TUUGSIGII DADBANAA Q1AAD-2AAD!W/Q: Cabdul Cabdikariin(Ugaaska)

TUUGSIGII DADBANAA!Q1AAD

Waxa ay aheyd xilli dalka xaaladdiisu aanay fiicneyn. Shaqo la’aanta iyo bashiduna ay aheyd mid la qabatimay, ood mooddo reynreyn barwaaqo in lagu jiro, wiiftada iyo madfacuna uu yahay mid ka mid ah nolol maalmeedka. Farxadda iyo murugadu waxa ay ahaayeen mataano, aan kala harin.
Shaqo la’aantu waxa ay aheyd mid ku baahsan qeybaha bulshada oo  laga wada simanyahay, sidaas ay tahay dhallinyaradu waxa ay ahaayeen kii aqoon leh iyo kaan laheynba adeege dabadhilif u noqdaan qabqable dagaal, kaas oo aan u aabbo yeelin cidna. Taas oo ah mid aad ka wada dharagsan tihiin, oo aan u baahneyn inaan idiin faahfaahiyo.
Balse, dhallinyarada waxa ay ahaayeen labo qeybood, qeyb magaalada u dhashay iyo qeyb beesha u dhashay. Qeybta magaalada u dhalatay waxa ay ahaayeen kuwo isku dhaxqasan hal beel ha u badnaadeen, balse, kuwa kale ee beesha u dhashay ayaga iyo qorigooda waa isla socdeen, waxa ayna aaminsanaayeen, wax walba in lagu xalliyo qoriga afkiisa.
Dhallinttii magaalada loogu yimid intooda badan waa sacabbooleey, oo gacmaheey rogrogayaan. Waxaa ku dhacay jahwareer aan laga soo kabsan, waxaana loo bixiyay MAACUUNTA. Waa la sii maraa waana la soo maraa.
MAACUUNTII waxa ay u ka la baxeen qeybo faro badan, wax dhoofo iyo wax dhinto iyo qeyb geed TALLAALKA hoos fadhida oo meeshaas danbiishii adeegga gabdhaha xaafadda xabbad moos ah ka la baxa, qeyb soo galootigii indho iyo caqli ku horjooga.
Si kasta ay ahaato, ninba dhan u badi, oo waa la wada noolaa. Subaxdii waa la wada qaraab tagaayay, illeyn meel go’an oo loo shaqo tago dadku ma heysto, waana ay yaraayeen waana la isku wada dul noolaa.
Waxaa caado inoo aheyd qadada ka dib, in la iskugu yimaado goobaha lagu shaaheeyo, oo halkaas lagu wada baashaalo ilaa iyo maqribkii nin MILICSADA iyo mid MUSBAARTABA.
Waxaa jiray dhallinyarada qaar ka mid ah qeybta maacuunta oo inta badan shaahiga iyo sigaarka dhiiba oo maalinta uusan hawada soo galin la tabo.
Baqaar u ma furno beerna u ma falno, haddana, waa mid jeebkiisu qoyan yahay, oo deeqsi ah. Dhallinyarada yar iyo weyn waa u saaxiib, laakiin, sirtiisa iyo halka tubbada ugu mudan tahay cid og oo ka war qabtaa ma jirto. Middeeda kale maalinba dhinac ayuu ka baxaa. Asxaabta oo dhan waxaa uu si gooniya u la socdaa hal nin oo kaliya, ninkaas ay dhareer wadaag yihiin.
Si kastaba ha ahaatee, ninka saaxiibkiis ah waa la yaqaan shaqadiisa, oo waa turufatoore faraha kala xada.
Waxaa caado u aheyd maalinta jimcaha inuu soo daaho, balse, markuu hawada soo galo MAACUUNTA maqaayaddu waa u shidantaa.
Maalin maalmaha ka mid ayaa waxaa dhacday, si la ma filaan inaan u kulanay mise waxaanan maleysan marnaba ayey igu noqotay. Waa ka la saari waayey weyday in uu xaaji lacag yahay iyo in kale. Waa iga degi waysay. Afkii baa juuqda i gabay waana iska soo dhaqaaqay anigoo aad mooddid inaan riyo ku jiro. Markii aan in cabbaar ah soo lugeeynayay, ayuu asagoo ordaayo iga daba yimid.

