Tuugsigii dadbanaa Q5AAD W/Q: Cabdul Cabdikariin(Ugaaska)

Kolkii la iga cellin waayay, ayaan ku iri soo daaya, maslaxa diid madarka ayuu ku jabaa wixii aan kala helno yuusan waxba iga siin, waa la soo fasaxay waxaa isku duubay nin kaloo soo ordaayay, oo ka mid ahaa odayaasha suuqa oo aan hadalkiisa hadal lagu darrin.

Waxa uu ku yiri: “ Sheydaanka iska naar bal is daji maxaad isku heysataan ninkaan waddaadka? Waxa uu ku jawaabay: “ Wadaad meeshaan ma joogo waa tuug tuug dhaafay, ma xasuusataa hada ka hor, inaan kuu sheegay, in xarfaan i heshay, waxa uu ahaa macalinkii ka danbeeyay ee sida farsamada badan xoolaheeyga kula wareegay anigoon wax dareen ah i gallin, hadana asagoo socdo ayuu ii yimid oo doonaya inuu ii mago xoolaheeygii, ama aan u cafiyo, dhibka uu i mariyay maalintaas iyo walwalka uu galliyay ma ii soo cellinaa ii weydii?.

Ninkii odayga ahaa oo gartay in sheekadu ay tahay mid kal hore dhacday, ayaa yiri: Ninkaan kol haddii uu kuu yimid kuuna sheegay inuu hadda ka hor dhib ku gaarsiiyay, marka koowaaad wax dagaal xaq uguma lihid labo sheyba adigeey kula gudboon tahay, in xoolahaagii barigaas lagaa dhacay laguu qiimeeyo uu kuu mago!/gudo iyo inaad cafiso.”Waxaa uu yiri isagoo weli xanaaqsan “ Aniga ninkaan dhiigiisa ayaa ii xallaal ah gudoowna kama rabo mana cafinaayo, horta ii weydii sababta uu ii dhacay?”.

Ninkii odayga ahaa ayaa ku yiri: “Ninyahoow aniga waxba ma weydiinaayo sababtoo ah meeshaan gar cad ayaa ku hortaal bal marka hore na fariisiya, waxaan rabaa inaan kuu sheego sheeko hadda ka hor dhacday, oo aan garteeda goob joog u ahaa.Waxaa dhacday nin baa beertiisa lo’ ka daaqday lo’dana waxaa laga lahaa isla tuullada. Ninkii beerta lahaa wax walba waa loo sheegay marka hadalka la soo gooyo waxa uu yiraahdaa waan ogolahay wax walba horta lo’da sideey beerta u daaqday? Si kastaa la yeelay waa lagala quustay waxaa lala gaaray dallagii kuu soo go’i lahaay sanadkaan labadiisa ayaa lagu siinaa, mar walba haye ayuu leeyahay laakiin, horta lo’da sideey beerta u daaqday.? Macnaha waxaan hadalka uga jeedaa igaarkeygiyoow sidii ninkii haddaad dhahdo lo’da sideey beerta u daaqday waa wareer, haddaad xoolo rabtana anigaa ku siinaaye haddii aad xumaam kale u dan leedahay kaa yeeli meyno, inaad ninkaan wax u geysatid ama uu wax kuu geysto,  ugu danbeyntii waxaa uu ogolaaday inuu iska key cafiyo.

Ninkii odayga ahaa ayaa igu dhahay maandhahey cafis ayaad tahay waadna mahadsan tahay ee nabad galyo sababtoo danbigaaga aad qirataa waa ragganimo dheeraad ah, markii uu intaas afkiisa ka dhammaatay oo aan is gacan qaadnay oo ay dadkii buuqa ku soo baxay kuwii wax dhago dhageynayeen dhaqaaqeen, ayaan ninkii oday odayga ahaa gooni ula baxay oo aan ku dhahay adeeroow adiga nafsadaada waxaan rabaa inaad i cafiso, odaygii oo anfariir ku dhacay ma waxaan kaa cafiyo ayaanba aqoon ma gartaada iyo intii aan danaheeyga kuu dhaafay ayaan kaa cafiyaa wiilkeygiyoow waajib waaye haddii aad aragto dad is dilayo in la kala badbaadiyo.Waxaan ku iri:  Adeer sidaa ma aha ee in yar i dhageyso anaa kuu sheegaya, ma xasuusataa galab walba waxaa kuu caado aheyd inaad Baqaarkaaga hortiisa lagu dhageysto BBC da rikoor weyn oo Philips ahaa, haa ayuu la soo booday ma rikoodhkii jinku qaatay, adeer jin ma qaadine anigaa qaatay ama rumeyso ama ha rumeysan.

