo bartay! Malaha ilbaxnimo ayay muudeen!

Oraah ayaa leh: Afkaada hooyo inta aad ka taqaan, ayaad af shisheeyana ka barataa.

F.G: Qoraalkan qayb kamid ah waxaan ka soo xigtay: Cilmi A. Faradheere, weedhsan.com

W/Q Cabdulqaadir Cali Axmed

E-mail: abdulkadiralieco@gmail.com 

SHEEKOOYIN