TUUGSIGII DADBANAA Q/2aad

Waxaa maskaxdeeyda ka guuxayay, fikraddo fara badan. Mar waxaan is iri tolow waa kan soo ordaayee muxuu damacsan yahay? Ma shan xabbadood haddii uu kugu dhufto hortiisana cararo yaa og qofkii ku dilay, yaase ku yaqaan halkaan? Maye maye taas macquul ma aha, ninkaan waligiis qoray iyo bustoolo ma qaadan. Waxaan hadba mowjad saarto ugu danbeyntii waa ii yimid, asagoo aad mooddo inuu roob ku soo da’ay. Hadalkiisiina waxa uu ku billaabay, ballaayo ku dhacday ma dhagahaad la’dahay, meeqa saac ayaan kuu qeylo dhaaminaayay, meel xun baad iiga soo baxday iyo ereyo faro badan aan halkaan ku soo koobi karin. Intaa waa dhageysanayay oo juuq u ma dhihin, maxaa yeelay waxaa la yiri qeyr wax ma kaa dhibee shar u toog haay.
Waxa uu yiri ninyahoow intaad dunida joogto wax walba waa la arkaa, waxa uu ruux ogaal u sameeyo asaga ayey u taallaa fadlan adigoo tix galinaaya codsigeeyga arrintaan aniga iyo adiga ha nagu ekaato. Isla markiiba si sahal ah, ayaan u dhahay waa yahay, maye maye ayuu igu yiri ha yeelin sidaa. Waxaan ku iri oo ma waxaan ku iraa ma nagu ekaaneeyso, haye miyaa kugu adkaatay? Oo iigma fadhin inaan haye ku dhihi doono.
Maye saas ka ma wado, ee i fahan tan hadda waa mid nolosheyda ka mid ah, waana ogaa in maalin maalmaha ka mid ah qof igu arki doono maxaa yeelay xeyndaabka xaafadda ayaan aad ugu soo dhawaaday, asagoo wali hadalkiisii sii wata waxaa noo yimid nin lunsan oo waddo raadis ah, markii aan tilmaanay ka dib ayuu hadalkiisii sii watay. Waxa uu yiri dhowr mar oo hore ayaan qarka u fuulay in la i arko waase ka badbaaday, sababtoo ah waxa ay u badnaayeen dadkii axadda, oo aan si fiican ii xaqiijin karin in kastoo qaar ka mid ay ku dhiirradaan iney i weydiiyaan balse aan ugu cadcaddeeyay. Ninyahoow hadda iyo dan waxaan kaa rabaa inaad ii dhaarato intii in muddaa inaan lagaa garan oo aad sirteyda ii heyso. Waxaan ku dhahay waan kuu heynayaa balse waxaa kugu kallifay iyo baahida kuu geeysay ayaan rabaa inaan ogaado waxa ii igu yiri waa sheeko dheer ee aan u xusul duugano.
Waa isa soo raacnay intii aan jidka soo soconay ayuu mar labaad iyo mar saddaxaad i dhaariyey inaan sirtaan cidna aan kala sheekeysan waxaan ku iri ma meesha aan kugu arkay mase tan aad hadda ii sheegi doonto ? Wuxuu yiri kuma lihi noloshaada inta ka dhimman qari balse illaa 2000 laga gaarayo afkaaga sharooto ku dhaji intaa ka dib haddii aad damacdo inaad la wadaagto asxaabtaada magaceyga ha soo qaadin waana sababta aan ilaa iyo hadda magaciisa aan idiinku sheegin.
Waxaan fariisannay xaafadda anna maba sugin oo horay ayaan ka weydiiyay sababta ku qasabtay arrintaan. Waxaa uu soo bixiyay buugaag badan qaarna ay af Soomaali yihiin qaarna af Carabi qaarna English, isha ayaan la raacay ciwaannada waxaa ka mid ahaa Saaxiibbo kasbo, Al dunyaa, How to make money iyo qaar kaloo badan oo sheekooyin jaceyl ah anigoo wali dhax mushaaxaya aqrinta cinwaannada ayuu igu yiri, ku soo dhawaaw my world intaan qosol kal iyo laab ah qoslay ayaan ku iri adduunkaagu ha kugu koobnaado ha i galin saaqaas.

La soco qeybta xigta

W/Q:  Cabdul Cabdikariin(Ugaaska)

SHEEKOOYIN