Tolow Yaa Furay?? Qaybtii 11AAD W/Q: Cabdifataax Xassan Cirguje (Qaran Doon)

quotescover-JPG-13

Tolow Yaa Furay?? Qaybtii 11aad.                                                   

waan ogahay inaysan saaxiibo fiican ahayn dhibtaan aan xalkeeda doonayana iyagu sabab uyihiin hadase cataw xal ma’aha ee qorshay ubaahantahay Xaajadaydu……. ……………………………………………………………………………………….

Waxaa iri haye kadib Maxaa sameesay? Waxuu yiri wax kale ma samaynee waa anigaan markaan soo qadeeyay anoo laafyoonaya u imid Jamaal, haa Jamaal baan u imid waa ninkii qaadka nalooga soo qaadi jiray, inta badan wiil yaroo baalashlaa baa inta noo qaado na daba wadi jiray oo aan dhihi jirnay shan tilaabo naga dambee, waayo maanan jeclayn in nalagu arko maantase cidna dan kama lihi waa anigaan inta gacanta hoosteeda soo gashaday la dhex mushaaxaya magaaladiiyoo is daawanaysa, qofkasta oo igaranayay markuu i arkay waa kan afka gacanta saaray waxayna ku noqotay qaadan waa, oday baase iigu darnaa aan kaftami jirnay dhalintana wada waanin jirnay intuu saa’id iigu dhaygagay buu yiri “War dee Cumar haduu qayilo magaaladuba waa wada qayishaa ee yaysan awliyo isaga kaaya dhigin”.

waan dareemayaa inaysan wax fiican ahayn waxa aan sameenayo mawjad ka wayn baase iwadata oo dadkaan iimaba muuqdaan, balse waxaan aad ula fajacsanahay sida fudud ee noloshaydii isku badashay, adoo hawada sare maraya hal mar dhulka gal waa musiibo waana waxa dalkayga maanta haysta, waxaan sidii filimkii u daawanayaa waayahaygii nololeed ee qiimaha lahaa iyo siduu maalmaha kooban ugu qiima dhacay!

Waxaan iri gartay? Waxuu misna yiri isma oran aduunku waa harka labadiisa galinee usamir oo intaan hartay ka shaqaysii bariba markale way soo noqonee, ismana oran tani waa cashar ku waano qaadasho mudan ee godkii shalay lagaa qaniinay mar kale yaan lagaa qaniinin, balse waxa kaliyoo aan aaminsanahay ayaa ah kulayl baa kulay lagu jabiyaa, taasoo macnaheedu noqonayo marfishkii noloshayda mugdiga galiyay inuu iftiinkiisii markale usoo celin karo hadii loo fariisto.

Hadda waxaan soo gaaray marfishkii luula qolkii ay noo qorsheesay baana ugudbay, dad badan wali ma iman ee aniga iyo dhawr qof oo kale oo malaha sidayda oo kale mawjad ku furantahay baa si teel teel ah qolol u fadhina oo mid walba asxaabu balwihiisii halkaas ku sugayo, xilli aan udhar dhigtay macawistii yaraydna dhexda ku xirtay qaadkiina bacdiisa ku kala baxshay oo aan fandhicil yar ilkaha kaga qod qodayo hilibkaan soo cunay waa kuwaan saaxiibadaydii waalidu iisoo galay, Indhabuur oo usoo horeeyay waa kan ku dhawaaqay hayaay war Cumar daya waa dhaarsanyahee maanta wuu nagasoo hormarayba, saaxiib ma howl baa noo wadaa aan meesha ku kala dhig dhigno ee maanta mise waa baashaal dee, waxaan ugu warceliyay markaas soo fariista dib baynu iska waraysan markuu na gaaro ee.

Ruugaa lawada dhigtay raamiskaana xigay oo rugta muusiga madaxa lalawada lulay, heesta dhawaaqeedu baxayaan dhagta u raaracshay mise waa fanaaniintii dambe saan iri may ku badal qaaraami, saa waaba Samatar

Markaan dabi jiray shan iyo toban                                                                   Markaan damac guur lasoo baxay                                                                           dookhayga Markaan u sahan tagat

Saan misna iri may may war ku badal gabdhaha, saa waaba khadro daahir

Ma ogtahay in badan baan                                                                                         Kaa aamusnaayoo                                                                                                 Afka kaala baqayee

markale ayaan iri may taas waan kasoo gudubnay, xilli horaan usheegatay adeer, ku badal Saynab Cige. Indhabuur baa naga dhex galoo yiri war hoy ileen balo dee cumar xagee noo wadaa soo adigaan naga jiirayba? Cali war dee Indhabuur maanta dabayl baa nawadatee sideeda ku raac anagaa usaaraynee iska eeg saa waaba heesteedii lahayd

Qabrigii jacaylkaw                                                                                                 quraankaan ku mariye                                                                                               qiima badan firdawsiyo                                                                                             janadii qurquriyaw

Saan hadan iri may qabri magaarin sheekadu ee mid kale ku badal oo heesaheedaa saa waaba heesteedii

Waligeed Aduunyadaa                                                                                                       waqtigaa nin saacida                                                                                                      ninna waayahaa xira

Saan iri haa! Haa! hadaad haysaa halkaa udaa hees aan taas ahayn maanta ii biximayso, saaxiibaday yaab baa ka soo haray dareeme markaan in hawli igu furantahay, la igamase dhexli galinee intii cabaar ah waa la ii aamusay waxaana la ila sugay saacadda farxaanka lawada noqo ee qof walba waxa kashiisa ku jira ka sheekeeyo.

Saacad iyo bar aan madaxa kor loo qaadin kadib waa kuwaan raggii wada xaraarooday, deedna waxaa bilawday sheekooyin goos goos ah oo asxaabta qaarkood ku falanqeenayee heesahaan kala duwan ee noo baxaya iyo waxa looga gol lahaa, jacayl baa looga jeeday iyo mayee waa anti oo dowlad hebla baa lagu maagayay baa cabaar lagu dooday, halka qaar kamida akhyaartana naawilayeen inaan uga waramo waxaan ugu yeeray maanta, kadib waxaa hadalkii qaatay indhabuur deedna intuu xagayga soo jaleecay buu yiri Cumaraw adaa maanta ragga isugu yeeray maxaad noo haysaa mudane…………….

Deedna…………………………………………….

Dhamaad Qaybtii 11aad Lasoco Qaybta xigta………………..

W.Q. Cabdifataax Xasan Cirguje (Qarandoon)

Cirguje1986@gmail.com

SHEEKOOYIN