Tuugsigii dadbanaa Q10AAD W/Q: Cabdul Cabdikariin(Jalaato)

Tuugsigii dadbanaa Q10AAD 

Waxey aheyd maalin roobaad oo jawiga aad u daganaa, roobkaan oo  bilawday habeen barkii ayaa wali si teel teel ah u da,aya oo ah mid lagu dhax socon karo oo aan ku weyneyn dadka qaarkiis waxa ay u yaqaanaan doqon radis. Si kastaba arrinku ha ahaadee maanta duhurkii waxaan la balan sanahay Daahir oo aan rabo inaan kala warqaadno, inta aan la gaarin horoow waxaan rabaa inaa n danaheyga soo dhammeysto subaxnimada hore, ka dibna aan u imaado.

Waqtiga markii aad xisaabineyso aad ayuu u dheer yahay intii aan la gaarin afar saac ama tobanka aroornimo  howlageygii aan saakay u soo qalab qaatay waan soo dhammeystay, waxaan balansanahay salaadda duhur ka dib anigoo diidan inaan ka hor dhaco waqtiga waxaan aaday isbitaalka halkaas oo aan ku ogaa dhaqaatiir aanu  saaxiibo aheyn. Kolkii aan tagay waxaan isla markiiba iga hor yimid wadaaygeey oo aan ilaa iyo yaraanteenii aan hal meel wax ku soo wadda barbaarnay hal xaafadna aan wada daganeyn maantana ah dhaqtar buuxa oo dhinaca qaliinka dag daga ah.Waa adduun iyo xaaladiis waxaan ku xifaaleyn jirnay inuu fulay yahay ruux fulay ahna uu Dhaqtar noqon karin. Waxaan xasuustaa markii aan gargaarka dagdaga wada baraneynay, waxaan ku tabo baran jirnay liimo bambeelmada oo kale oo lagu matalaayo adigoo qof cirbad kaga duraayo sinta marka loo dhiibo cirbada ee la yiraahdo ku mud inuu gacanta ka jareyn jiray, waxaan halkaas ku soo baranay neefsiinta  qofka hawada ka xiranto sida loo badbaadiyo, iyo waxyaabo badan oo aas aas u ah badbaadinta bini’aadmiga.

Cilmiga sidiisaba waxa uu leeyahay bilaaw ee ma laha dhammaad. Markii aan is wareysanay ka dib waxa uu igu yiri soo bax oo dharka baddalo, aniga kuuma yeerin adigaa lugahaaga ku yimid waxaan u sheegay inaan balan muhiim ah leeyahay oo aan ka baaqan karin, waxa uu yiri balanta waxaa ka muhiimsan in naf la badbaadiyo ma xasuusataa inaad u dhaaratay waxaad barato inaad dadkaaga iyo dalkaaga aadan ka hagran doonin, ma ogtahay inaad liiska kalkaaliyayaasha caafimaadka inaad ku qoran tahay oo haddii laguu baahdo in laguu yeeri karo oo aad adiga gacantaada ku saxiixday, sidaa darteed maanta waa laguu baahan yahay ee fallaari gilgilasho kaagama harto dharka baddalo.

Talo ayaa igu caddaatay waana garowssday wadaaygeey inuu jid sax ah ku taagan yahay, waxaan soo xirtay koodhkii cadaa iyo gacmo galiskii waxaa jeebka uga dhagan gooreydo/saacad iyo kaarkii aqoonsiga oo magaceyga ku qoran yahay. Waxaan soo abbaaray qolkii saaladda ee uu bukaanka ku diyaarsanaa markii aan soo galay gabar  ka mid ah kalkaaliyaashii meesha ayaa ii dhiibta waraaq ay ku qoran yihiin macluumaadka bukaanka waxa ayna ii raacisay dhaqtar mahad ayaa igu amray inaan kuu dhiibo si aad u xaqiijiso. Warqadihii kolkii aan aqriyay bukaanka waa wiil dhallinyaro ah labada lugood xabad ay ka soo jabisay midna ay caloosha uga dhacday taasoo wali ku dhax jirta. Waxaan weydiiyay in raajiyo la soo saaray iyo in kale waxa ayna igu war galiyeen inaan Xrey/raajiyo waqti loo heyn maxaa yeelay bukaanka xalay ayuu baadiyo kusoo dhaawacmay 40 daqiiqo ayuu halkaan ku sugan yahay xaalidiisuna waa halis.

Markii aan halkaa isla mareyno Dr Mahad ayaa so galay waxaan isla garanay in xabada caloosha laga saaro meelaha dhaawacaana la tolo lugahana kab soomaali si ku meel gaar ah loo saaro. 

Waxaan guda galnay howshii ilaaheyba waa noo fududeeyay  saddax saacaddood ka dib waxaab fursad u helay inaan balanteydii soo aado Dr Mahad iyo dhamaan shaqaalihii ayaan macAsalaameeyay waxaase la igu war galiyay in aan maalin walba aan imaado si aan uga war hayo xaaladDa bukaankii aan ka qeyb qaatay qaliinkiisa dagdagta ahaa waan ka aqbalay.

Jidka ayaan labo ka soo dhigay anigoo socod boobsiinaya waxaan imid halka baska laga raaco wax yar ka dib waxaan fiiriyaa gooreysada waqtigu orod badnaa saakayna saacada dhaqaaq ayaan ka kari waayey haddana waa tan is qabooji ayaan ka kari la’ahay. Saacadda ma aha ee waa aniga oo marna sugi la’ marna ay i sugi la’dahay, waxaan  waqtiga iyo aniga is eryano waxaan imid goobtii aan ku balansaneyn Daahir.

