TURKIGA IYO SOOMAALIYA: SAAXIIBBO DANI MIDEYSAY W/Q: Hassan Mudane

TURKIGA IYO SOOMAALIYA: SAAXIIBBO DANI MIDEYSAY

Maxay tahay waxa ku dheerigaliyey in dowladda Turkiga ay timaado Soomaaliya? Maxay tahay danaha ay ka leeyihiin dalka Soomaaliya? Suurtagal ahaanshaha in jawaab maangal ah loo helo su’aalahaas, waxa ay ku xiran tahay hadba sida loo sharxo sababta ku dheerigalisay. Sharaxaada aan tilmaamayo maahan tii caadiga aheyd, oo aynu adeegsan jirnay marka aynu rabno in aynu bixino faahfaahin guud, laakiin sharaxaada guud ee aan ka bixin doono sababta ku dheerigalisay in dowladda Turkiga ay timaado dalka Soomaaliya waa mid ku dhisan dood si cilmiyeesan loo dhigay.

DOOD-SUUQEEDYADII HORE

Waxaa jirta saddex dood-suuqeed, oo aan aheyn dooddo si cilmiyeesan loo dhigay, sidoo kale ku dul-wareegata sababta ay Turkiga u yimaadeen dalka Soomaaliya. Saddexdaas dood-suuqeed waxa ay kala yihiin:
1. Doodda Koowaad waa tan ugu ballaaran oo ku dhex faafsan bulshada Soomaaliyeed, waxa ayna dib ugu laabanaysa diinta. Inta badan aragtida shacabka ee ku’aadan imaanshaha Turkiga, waxa ay ku bees gareysan tahay aragti oranaysa, in Turkigu uu yahay dal Muslim ah, kana soo danqaday dhibaatada Soomaaliya, una yimaaday sidii ay u caawin lahaayeen walalahooda Soomaaliyeed. Dooddani waxa ay salka ku haysaa caawinaad bini’aadamnimo iyo gurmad walaaltinnimo.
2. Doodda Labaad maahan mid si ballaaran ugu dhex faafsan bulshada, inta badan waxaa ku doodda qaar yar oo ka mida inta aqoonta leh. Dooddan waxa ay li’di ku tahay doodda koowaad. Sabab u yeelidoodana waxa ay isugu soo uruuraysaa aragti oranaysa, in Turkigu uu u yimid dalka Soomaaliya dano amaan iyo mid Militiri dartood. Dooddaasi kaliya waxa ay eegtay hal dhinac, mana lahan awood sharaxaad lagu qanci karo, waxa ayna la’dahay bixinta sharaxaad guud.
3. Doodda saddexaad, iyaduna waxa ay leedahay, sababta keentay in dowladda Turkiga ay timaado Soomaaliya waxa ay tahay, maaddaama Turkigu uu yahay dowlad ku abtirsata dowladdaha Islaamka, taasina ay fursad u siisay in ay wakiil oga noqon karto dowladdaha reer galbeedka gaar ahaan dowladdaha reer yurub, iyada oo fulineysa dannaha reer galbeedka, si ay u noqoto jaran-jaradii loogu fuuli lahaa gurashada khayraadka Soomaaliya. Dooddani waa mid marrin habboobsan, kuna dhisan khiyaal.
Haddaba, saddexdaas dood ee kor ku xusan waa kuwa weli taagan oo raad ku leh bulshada dhexdeeda, balse u baahan in lagu eego ookiyaal cilmiyeesan, lana marsiiyo tijaabo cilmi.

DOOD AKADEEMIYADDEEDKA CUSUB

Waxaan soo gudbinayaa dood akadeemiyaddeed cusub oo meesha ka saari doonta dood-suuqyaddeedkii hore, kuna saabsan sababta uu Turkiga u yimid dalka Soomaaliya. Waxa ay diiradda saareysaa saddex sababood oo Turkiga ku dheerigaliyey in ay yimaadaan Soomaaliya. Saddexdaas sababood waxa ay kala yihiin:
1. Buuxinta booskii bannaanaa.
2. Sameynta heshiisyo hordhac ah iyo ka faa’ideysiga khayraadka Soomaaliya.
3. In khayraadka Soomaaliya mustaqbalka dhow iyo kan fogba ay kula gorgortanto dowladaha reer galbeedka, dowladdaha Khaliijka, dowladda Shiinaha, Jabaan, iwm.

Sababta koowaad oo ah buuxinta booska bannaan, waxa ay dib ugu laabanaysaa markii ay dowladda Turkiga timaaday qaaradda Afrika, si ay dib ugu soo celiso xiriirkii ay la laheyd dowladda qaaradda Afrika. Ka hor inta aysan furin xiriirka dhaqaale ay la yeelan doonto waddamada Afrika, waxa ay sameeyeen qiimeen guud. Qiimeen kadib, waxa ay ogaadeen in aysan jirin boos ka bannaan dowladdaha ay markaasi daneenayeen. Sidoo kale, waxa ay soo ogaadeen in Soomaaliya aysan laheyn saaxiib caalami ah, booskaasna uu bannaan yahay, waxa ayna go’aansadeen in ay buuxiyaan booskaas bannaan. Haddaba, maxay tahay sababta ay u door bideen Soomaaliya balse aysan u door bidin dowladdaha kale ee qaaradda? Sababtu waxa ay tahay, in ay jireen shirkaddo badan oo reer galbeedka ah, dowladda shiinaha iyo jabaan oo Turkiga kaga soo hureeyey suuqyada Afrika, iyaga oo buuxiyey boosaskii bannaanaa. Sidoo kale waxa ay heshiisyo hordhac ah la galeen dowladdaha Afrika, sidaas ayayna Soomaaliya oga door bideen dowladdaha kale.

Sababta labaad oo ah sameynta heshiisyo hordhac ah iyo ka faa’ideysiga khayraadka Soomaaliya waxa ay ku dul-wareeganaysaa, hubsashada saaxiibtinnimada Soomaaaliya, kadibna ay hoos u daadageen oo ay dhulka tageen, si aysan dowlad kale oga hormarin sameynta heshiisyo ganacsi ee ku saabsan ka faa’ideysiga khayraadka Soomaaliya. Taasina waxaa caddeen u ah, markii ay yimaadeen durbadiiba waxa ay dowladda Soomaaliya la galeen heshiisyo ganacsi.

Sababta saddexaad oo ah, in khayraadka Soomaaliya mustaqbalka dhow iyo kan fogba ay kula gorgortami doonaan dowladdaha reer galbeedka, dowladdaha Khaliijka, dowladda shiinaha, jabaan, iwm. Maaddaama Turkiga uu yahay kii buuxiyey booska bannaan, suuqa Soomaaliyana uu kaga soo horeeyey dowladdaha kale, sidoo kale heshiisyo hordhac ah la galay Soomaaliya, Soomaaliyana ay tahay dal leh ifafaallo khayraad dabiici ah sida shidaal, intaas oo sababood oo isbiirsaday ayaa u sahli doonta in ay la yimaadaan gorgortan.
Sikastaba, gorgortanka aan tilmaamayo waxa ay billaaban doontaa goorta ay shirkaddaha reer galbeedka, dowladda shiinaha iyo jabaan ay soo hunguriyeeyaan khayraadka Soomaaliya.

W/Q: Hassan Mudane
Taxliiliye Arrimaha Afrika

SHEEKOOYIN

Cart
  • No products in the cart.