Tolow Yaa Furay ?? Q1AAD W/Q: Cabdifataax Xassan Cirguje (Qaran Doon)

quotescover-JPG-13

Tolow Yaa Furay anigu ?? W/Q: Cabdifataax Xassan Cirguje (Qaran Doon) 

Waa sheeko  ka turjumaysa dhacdo xaqiiqo ah

Qaybtii 1aad:

Waa fiidnimo jimco ah meeshuna waa mid ka mid ah goobaha lagu caweeyo ee magaalada Garoowe, caawa waxaad moodaa in dadku intii hore ka badanyahay, salaadii Maqrib kadib ayaan halkaas soo gaarnay, balse inta badan kuraastu waa ay buuxeen anana 4 kursi oo meel gees ah yaalay baan 3 ku fariisanay, wajiyada bulshada halkaas isugu timid waxaa ka muuqday farxad, raynrayn iyo qosol, waxaa la isku waday sheeko iyo shaah kaftankuna meesha kama marnayn, mararka qaarkoodna waxaa la arkayay in xifaaltanka laftiisu meesha ku jiray.

Hase yeeshee dadku sidaa mawada ahayn xaaladdaas farxadda iyo nasashada ahaydna ma wada hayn kumana wada jirin, waa kan oo waxuu taaganyahay iridda lagasoo galo maqaayadda, waxuu ku taaganyahay Tuute dooge ah iyo kabo buud ah o dhudhunka u jooga, waxuu jeeni qaaranyahay qoriga looyaqaan “Ak47” Hase yeeshee Soomaalidu noociisa utaqaan “Geeslaab”, farxadi wajigiisa kama muuqato nasiinana hasheegin, waxuu la’yahay kursi bannaan oo uu ku fariisto, waa kan hadba gees jaleecaya bal in ay indhihiisu qabtaan meeluu salka dhigo, waxaan dareemay inuu ubaahanyahay cid ka caawisa dhibka haysta, inta u gacan haadiyay ayaan ku caawiyay kursigii dheeriga nagu ahaa, neef kulul ayaa markaan kasoo booday oo intuu soo yara luuday waakan noo yimid, Hadana iskama fariisanee waxuu si xushmadi kuj irto noo waydiiyay inaan sheeko gooniya haysano iyo inuu nala fariisan karo, waxaan usheegay markaas inaa naan sheeko gooniya haysan oo uu nala fariisan karo.

Kooxdii saddexdaa ee meesha sii fadhiyay caawa isku sheeko ma nihin, mowduuca miiska saarana ma noqon mid aan soo dhaweeyay, ee waxuu ahaa mid u gooniya labadooda oo kaliya, waayo ma xiiseeyo ka sheekaynta iyo daawashada banooniga cagta, saaxiibadayna waa kuwaan mar hore gorodda isla galay, oo waxay ka doodayaan ciyaar dalka Ingiriiska laga dheelay oo ay xalay soo wada daawadeen, waxaa mar dhagtayda kusoo dhacay iyadoo mid leeyahay:“Hadaan mar gurigaaga kugu tumay Oo shan kaaga badiyay maadan ii saxiixayn, mise waan iska kaa dubtaa?

Kan kalena isku difaacayo: “Ii iih war tababarahaa ciyaarta iga qaldayee fursad kale isii gabigiisaba waan badalayaayee.”

Qof aan aqoon ulahayn doodaha dadka ciyaaraha daawada wuu ku wareerayaa, waxuuna iswaydiin su,aalo ay kamid yihiin: War ma xalay bay London joogeen? Ma banoonigay ciyaarayeen? Iyo Ma go,aanka wax ka badalkay wax kuleeyihiin?Anigase iguma cusba,

Tani waxay fursad ii siisay inaan la sheekaysto ninkaan daalka iyo isku buuqu ka muuqdo ee qariibka ah, hadda waa kan oo yara nasay shaahiina waa usoo socdaa. Haddii aan iri xaalkaaga ka sheekeeba, waxuu iisheegay in Cumar la dhaho uuna kamid yahay ciidanka qaranka Soomaaliyeed, shalayna uu Garoowe kasoo dagay, waxuuna intaa iiraaciyay inuu deegaanka kasoo jeedo gaar ahaana Boosaaso, halkaas markuu marinayay wuu yara aamusay oo naftiisa la showray, ana waqti ayaan siiyay si uu xoriyad udareemo.

Cabaar kadib ayaan waydiiyay in wax dhib ah ay jiraan iyo in kale?

Waxuuna yiri: waxaan ahaa nin ganacsade ah ganacsigiisuna hanaqaaday, waxaan ka soo bilaabay miis yar oo lagu gado macaashul macaashka, Markii dambase waxuu gaaray Ganacsi wayn oo leh macaamiil badan oo dalka iyo dibada wax ka kala keena, waligayna kuma fakarin inaan askari noqdo, balse hiigsigaygu waxuu ahaa inaan mar un hogaanka u qabto Ganasatada gobolka.

Waxaan iri: haye maxaa xigay?

Waxuu yiri: waad aragtaa oo hadda waxaan ahay askari marmar gunno qaataa, ma helo baahiyii aasaasiga ahaa ee aan xaqa u lahaa si aan dalka iyo dadkaba u difaaco, mushaarna iskaba daa warkiisa.

Waxaan iri: Sabab, Xoolihiise xagee ku dambeeyeen?

Waxuu yiri: waxaan kaaga sheegaa waa dambi, waase adduun iyo xaalkiis!

Waxaan iri gartay?

Waxuu yiri: waxaan Addis ababa mar aan gaaray isku baranay Inantii noloshayda wax ka badashay, hiigsigaygiina weecisay, waan sheekeysanay misna isjeclaanay dabadeedna isguursanay, waxaan ku heshiinay inaan miraha jacaylkeena gurano oo Ingiriiska dagno iyana saa igu qaado.

Waxaan iri gartay: Kadibna maxaa xigay?

Waxuu yiri: Hada waa nin kale naagtiis !

Waxaan iri: See ku dhacday?

Waxuuna yiri: waa adduun iyo xaalkiis!

Waan yaabay oo amakaagay, cabaar kadib ayaa waxaan iri sxb marka laga tago inay adduun iyo xaalkiis tahay, xoogaa ma iiyar faahfaahin karta dhacdooyinkaaga, aan bulshada la wadaagnee?

Waxuuna ku bilaabay ii billaabay  sheekadii aniguna  waxaan noqday  dhegayste wanaagsan.

 Lasoco Qaybaha xiga.

W.Q. Cabdifataax Xasan Cirguje (Qarandoon)

Cirguje1986@gmail.com

SHEEKOOYIN