TUFTA & TAHLIISHA Haaya Tafaraaruqaa Tirmaahe! W/Q:- Maxamed Cumar Ugaas Muxumed

IMG_20160818_062134

TUFTA & TAHLIISHA

Haaya Tafaraaruqaa Tirmaahe!

Xaqiijinta Heer ka gaaridda Horumarka Ummadda waxaay ku xerantahay hadba siyaasaddaha cadcad ee loo dajiyo in lagu hago dhallinyarada ama jiilka soo koraayo ee dalka, maadaama dhallinyarada yihiin tirada ugu badan bulshada waxna xeri kara waxna furi kara, Haddaan si kalena u dhaho dhallinyarada waa Weelka aay ku jiri karaan Dhibka iyo dheefta ummadda hadba kii lagu shubo.

Waxaa muddo dheer jid walba loo maray In dhallinyarada arrimahooda laga hadlo qof u daran iyo qof u daneeynaya Intaba. Waxaa ugu danbeyntii inoo muuqata in waxba ka soo naaso caddaan waayeen, halkoodiina looga tagay  dadaalo badan oo la isku dayay, qaarna biloow wanaagsan lahaayeen. qaarna dhammaystir xikmadaysan waayeen.

Waxaan Is weeydiiyaa Walina Jawaab u la,ahay dhallinyarada Maanta Ma haystaan Wax aay ku daydaan oo Macalin u ah oo Aay ka far-bartaan, kuwa Ayaga ka sii danbeeya Ee Kuwaan macalin la’aanta ah kusii dayan doona Sidee u ekaan doonaa Sawirka Muuqaalkaas Aan Hadda Ka walwalsanahy?!

Waa Suaal aan ka rabo Qof waliba Oo maqaalka aqriyaa in uu Ii soo Gudbiyo Hummaaga  ugu muuqan kara sawirkaas Walaaca leh.

Dhallinyaranimo waa waqti qof walba dunida maanta jooga uu soo maray ama uu ku jiro hadda, waa waqtiga la beerto waxaad mar kale dhigan lahayd inaad ku bara baxdo, waxaas oo ah mustaqbal wanaagsan oo wax tara ummad dhan ama jiil soo kori doona gadaashada.

Taasna waxaa inoo caddeeyn kara in maanta dunida ka jiraan dad magac iyo maamuus aan duugoobin ku leeyihiin dadkooda iyo adduunka oo dhan, taas oo ka dhalatay hawl aay qabteen waqtii iyo meeshii ku habbooneedna salka ula heleen.

Dhanka kalena qaar kale oo aay isku mid ka ahayeen muruq iyo maal iyo waxyaabo kalena aan maanta la aqoon, cid kaleba iska daaye dhashoodii danbe aaysan aqoon gaar ah u lahayn. farqiga u dhaxeeyay waxaa uu ahaa in aay ka faa’ideysteen fursadhii aay heeysteen, kartidiina ku dareen, sidaasna magac iyo maamuus aan duugoobin ku yeesheen waxii aay u halgameen.

Sida aan aaminsanahy maanta dhallinyarada joogtaa waa kuwii ugu nasiibka wanaagsanaa ee soo mara dunida, waxay haystaan Tasiilaad badan oo aysan haysan jirin dadkii inaga horreeyay ee wacadaraha ka dhigay dhidabadana u taagay Heerka la casriyeeyay ee dunida maanta.

waxaase su’aali ka taagantahay nasiibka iyo kartida ma loo simanyahay mise waa wax kala jaad ah oo waxaa guuleeysan kara kaliya Ciddii labadaas isku hesha?

Waxaan qormada kusoo afmeerayaa qodoba dhawr ah, oo aan ugu tala galay inaan codkeyga ku biiriyo talooyinka u badan in meel cidla ah iyo Dhago leeyrta u duleela ku dhacaan ee Dhallinyaada loo jeediyo Waqti kasta.

Talooyinka aan soo jeediyay waxay u qaybsamaan kuwoo lagu dhaqangalin karo baraarujin iyo wax ka badal habka nolosha  dhallinyarada si maskixiyan ah, iyadoo haddaba dhallinyaradeena badankood aaysan gacanteena ku jirin, xag aadaab, anshax iyo Aqlaaq oo waa hore waxay u gacan galeen dhaqamo iyo hab nololeed ka duwan kan aan Lahayn.

Waxaan Kusoo Koobay Talooyinkeyga..

– In wax la barto, laga bilaabo barbaarinta koowaad ee guriga illaa bannaanka.waxay na baraysaa inaan aqoon u lahaano nolosha adduunka iyo midda aaqiro . taas oo sida muuqata hadda inta fahamsani yartahay, haddii la ogahay micnaha adduunka iyo midda danbe kadeed iyo kurbo joogta ah kama dhiganeen nolol maalmeed. Noloshaha qiimaha lehna Madaxeeda minjo uma rogteen, dalka iyo dadkaana kama dhigteen meel magac xumo iyo Muuqaal aan aan lagu farxin laga fisho maalinta alla keeno.

In Mid laga noqdo Aragtiyaha Danta Guud.

Waxaay na bareeysaa inaan Isku ixtiraamno qof kasta ra’yi qabo in kan kale ku qiimeeyo, ee aan la wada noqonin qof waliba qumanhiisaa qoorta ugu jira, taas oo aan ka dhaxalnay in Rayi & fikir la iska dhagaysan waayo, mid quman iyo mid qaloocanba qashin lagu wada tuuray.

-In danta iyo maslaxadda la abbaaro oo aan lagu daalin dooda macno la,aan ah. Iyo dareen ku dhisan qiyaali iyo ismoodsiis, waxay noo horseedeysaa in darbiyada iyo Fadhi ku diriryada soo afjarmaan oo qof waliba oo bulshada ka mid ah uu danahiisa gaarka ah iyo danta guud uu ku bixiyo waqtigiisa oo dhan.

-In laga faaideysto Fursadaha jira.La iskuma haayo in fursado jiraan maanta dunida casri wada noqtay wax walbana ka sahlanyihiin sidii aay ahaan jireen Rubac qarni ka hor. Arrinkaasna aan lagu baraarugsaneen in badan maanta.

Tuf iyo Tahaliisha haayo Tafaraaruqa waa Tirmaahe. Wax walba waxaa bilaaw iyo Dhammaad u ah Tuf iyo Tahliil oo ah In illaah la tawakalo lana duceeysto Abaar iyo aaran sida dhaqan inoo ahaan jirtay ee aan la hareer marin waxii aan ku soo caano maalnay ee ahaa in aan Diinteena islaamka ah iyo dhaqankeeni soomaliyeed aan xoojino, oo aan dhahno Talo waa tii Rabbi. Waxii Rag ku kaco, Rabbina aqbalo waa rumoowaan.

Taas oo farta inooga fiiqeeysa inaan marka hore dadaal iyo karti la nimaadno, illaaheena waynna aan garab ka dhigano si aay Inooga haggaagto kuna guuleysano waxii aan Ku dhaqaaqnay.

Mahadsanidiin.

W/Q:- Maxamed Cumar Ugaas Muxumed

Gudoomiyaha Golaha Sama Wade

E-mail:- golahasamawade@gmail.com

 

SHEEKOOYIN