Tolow Yaa Furay?? Qaybtii 7aad W/Q: Cabdifataax Xasan Cirguje (Qaran Doon)

quotescover-JPG-13

Tolow Yaa Furay?? Qaybtii 7aad. W/Q: Cabdifataax Xassan Cirguje (Qaran Doon)

……………………………..

Waxaan iri gartay kadib Maxaa dhacay? Waxuu yiri maxaa kale dee saaxiib hawshiiba halkaas bay ka bilaabatay, dhallintii aan lasocday intuu mid waliba shaarkii iyo surwaalkii la baxay buu katabaan meesha sii qotomay surtay oo macawis boorsada ugu jirtay lasoo baxay deedna gashaday, magaranayo micnaha looga jeedo balse shaatigii kaliya baan anna inta labaxay surtay surwaalkiina daystay ileen macawis ma watee. Hadii aan is iri Fariisaba waxaan arkay weelkaan dhexdayada qotoma ee dhimbiluhu ka dul qaxmayaan Maahan geed nagu cusub ee waa tii badeecada lagu cabi jiray, mooday in inantu ilawday oo ku dhawaaqay Aaway gabadhii meesha joogtay kaalay naga qaad waxaan deedna la igu wada qosol. kix..kix..kix Hada waan dareemay inay qorshe meesha utaal, ismase oran heshiiskii lagaa saxiixay bay tani qayb ka tahay, ma iyadaa wali la isgaarayba ragga kale waa sheekeenayaan waliba rag hadal yari aan ku aqaanay baa maanta tororogta ku haya farxad aanan ku aqoon iyo kalgacayl baana ka muuqda, anigase waydiimaha maankayga buux dhaafiyay baa aamus iyo amakaag igu riday, Maxaa ka socda meesha? Maxaase xigi doona? Waxa aad u socoteense maxuu ahaa? Daqiiqado kadib waxaaba ordaya wiil yar oo kuray ah oo bac culus sida, intuu hortayada kusoo tuuray buu Afar bac hoosaad oo qaad ah kasoo saaray deedna mid mid noo hordhigay, runba ma moodinee inta wiilkii yaraa gacanta qabtay baan ku iri adeer anigu ma qayilo! Wiilkii yaraa ma fahmin hadalkayga waxaase xanaaqay dhallinti aan wada soconay, waa kan indhabuur ku qaylinaya Cabdi yare oo ahaa ninkii arrintayda asxaabta u keenay, Imisaan kulahaa ninkaan nin reer magaal ah uma ekee hanagu ceebayn ninkaan!? gartay hadda inay tahay waxaan usoconay iyo meeshii la ii waday, iskana dhigay bacdii anoo laba labeenaya, kuna qanciyay naftayda maanta raggaaga wax la qab hadal la,aan, buuqiina ku damiyay ogolaansho, wiilkii yaraana iska huleel. Maalintaas ayaan qaadka cunistiisa bilaabay waxii ka dambeeyayna tartiib tartiib baan isku sii baranay oo hadda waxaan gaaray heer markii ay xaalad ila soo daristo aan ku dajiyo siduu yahay kaniin qandho jabin ah, waayo waa cashar la ii dhigay waqti aan xifdiyi ogahay waxii la ii sheego waxii la iwaydiistana aan deeqsi ku ahay anoo aan hubsan waxuu yahay. Taasina waa ta keentay in maanta xaaladayda la dhaho ha loo fariisto oo xaliye haloo doono.
Waxaan iri marka ma u fariisateen arrintii gabadha? Waxuu yiri Haa waliba waxaan u fariisaney waqti aanaan fariisan jirin, waxaana la tagnay meel aanaan la aadi jirin aawal, waxaana ka kacnay xilli aanaan ka kici jirin, waxaana galnay waji cusub oo waaliya.
