Tolow Yaa Furay?? Q 10AAD  W/Q: Cabdifataax Xassan Cirguje (Qaran Doon)

quotescover-JPG-13Tolow Yaa Furay?? Qaybtii 10aad.                                              

Waxaan iri goormaad Boosaaso kusoo noqotay marka? Waxuu yiri Boosaaso aa! Kusoo noqosho aa! Adduunyoy hawlo badan maxaan kusoo noqdaa sxb soo kan xaalkiiba is badalay jiheeyihiina iga lumay!, Markay nasteexo dhooftayba waxaan Go’aansaday inaan xaalka siduu ahaa kusoo celiyo balwaddana is ilawsiiyo hawlahaygii ganacsi iyo Boosaasona dib ugu soo noqdo, deedna halkaas ku sugo inta laynka dhoofku ii soo baxayo. Allow nimaan wax ogayn ha cadaabay, “fikirkaygu qurux badanaa falkayguse fool xumaa” markiiba waxaan wacay walaalkaygii aan uga imid Bakhaarka sheekadaana baana na dhex martay.

Aniga: Hallaw Siciid iiwaran walaale? Siciid: Walaale dadku waa fiicanyahay dalkuna sidii buu rajo dhawr uyahay. Aniga: War heedhe waxaas la iiga roonee ka sheekee Bakhaarka waa anigii muddo iniga soo maqnaayee maxaa xoolo kusoo kordhay? Maxaase lacag cadaan ah Bangiga inoogu jirta? Siciid: Walaale Xoolo aad igu war dhaanto meeshay mareen maxaad iiwaydiin? Ma adaa u ogalaadayba inay Bangiga ku daahdo, war ninyahaw bal dib isugu noqo xoolahaagee. Aniga: War Maxaad ku hadlaysaa miyaadan nin wayn ahayn? Ma waxaan Kunkii asbuucii lasoo dhaafay iyo Kunkii waagaan Magaalada nimid ahayn baad iisoo dirtay? Mise waad igu ciyaaraysaa dee walaal? Siciid: War ciyaar laynee xisaab usoo fariiso ninyahaw hab dhaqanadaada cusub iyo dabeecadaha aad lasoo baxday waayahaan umadduba way layaabtee? Aniga: War anagaa balaayo aragnay ma Jin baa xoolahaygii ubaxay mise wiilkaa igu caruuroobay hayee ina xisaabi? Siciid: Jinkaaba laqaatayee buug iyo qalin lasoo bax.

Intii cabaar ah xisaab baan madaxa iskula jirnay ugu dambayn se garawshiiyo ayay kusoo idlaatay “ma anaan maalin hebla intaas kuu soo dirin? Haa waad iisoo dirtay. Maalin heblana intaas maadan qaadan? haayoo waa jirtaa. Maalintaan kulahaa war xoolaha sida udhaan xeerada salkeedu waa muuqdaayee ee aad ilahayd ma xoolahaygaad igu haysataana ma anaan intaas kuu soo dirin? Waa dhaboo iyana waa jirtaa!. Bishii lasoo dhaafay ma adaan labadii kun ee ku hartay la bixin markaan kuu sheegayna oran way imaan walaale? Wallaahay taasna waa jirtaa. Marka xoolaha aad sugaysay maxay ahaayeen walaale? Micnaha ma dhawrka kiish ee bakhaarka ku jiraad rabtaa inaan kuu soo cadeeyo?

waxaa iga soo haray jahwareer madax haysi iyo qamuunyo, hadda garawsaday gawsahaygu inaysan ciyaar ciyaar la daadan ee jajabka ka muuqdaa uu yahay xoolahaygii, waxaan waxyar dib umilicsaday waayahaygii ganacsi noloshaydii hore ee qiimaha lahayd iyo Himiladaydii quruxda badnayd ee hadba aan ku sii siqayay, waxaa iyana docda kale ka daawanayay xifaaltannadii cajiibka ahaa ee ganacsatada iyo sheekooyinkiisii noloshayada qaybta ka ahaa, saan misna ku soo noqday halka aan maanta joogo ee ciirsi la’aanta ah waa cirkaa dheer dhul kaa dheer, waayo boosaaso ku noqosho maleh oo magacaan shalay ku haystay maanta iima yaalo, xoolahaan ku tabcaday ee aan uga imidna igama dambayn waqti badan ee waa i dhaafeen anayna I sababsadeen, magaaladdaan aan joogo iyana waxba kuma hayo waqtigay i koolkoolinaysay ee aan lacagta ku haystay dadkuna iwada jeclaana waa gabaabsi, xaliya u doontayaa iyo wax kale sameeyaaba qorshe inay ubaahantahay hadda ma shakaa kaaga jira?.

Waxaa iisoo baxday markaan inaan maanta u fariisto xaliyena udoonto bal inuu jiho meel un iiga bixiyo, waan ogahay inuusan faa’ido lahayn wada kalaanse markaan ii furnayn. Waxaan wacay saaxiibadaydii balwada kuna wargaliyay inaan maanta gurigii luula wada fariisano, waxaana usheegay in arini si iga tahay, waan ogahay inaysan saaxiibo fiican ahayn dhibtaan aan xalkeeda doonayana iyagu sabab uyihiin hadase cataw xal ma’aha ee qorshay ubaahantahay Xaajadaydu……. ……………………………………………………………………………………….

Dhamaad Qaybtii 10aad, Lasoco Qaybta xigta………………..

W.Q. Cabdifataax Xasan Cirguje (Qarandoon)

Cirguje1986@gmail.com

 

SHEEKOOYIN