Odaygii yaab ayuu afka kalla taagay ma rikoodhkii oo sidaa dadka u buuxay ayaad ka dhax qaaday oo cidna ku arkin yaab badanaa waxa uu yiri adeer sidee ayey macquul ku tahay?  Adeer waa dhacday waxaan aad ugu fiirsaday, dadka meesha yimaado oo 30 ka daqiiqo markii ay dhammaato iska ka dareera, oo aan dan iyo muraad ka laheyn nin walbana uu dhibsanaayo inuu kaaga mahad celliyo fursada aad siisay in ay raadiyaaga isticmaalaan si xoriyad ah, waa qeyb ka mid ah dhaqan xumada soomaalidda oo had iyo gooraale mooda in aad gudatay waajib ku saarnaa.Maalin ayaan wax ka dhageysanayay, kolkii warku dhammaaday sida caaddada u aheyd nin walba hortiisa ayuu u socday, hal nin oo oday ah maahee, asaga ayaa igu amray inaan xareeyo waana soo xareeyay, dhowr maalin kaddib ayaan soo maray isla goobtii oo ay sugayaan waqtigana uu dhawyahay, inta aan gudaha kuugu soo galay ayaan ku weydiiyay, adigana malaha qof aad ugu dhiibto ayaad sugeysay, farta ayaad iga saartay. 

 

Kolkii uu warka dhammaaday ayaan ku iri maanta naf ma laha waa tallaado, sidii arday dugsilleey ah, oo uu kabiirku fasaxay waa kala yaaceen aniga Rikoodhkii ayaan dhanka kale kala baxay, sidaas ayey wax u dhaceen waxaanse kuu sheegaa raadiyahaagii oo aan cid danbo dhageysan oo aan xannaaneeyay ayaan kuu hayaa beri subaxdiina waan kuu keenayaa. Odaygii oo yaaban ayaa yiri  waa inoo berri ee nabad galyo nin yaab leh ayaad tahay.Maalintii ku xigtay waan u celiyay raadiyihiisii oo sidii u cusub maxaa yeelay aniga baahi iima heyn waxaa iga careysiiyay dadka qeyru mas’uuliintaa ee meesha isku yimid,  si kastaba arrinta ha ahaatee waxaa jira dad badan aan wali arkin ama aan aqoonsan karin, oo aan jeclaan lahaa inaan waxooda u celliyo maadaama ay waqti ka soo wareegtay intii awooda ii saamaxda sidaas ayaa ula tacaamulay. Qoraalkaan waan soo koobay waana tijaabsdii labaad ee aan ku guuleysto.

Markii aan aqrintii dhammeeyayayaan kor u soo eegay inta uu igu qoslay ayuu yiri barasho wanaagsan mar kale. Waxaan ku iri barasho wanaagsan daahiroow  waxaan u maleeynaa faanoole fari kama qodna, aniga iyo adiga maanta waxaan isku aragnay masaajidka waliba adiga oo ku dhax jira wax aan kaa filaneynin arintaas wax faah faahin ma iga siin kartaa?Haa ayuu yiri: laakiin fursada noo saamixi meyso inaan min bilaaw ilaa iyo dhammaad kuu sheego, qeybo ka mid ah waan qoray inta kalana waan dhameys tirayaa mar dhaw haddii Alle idmo maadaama ay soo af jarantay oo aan dib danbe u sameyn doonin, laakiin inta aadan guda galin arrinta maanta waa tijaabadii ugu danbeeysay balse waxaad gacanta ku heysaa qaar kalloo faro badan markaad ka soo dhammaato tan ayaddoo qoraal ah ayaan kuu soo gudbin doonaa ee sideey kula tahay? Anigoon walli u jawaabin ayaa albaabka la soo garaacay.

 

La soco qeybaha danbe

W/Q: Cabdul Cabdikariim(Ugaaska)

 

SHEEKOOYIN