Waxaan iri maxaad ula jeedaa? Waxuu yiri: Caawa waxaan qaadka u fariisanay salaadii maqrib kadib halka aan awal bacdal qado u fariisan jirnay maqribkana ka kici jirnay, waxaana caawa la tagnay hotel aan qol ka kiraysanay halka aan aawal ku qayili jirnay meelaha la isku arko oo sida caamka ah loogu wada qayilo “Marfishka”, gabdho yaryar oo firfircoon baa shaahii noo soo kariyay wax kastoo aan u baahnayna durba noo keenay, halkii saac oo hore cidna juuq ma oran ee heesaha qaaraamiga baa lala suul dhabaaleenayay, maanta ma ihi cumar-kii ganacsadaha ka ahaa Boosaaso ee qaadka iyo inta cunta caayi jiray balse waxaan ahay nin halhayskiisu yahay Qaadka Dibina laguma noqdo iska daaqa, Dumarna lagama Noqdo xaalad kastoo igu timaadana aaminsan inay ubaahan tahay in loo qayilo. Saacad kadib xilli aan jawi kale galnay waa kan cabdi yare damiyaha utaabtay heesihii noo baxaayay, waa tan sheekadu bilaabatay oo sidii subicii safka soo raacday, waa kuwaan ragii qorsha miiran wada keenay ilaa buqcadihii cirka ku yiilay isqab-qabsi dheer kadib ninba meelkasta la ootay, “Qorshe badanaa Qaadku marka la Qayilaayo, oo Qamuunyo badanaa marka laga kaco” goor la isku daalay waa tan aniga la igu soo wada jeestay oo wax Allaale iyo waxaan dadka uga wada digi jiray la i ogolaysiiyay say xadiis iimariyeen! Waa doonistii inanta oo yeelay, waa buufis dalabkii dibada oo aqbalay iyo qorshayaal kaloo ciidaan ah, habeenkaas waagaa noogu baryay subaxdii ayuu nin walba waxuu afka la heli karay inta cantuugay meel isku tuuray, goor ay tahay casar gaaban ayaan baraarugay oo inta qubaystay salaadihii tagayna tukaday magaalada soo aaday, anoo maqaayad ka dalbaday waxaan cuno baan mobeelka eegay mise toban jeer baa la isoo wacay hadaan sii eegayba Sideed kamida waa Nasteexo! Dhanka farriimahaan iyana eegay mise waxaaba taal fariin ay Nasteexo ii soo dirtay waxayna u qornayd sidatan:
“Cumar Walaale marka hore iga hano salaam qaali ah, marka xiga aboowe miyaad ilawday inaad ii ahayd saaxiibka kaliya ee magaalada ii joogay, mase hilmaantay inaad ahayd walaalka aan magaalada ka weheshado, mase ogtahay boowe adoo hal saac ka badan aan iga maqnaan jirin aawal inaan ku daahsan jiray oon ka jeclaa markasta inaad garabkayga joogto, intaasoo jirta ayaadan tan xalay isoo wicin, tan iyo maantana iga qaban taleefonka! Ma garan karo xaaladaadu waxay ku sugantahay, balse waxaan jeclaan lahaa haday fariintaydu ku soo gaarto oo aad bad qabto fadlan aan Xogtaada helo”
Mar waxaan dareemay dambi maadaama aan cidleeyay nasteexo oo saacadihii lasoo dhaafay qaadka iyo balwadiisu i ilawsiisay, marna waxaan aad ula dhacay ereyadaan kalgacaylka leh ee kasoo burqaday qalbiga wanaagsan ee Nasteexa anigana si gaar ah ii taabtay, markalena waxaan ogaaday in jacaylkii baryahaanba aan laluudayay ee aan is diidsiinayay balse xalay la isoo ogalaysiisay inaan ka salgaaro uusan kali igu ahayn howshuna ka fududahay saan moodayay.
Waxaan iri gartay maxaad sameesay marka?
Dhamaad Qaybtii 7aad, Lasoco Qaybta xigta………………..
W.Q. Cabdifataax Xasan Cirguje (Qarandoon)
Cirguje1986@gmail.com

SHEEKOOYIN