Waxaa uu fadhiyaa guriga hortiisa asagoo ku dangiigsan Jiinbaar kursi jiif ah indhihiisu cirka ayey u jeedaan waa kaligiis buug ayaa dhabta u saaran kama qasno raaxada adduunka iyo riyo maalmeed ayuu dhax mushaaxayaa,  waan salaamay wax jawaab ah iima soo celin waan ku celiyay ma leh yaaba i maqlaaya adduunyo kale ayuu ku dhax jiraa. Markii aan arkay inuu maqan yahay aniguna waan daalnaa oo waa iska ag fariistay bal inuu hawada ku soo laabto qofaan hurdeynin oo soo jeeda indhihiisa ay furan yihiin maxaa lagu xisaabiyaa oo haddana maqan anigoo wali la yaaban markaanse aan daal gooyay ayaan is kor taagay waxaa yaab igu noqday indhihiisa waa furan yihiin sidii qof soo jeeda waana quurinayaa sidii qof hurda anigoo wali la yaaban ayaa walaalkiis guriga ka soo baxay oo igu yiri haddii aad dan ka leedshay maad hurdada ka toosidid, waxaan ku dhahay waa uu soo jeedaa sidee ruux soo jeedo loo toosiyaa inta uu igu qoslay ayuu yiri dabeecadiisa ayaa sidaa aha indhiisu ma isku qabto kolkuu hurdaayo ee haddaad dan ka leedahay waqti ha iska dhumin, waa wax ii dhinaa oo igu cusub. Anigoo wali aan rumeysan ayaan garabka ka taabtay oo ka toosiyay, yaab badanaa waa kan soo toosay oo hanbaabiray. 

Waxaan ku iri iga raali ahaaw howl adduunyo ayaa ila tagtay cabbaarna waan kula joogay waxa uu igu yiri maxaad ii toosin weyday sidii aan kuu sugaayay ayaan hurday. Aniga oo wali la yaaban ruux hurdaayo oo indhiisu furan yihiin ayaan ku iri Daahiroow walee tuug kuma xado maxaa yeelay inaad soo jeeda lagu moodaa cabbaar ayaan kaftanay oo aan caadi u sheekeysanay, waxaan u sheegay sababtii aan uga soo daahay waana uu iiga garaabay dhib ma leh tagto timaado ayaa ka badan waxa uu ii raacsiiyay inuu qoraalkii intii ka dhineyd uu ii diyaaariyay oo aan anigu aqristo balse aan sugo ilaa iyo labada maalin soo socoto si uu u ugu garaaco teebka anigana waan ka aqbalay. Waxa uu igu yiri ninyahoow waxaan kaa rabaa talo inaad igu biiriso maanta waxaan ku dhahay soo deey balse ogow haddaad talo i weydiisato qaraar iyo macaan tii ay kugu noqoto inaadan iiga xumaan, waxa uu yiri ma dhaceyso inaan inta talo ku weydiisto aan kaaga xumaado inaan qaato iyo inaan iska daayo aniga ayey iga falantaa ee iga dhageyso. Waxaan ku dhahay soo deey.

Waxaan rabaa ninyahoow inaan guursado gabar ahlu diin ah oo ahlu salaad ah oo aan salaad salaad ku darin oo xijaaban quraanka xifdisan oo quruxdeeda sidii muraayad la iska dhax arkaayo ehelka iyo qaraabada u roon.

Markii uu ammaanti iyo tilmaamihii dhameeyay ayaan ugu jawaabay haa waad heli kartaa laakiin hal su’aal ayaa ku hortaal haddii aad jawaabteeda oo sax ah hesho gabadhaas aad tilmaantay waa gar kaa baxay. Waxa uu igu yiri maxey tahay su’aasha i hortaal?  Waxaan ku dhahay waa sahal ee aad ii dhageyso runtana ku jawaab, adigu ma leedahay astaamaha aad tilmaantay? Inta uu cirka fiiriyay oo dhulka fiiriyay oo dhinacyada iska fiirshay ayuu yiri maya haba ku sheegin xataa meel u dhaw ma joogo waxaan ku iri nin walba iyo calafkiisa laakiin ogoow shinbir walba shinbirkiisa ayuu la duulaa. 

Daahir oo garaawsaday jawaabtii uu raadinayay inuu helay ayaa igu yiri: Saaxiboow waad mahadsan tahay ee beri maahine beriga ku xiga u imaaw haddaan maytka cafiya la i dhihin.Halkii ayaan isku macsalaameynay waxaan u dhaqaaqay dhankii ay xaafadeyda iga xigtay.

Maalintii labaad waxa  aan isbitaalka ku booqday bukaankii aan wax kala tacaalay qaliinkiisii waxa aan ka wareystay xaaladiisa caafimaad oo aad uga soo reyneysay marba marka ka danbeyso, markii la keenayay isbitaalka mana nooleyn mana dhiman maantana illaah mahadii waa asaga hadlaaya waxaan aad ugu faraxsanaa in aan ka qeyb qaato badbaadadiisa inkasta uu bukaanka war u heyn maalmo ka dib ayaa loo sheegay in aan ka mid ahay dhaqaatiirtii qaliinkiisa ka qeyb qaadatay sababta aan ugu imaanayana ay tahay oo kaliya bini’aadminimo oo aan hadda ka mid aheyn shaqaalaha isbitaalka waxaana inoo suuro gashay in aan si hoose is barano oo aan is xariirino.

La soco qeybaha xiga

W/Q: Cabdul Cabdikariin(Jalaato)

SHEEKOOYIN