Tolow Yaa Furay?? Qaybtii 8aad.W/Q: Cabdifataax Xassan Cirguje (Qaran Doon)

quotescover-JPG-13

Tolow Yaa Furay?? Q8AAD

Waxaan iri gartay maxaad sameesay marka? Waxuu yiri ma war kalaa yaal inta wacay baan u cudur daartay been iyo run waxaan sheegayba kadib waxaan ugu laab qaboojiyay inaan usoo socda iyana waa iga ajiibtay, waxayna igu wargalisay inaan ugu imaado qolkeeda iyadoo aan ka dareemay farxad gooniya oo ay uhayso kulankeena.

Inta guriga ku laabtay baan kasoo xirtay labiskaan ugu jeclaa dharkayga carfiso iyo barfuuna isku soo jabiyay deedna soo abaaray halkay iga jirtay Albeergadii ay Nasteexo daganayd, caawa way ka duwantahay habeenadii tirada beelay ee aan utagi jiray waxa kaliya ee caawa igu dheerigaana waa anigoo raba inaan is baraxo, isbarax maxay ah? Waxaan doonayaa inaan nasteexo lawadaago jacaylkaan mudaba is diidsiinayay ee la isoo ogolaysiiyay sidoo kalena aan la socodsiisyo damacayga guur, caawa dareenkaygu aad buu u kacsanyahay meelaan marayana garan maayo, waa anigaan anoo laafyoonaya soo gaaray hoteelkii aan dajiyay bilo kahor daqiiqado kadibna isa soo hor mutuxay qolkay sida gaarka ah uga daganayd ee lambarkiisu ahaa 202, laba jeer ayaan si dagan dhag dhag uga siiyay albaabka deedna waxaan maqlay boowe ma Cumar baa?! Halmar ayay cajaladii xasuustaydu wareegtay waxaana is arkay anigoo taagan habeenkii arageena isugu kaaya horeesay mar ay sidaanoo kale cod dabacsan igu tiri Boowe Cumar Qofkaan isoo eegaya ma Adigaa? Waa habeenkii la idaarayee.

Waxaan saacada ku soo celiyay barteedii mise waxaaba mar hore albaabkii furtay nasteexo, waa tan I hortaagan iyadoo labis isu eg oo midabkeedii soo saaray xiran qofkii arkaana dawakhayo, waa sad lagasoo bilaabo kabaha ilaa gambada wada cas waxaa intaas u dheer mobelkaan isu laabma, dhaga dhagaha ay xirantahay, siliska qoorta, kuwa gacmaha iyo faraantiyada oo iyaguna dhamaantood wada cas, war ileen dumar baa labis loo daayaa dib ayaan isu eegay mise waxaan soo xirtay ee aan isla xoodayay midba waa midab gooniya, anoo la cajabsan daawashadeeda waa tan i tiri Ma waxaagii baa bilawday cumar? War dee horay usoo dhaaf .

Waxaan iri gartay kadib maxaa dhacay? Waxuu yiri waxaan ugudbnay qolka waxaana fariisanay 2 kursi iyo miis sariirta barbarkeeda yiilay deedna intay kacday bay cabitaan iyo doolshe ay sii diyaarisay noo keentay, intii cabaar ah alaabtaas baa isla dhacaynay sheeko kaftan iyo dulmar ah baa iyana barbar socday, kadib waxaa hadalkii dooxay nasteexa oo tiri Cumar isbadal baa caawa iiga kaa muuqdee ma ii sheegi kartaa waxa kaa cusub mise tan iyo xalayba jawi kalaad kujirtoo warbaad ii haysaa? igu dhur dee. Ma iyaduusan hadaa isbadal ka muuqan waa tan caawa caruusadda la moodee yaase ku dhaca oo waydiin kara, intaan qoslay baan ku iri baayo qiyaastaadu ma xuma waxaa idaaray kii isaga ahaa oo baryahaanba aan qarsanayay dhibtuna waxay tahay la iima oga anna ku dhici waayay inaan sheegto. Say tiri Allah! Maantaa la ba’ay war maxaa tiri ku dhici waayay aa? ma qoftaad xalay oo dhan lasoo joogtay baadan waxba usheegan? Aboowe laga yaabo inaan garab kugu siiyo ka waran ma garanayaa qoftaas mise? Waan arkaa meeshay la kortay hadalkii iyo halkay wax ka xulayso hinaase inuu jirana waa ii muuqataa, kuma sii mashquulinee Hadalka toobiyihiisii baan udaayay waxaana iri haa si fiican baad utaqaan qoftaas garabna waad igu siin kartaa laakiin ma hubo inaad yeelin iyo in kale, hal mar ayuu wajigeedii is badalay oo yara aamustay malaha waxay is tustay “Geelay horaysay oo cirka looga heesay” mase oga qofta laga hadlaayo inay iyada tahay, cabaar haday aamusnayd bay hadalkii kusoo noqotay kadibna iyadoo is adkeenaysa tiri boowe yaan kaloo caawin lahaa hadaanan adiga ku caawin cumaraw? qoftaas hanatay qalbigaaga waa qof iga nasiib badanee iisheeg meel kastoo ay joogto anaa dhambaaladaada jacayl gaarsiinee ma Ingiriiskay jirtaa qoftaasi Cumar? Hadalkeedaan dambe waxuu ii noqday dhiiri galin waxaana dareemay in lagaaray waqtigaan banooniga shabaqa ku hubsan lahaa waxaan iri maya ingiriis iyo caradaa fog ma jirtee magaaladay joogtaa ee ma iga hubtaa Nasteexo wax kastoo ay ahaataba inaad garab igu siin qoftaas calmatay qalbigayga? waxay tiri wax kastoo ay igu qaadato diyaar baan u ahay inaan kugu caawiyo waayo waxaad tahay walaalkay oo kale ee taa haka walwalin boowe, maxaa loogu yeeraa inantaas? Nasteexo hadhaw saan ma moodayn iyo wax lamida armaa la timaadaa walaaley? Say tiri seed uhadlaysaa Cumar maadan igu kalsoonayn inanta magaceeda un iisheeg? Saan iri waxaa la dhahaa Nasteexo. Say tiri Nasteexo aa! isu magac baaba nahee xaafadee bay dagantahay? Saan iri waxay dagan tahay Hoteelkaan aynu caawa joogno. Say tiri oo xalay adoo halkaan jooga baadan xataa isoo salaamin miyaa? ka gudub qolkee bay ka dagantahay talaw ma hablihii saddexda ahaa ee habeen hore Maraykanka ka yimid bay kamid ahayd? Saan iri may kuwaas kuma jirto maraykana kamay imaan nasteexo ee waxay dagantahay qolka nambarkiisu yahay 202.

Say tiri 202 aa! Ma qolkayga? Hadda garatay qofka aan ujeedo inay iyada tahay filanwaa ayayse ku noqotay mar way kacdaa marna way fariisataa mar way qososhaa marna dhabarkay ii jeedisaa, aniga qudhayda xaaladaydu ma dagana waxaa iga soo haray amakaag waxaan hadba dhowrayaa afkeedaa waxaana si toos ah ula socdaa dhaqdhaqaaqa jirkeeda waxaana isleeyahay talaw maxay oran?……

Dhamaad Qaybtii 8aad, Lasoco Qaybta xigta………………..

W.Q. Cabdifataax Xasan Cirguje (Qarandoon)

Cirguje1986@gmail.com

 

SHEEKOOYIN