Tuugsigii dadbanaa Q3AAD W/Q: Cabdul Cabdikariin(Ugaaska)

Tuugsigii dadbanaa Q3AAD.

Aniga walli dhax mushaaxaya aqrintii cinwaanada buugaagta, ayuu istaagay, waxa uuna soo qabsaday jaranjaro ka sameysan alwaax oo isku laalaban labo jeer, maba sugine horey ayaan su’aal ka weydiiyay Daahiroow janjartaan ma dibada ayaa lagaaga soo dhiibay? maya ayuu yiri si fudud asagoo dhoola caddeynaya waxaana uu ii raaciyay, koleey Soomaali ayaad tahay, iga  rumeysan meysid haddaan ku dhaho anigaa sameeyay, waxa ayna ka mid tijaabooyinkii aan sameeyay oo aan ku guuleystay. 

Waxaan ku iri adiguba Soomaalinimada dhinac ayaad ka wadataa, sababtoo ah difaac ayaad sii gashay, inta aadan ii jawaabin waana cudur aan ka simanahay waxaana u aabbo ah madax adeyga, balse adigoo aqoontaadu sarreyso aan ku ogahay ilaa heer jaamacadeed inaad gaartey ayaa dabeecada kala siman bulshada kale  ee aqoondarradu u geeynayso, isku soo wada duubo   aniga waxaan rabaa inaan wax kaa faa’iido oo aan xaqiiqda noloshaada hoose, sidii aad ku billawday, tijaabooyinkii aad ku guuleysatay, kuwii aad ku guuldareysatay waxa oo dhan maanta dhagaheygu waa ay kuu furan yihiin afkeenuna waa isku amaan,ee billaaw iyo dhammaad aan kaa koobiyee iiga warran.

Waxaa uu yiri: “Ha iga dagdagin, sannado badan ayaan ku guda jiray, howlahan mana aha wax galab lagu soo koobi karo, aniga ayaanba wada xasuusan Karin, Laakiin, maalintii aan billaabay illaa iyo maanta tallaabo walbo aan sameeyo waan qori jiray, buugaagta xasuus qorka kii buuxsamo kor ayaan saaraa, saqafka guriga iyo inta u dhaxeysa safiitadda,oo aan uga sameeyay, meel aan ku kaydiyo xasuus qorkeeyga sirna ii ah.” 

Arrintan ayaa iga sii yaabisay, aniga oo iska dhigay buugaagtii hore,aan la dhakafaarsanaa, jaranjaradii ayuu fidiyay, kor ayuuna u fuulay, waxaa uu soo dajiyay labaatameeyo buug  oo iskugu darsan, kuwa xasuus qorka iyo iyo kuwa iskuulada wax looga barto ee (A3) iyo waraaqo isku xiran oo Teeb lagu qoray, oo A4 ah. Waxa uu dhiibay waraaqihii teebka lagu garaacay illaa dhowr iyo konton bog ahaa,  waxeyna u qornaayeen sida tan. Inkastoo aan halkaan ku soo koobi karin waan idiin dulmarayaa.

Tijaabadii ugu horreysay

Waxaan is weydiiyay su’aashaan oo aan rabay inaan ogaado, waa maxay sababta DIIQU u yeero waqti go’an? balse wax  jawaab ah maskaxdeyda kama hellin, waxaan weydiiyay dhallinyaro faro badan, jawaabtii aan ka helay, ma aheyn mid aan ku qanco, oo inta badan hal jawaab ayey aheyd oo cakaar ah,  wax aad na weydiiso miyaad weyday iyo qofkii jimco waallan raba qamiista ayuu soo xirxirtaa iwm. Kuwa ugu macquul oo jawaab fiican i siiyo waxa ay dhaheen waa abuurista Illaaheey,taas ayaana ka qaatay oo aan isku qanciyay balse intaa ugama harin waxaan guda galay tijaabadii.Maalin maalmaha ka mid ah, waxaan ooda ka qaaday digaagii waxaana kala soo dhax baxay diiq koran ah, oo xoogeystay waxaan ku xiray qol gooniya oo nalal aan ku shiday si habeenka iyo maalinta uusan u kala garan, biyo iyo baadna waan u dhigay.

Waxaan dhowrayey gooreeysada oo aan mar walba dhuganayay,maalintii koowaad galinkeedii hore, iyo galinkii danba waxa uu ahaa mid, mid gunuunuc badan kuk iyo kuuk duhurkii iyo casirkii caadi ayuu u dhawaaqay, waxaa la gaa gaaray cishihii iyo diiqyeerkii oo caadi dhawaaqi jiray.Maalintii labaad subaxnimo ayuu qeylo billaabay isagoo uu ku  celcelinayay,waxaa la gaaray galabkii labaad waxaa uu bilaabay dhawaaq aan kala joogsi laheyn iyo inuu darbiyada madaxa ku garaaco, labo maalin iyo labo habeen, markii la joogay darbiyadana uu garaacaayo qeyladana, shantii daqiiqaba uu ku dhufanayo isaga oo  sidii u ciyi jirey iyo dhawaaqiisii waxba iska beddelin  Kuu kuuk kukuku.

Maalintii sadaxaad ayaan boojaal u galiyay. 30 daqiiqo ka dib waxaa uu galay jawi cusub qeyladii iyo darbiyo garaacii waa joojiyay oo waxaa gubayay uu ka hoyan waayay ma aha in habeenka iyo maalinta ay iskaga darsameen, halkaas waaxaan ku ogaaday in dareenka rabitaanka gacalku  yahay mid kuu horseedi kara in uu damiirka kaa lumo oo aad kala garan weydo sax iyo qalad, sababtoo ah wax kaa tan badan ayaa  luminaya inaad ahaato sidaadii hore. Waana sababta quraanka noogu amray hadaadan awoodin inaad guursato waxaa kuu qeyr roon inaad soon daa,into todobaadkiiba labo jeer.

Markii aan aqrintii tijaabada koowaad dhammeeyay waxaa la gaaray sallaadii casir waan tukanay ka dib waxaan halkii ka sii waday aqriskii tijaabadii labaad.Inta aanan guda gallin ayuu i weydiiyay su’aallo is daba joog ah oo ay ka mid ahaayeen maxaad ka fahamtay? Waxaan ku dhahay  waxaan ka fahmay in xornimadu iyo madax bannaanidu tahay  wax aad u wanaagsan aysana jirin wax ka wanaagsan. Sidoo kale dareenka Jinsiga iyo Hammada.Waxaa uu yiri waan gartay, waxaan rabay inaan gudo galno sheekadii aan rabay inaan kuu sheegi balse uma baahnid aqriso oo daalaco wixii aad fahmi weydana i weydii.Anna dagdag ayaan ugu laabtay qeybtii labaad ee tijaabada anigoo raba inaan ka salgaaro asna waa uu i gartay waa isaga keen dhax baxay.

 

La soco qeybta xigta

SHEEKOOYIN