Tuugsigii dadbanaa Q12AAD W/Q: Cabdul Cabdikariin(Jalaato)

Tuugsigii dadbanaa Q12AAD 

Casir liiqii ayaan dib u soo gadoonay anagoo qasadkeenu yahay inaan carowno intii aan dhax soo soconay ayaa Daahir hoos iigu dhigay oo yiri ninyahoow gabadhaan ayaan ka helay maxaa talo ah? Waxaan ku iri ma xumo laakiin gabadhu reerka aan martida u nahay ayaa dhalay hadana waa adag tahay waa ku arkay waa ku caashaqay waa in aan mudo joogno si aad ula kulanto ama aan u soo qalab qaadano mar kale suuye caawa aan joogno waxaan ku iri waxba kama qabo laakiin wax hubso

markii aan reerka ku soo laabanay wiilkii yaraa ee nala socday ayaa Cali u xog waramay una sheegay inaan caawa joogeyno intaas uguma ekeyne  waxa uu yiri saaxibtinimadii seedinimo ayey isku badali rabtaaye ogaanteed lahaaw, aniga iyo  waddaaygeey Daahir warbixintaas la gudbiyay qabar daar ayaan ka aheyn ileen reer baadiyo kaa dhago dhaadheer.

Waxaa naloo keenay shaah casiriyaa iyo bur yahuud iyo odkac kolkii aan xoogaa ka taataabanay ayaa Cali hadalkii qaatay oo yiri labadiina waa kuma ninka gabarteena gaclooday hana iga xishoonina gabar waa guur u joog maantana rag idinka qiimo badan aan siin lahaa ma jiraan  waa is fiir firinay meel laga laabto lama joogo, waxaan ku jawaabnana garan weynay, cirka iyo dhulkaa nala wareegay, anagoo wali wali hawada ka maqan ayuu Cali hadalkii qaatay mar kale oo yiri walaalayaaloow soo dhawaada igana raali ahaada hadDaan hadalka meel aan munaasib aheyn ka bilaabay runtuse waxa ay tahay ninkii gabarta laga dooni lahaay waa aniga oo dhiigeeda lahaayn, ninkii dooni lahaayna waa isla aniga war badan waxba ma taraayo  waa idiin faq deynayaa ee hoos isku wareysta saacad ka dib ayaan idinku doo laaban doonaa waana uu dhaqaaqay.

Wax yar ka dib ayaan hadalkii dib noogu furmay aniga iyo Daahir aad moodo dhididka ka  baxaya nin meel fog kasoo orday waxaan ku iri is daji, saaxiboow waxaad tahay nin nasiib badan gabarta aad ishaaratay haddaa ayadoo lagu siiyay ayey ka dhigan tahay meel laga laabto oo naga danbeysaa ma jirto ee maxaa talo ah. Waxa uu yiri Daahir talo waa tii Alle laakiin ninyahoow anigu waan ka helay oo kaliya sow marka hore inaan kasbado oo aan is jeclaano sow ma aha, ka dib aqal yagleelo ee qabo ee qoorta Gooy iyo labo qofood oo kala dhaqan ah miyi iyo magaalo waxaan mudan doonaa nolol adag oo aan marnaba aan laga waaqsan doonin dhibka naga gaaro rayigaaga maxey kula tahay?

Waxaan ku iri waa sax oo wax meesha ku jira laakiin waxaa kaloo meesha yaala xeer soo jireen ah oo diinteena suuban ku gowracan  sidaa darteed kol haddaad ka heshay wixii kasbasho iyo kalgaceyl dhaxdiina waxa ay kuu bilaaban doonaan marka uu meherku dhaco, muhiimada ayaa ah in aad xoogga saarto kala duwanaanshaha dhaqanka miyiga iyo kan magaalada kaas oo u baahan inaad labadiina is bartaan maxaa yeelay ruuxba meel ayuu macalin ku yahay waqtiguna waa nagu gaaban yahay ee waxaan la shir tagi laheyn, go’aankeeda aan gaarno.

Waxaan galnay aamusnaan dheer oo aan ku fogaanay hal mar ayuu Daahir la soo booday talada ugu wanaagsan waxa ay ila tahay inaan is caddeeyo laakiin la iga ogolaado inaan waqti la isiiyo nolosha baadiyaha aan ku barto, waxaan ku iri ma waxaad rabtaa inaad isku barbar dhigto nolosha magaalada iyo tan maya ayuu yiri, ee waxaan rabaa in aan la i harawsan oo aan la oran naga tag waxyahoow reer magaalkaa qosol iyo dhoolala caddeys ayaa noo bilaawday waxaan isku waafaqnay in ninka talada ka falanto ee Cali aan ku war galino sida xaalku yahay iyo sida aan wax u rabno, wax yar ka dib Cali iyo Adeerkii nabaddoonka tuulada oo wadda socda ayaa noo yimid salaan ka dib isla su’aashii uu nooga naxsaday Cali markii hore ayuu na weydiiyay waa kuma labadiina ninka aan xididka noqon doono? 

Waxaan ku iri waa hee waddaaygeey Daahir laakiin waxa uu doonayaa in waqti loo siiyo uu uga baaran dago sidii uu maareyn lahaa nolosha sadax geesoodka  oo mar kasta u baahan in foggaan arag lagu saleeyo, Cali ayaa hadalkii qaatay oo yiri waa koow oo hadda ma waxaad i leedihiin diyaar uma nihin guur ee afkaa naga boobay, waxaa ku iri maya sidaa ma ahan ee Daahir waxa uu doonayaa guurka ka hor inuu barto nolosha Baadiyaha taas oo uu u arko in ay xal u tahay mustaqbalka laakiin waa naga go’an tahay inaan aad kuugu soo dhawaano, Cali ayaa qaatay oo yiri markii horaba igama aadan fogeyn qasabna ma jiro, haddana qeyr ayey ku dhammaaneysaa, markii uu halkaa marayo ayaa Cali adeerkii yiri talo aan la ruugin waa lagu rafaadaa maadaama ay idinka go’an tahay inaad in arrinta la galo marka u horreysa waxaan rabaa inaan Daahir labo su’aal ama sadax weydiiyo ka dibna aan guda galno wixii nala gudboon aan isku raacno, Daahir oo aad moodid in koronto qabatay dhidid shuux shna uu wajigiisa hareeyay ayaa yiri haye adeer soo daa waxaad i weydiin laheyd. 

Adeer: Wax weyn ma aha horta waligaa ma guursatay? 
Daahir: Maya adeer ma guursan wali
Adeer: Maxaad adduun maanta heysataa?
Daahi: Waxaan heystaa cilmi iyo aqoon.
Adeer: Gartay diyaar ma u tahay inaad guursato?
Daahir: Haa adeer  laakiin waa in aan is soo diyaariyo
Adeer: waxaan kuu gartay maanta in gacantaada wax dhaqaala ah ku jirin taas oo kaa hor istaagtay in aad guursato.

Daahir: Waa run laakiin, adeer maanta ka hor hammi guur ima galin nolosheydana waan soo saartaa.
Adeer: Waa gartay hadda mid hadaan ku dhaho ma iga aqbalee?
Daahir: Haa adeer waxaan awoodo hadey yihiin 
Adeer: Gartay  waa ku xooleyneyna(Maalgelin) deyn kuguma aha deeqna ma aha.
Daahir: Adeer waxaan u gartay waa lagu xujeynaa haddii hantida laguu dhiibay aad waajibkeeda mariso oo wax ka soo saarto adigaa iska leh haddii kale waa kaala laabanaa intaadan baabi’in.
Adeer: Nacam ishaad ka riday waa sidaa arrinku, ee ma igu raacdeen. Arrinka adeer waxa uu ahaa mid loo wada guuxay oo dhammaanteen ayaa hadal la’aan madaxa ku jawaabnay, Adeer ayaa hadalkii ku soo laabtay  oo yiri si fiican ugu dhug yeelo warkeyga kani waa bilawgii noloshaada toban neef oo lo’ irmaan ah iyo weylahooda iyo beer iyo gabarteyda Xamdi ayaan kuu hibeeyay, ee ma iga gudoontay,  Daahir oo cirka iyo dhulka la wareegay ayaa aamusnaan yar ka dib yiri Adeer waan kaa gudoomay.
Adeer: Magan Alle  hadDa kac oo reerahaagii ku noqo soo qalab qaado bil ka dib waad aqal galeysaan bishaasna waxaa kula socon doona wiilkeyga axmed kaas oo ku bari doono xeer iyo xeeladii aad ku maareyn laheyd noloshaada haddaba waa adiga iyo ragganimadaa wixii halkaa ka danbeeyo markaad soo laabato ayaa noo balan ah.  Waxaa halkaas nooga bilawday farxad reynreyn gaarigeenii ayaan ku soo dhacnay ayadoo sidii boqorada naloo soo anbo bixiyay. Markii aan aniga iyo Daahir laamiga ku soo dhacna ayaan bilawnay inaan faaqidno tallaabada xigta aan sameyn doono.

La soco qeybaha xiga

W/Q: Cabdulle Cabdulkariim(Jalaato)

 

SHEEKOOYIN