Tuugsigii dadbanaa Q9AAD W/Q: Cabdul Cabdikariin(Jalaato)

Tuugsigii dadbanaa Q9AAD

Markii ay xukuumadu ka war heshay in hawshii isku badashay qaab kale, waxaa mar labaad la iskugu yeeray hey’adihii ammaanka la taliyeyaashii iyo dhammaan waxgaradkii bulshada, si xal loogu helo loona hor istaago baahidaan ay saadaalinaayaan dadka tuugsada, oo aan waddanka ka jirin.

Waxaa furnay kalfadhigii labaad ee looga hadlayo sidii loo maareyn lahaa dadkaan qalqalka ku abuuray ee magaalooyinka ku soo badanaya. Dalku waa dal hodan ah oo aan waxba dibad looga keenin, dadkiisuna waa hodan oo faqri kama jiro guud ahaan, nin ka mid ahaa qeybta nabadsugida ayaa soo jeediyay labo mid in la yeelo

1- qofkii lagu qabto in la toogto goob ay dadka wada joogaan.

2- in faraha laga qaado.

Waxaa lagu yiri tan koowaad waa garanay laakiin tan labaad suuro gal sideey ku tahay in laga aamuso oo waxa ay doonaan sameeyaan, waxa uu yiri tan koowaad haddii la fuliyo oo la toogto tan labaad ma imaaneyso ayagaa iska dhammaanaya oo wax tuugsada iska daaye lama arki doono ruux haweystaa maxaa yeelay sheydaan korkiisa ayuu ka naxaa.

Labadaas talo waa ay la qunaan weysay, ruux asaga is bahdilay oo asaagiis gacanta u hoorsaday, haddana in la sii dilo waxaa ka imaan karta cuqubo , anagu waxaan nahay dadkii waxa qaldan sixi lahaa ee ma nihin kuwii dadkooda baabi’in lahaa, wax marba dhinac lo gadiyo waxaa la waayay talo quman oo lagu dhaqaaqo, waana la wada aamusay nin kamid ah waxgaradka dagaanka oo intii dooda socotay dhageyste ka ahaa ayaa gacan taagay oo yiri bal anigana markeyga i dhageysta waa isku xiiqdeen.

Waxa uu yiri waxaa ila habboon in ruuxii lagu qabto asagoo tuugsanaya si dadban iyo si toos ahba, in la fadeexeeyo oo loo galiyo dhar ay ku qoran tahay ninkaan waa tuugsadaa xaafada uu dagan yahay uu jidadka xaaqo jardiinada hagaajiyo  makaroofan laga daba qaato oo loo sheego dadka dariiqa iyo kuwa yaqaanba in lagu soo qabtay sharafta iyo karaamada laga qaado,  ugu yaraan saddax bilood ugu badnaan sanad.

Arintaas uu ninka soo jeediyay waa loo wadda guuxay waxaana go’aan lagu gaaray in la dardar galiyo si aan qalad u dhicin qof daacad ah o wado ka lunay ama cid heybsanaya loo soo xirin waxaa loo saaray askarta ayagoo shibil ah in ay labo labo qofood iskula socdaan subax walbana la kala badalo oo labo shalay wadda shaqeysay in aysan maanta is raacin, qalinka ayaa lagu duugay waana lagu faataxeysay.

Muddo aan bil ah gudahood howl galkii waa lagu guuleystay oo sidii la filaayay ayey wax walba u dhaceen waxaase naxdin iyo filan waa noqday in dadka la soo qabtay oo shabada  ku dhacday ay ku jireen dad mas’uuliyiinta dowladda ka mid ah oo ku lug lahaa shaqada tuugsiga oo kaarto walba ay xukuumada keento uga sii digi jiray asxaabtooda.

Dadkii loo xil saaray sifeynta magaalooyinka dadka tuugsada kolkii ay arkeen dadkaan ku dhax milan waxaa qasab ku noqday in ay xukuumada war galiyaan ileen iyagu waa ka ciqaab duwan yihiin dadka aan arimaha xukuumada shuqul ku laheyn waxaana lagu xakumay dadkaas xabsi iyo shaqo ka erin ninba ninka uu ka darajo sarreeyo in xabsiga loo kordhiyo, iimaan la’aanta heerkaa gaarsiisan ee u geysay inuu sirta dowladda fashiliyo uu ku iibsado sanuud.

Si kastaba arrintu ha ahaatee dowladda waxaa u furmay waddo cusub waana laga nastay waxa ayna dowladdu ogaatay ceebeynta in ay ka xanuun badan tahay wax walbo kolkii waji gabax laguu rido oo meel aad istaagto weydo oo dadkaaga ku ogaadaan dhaqan xumadaada, iyadoo aad u aheyd ruux sharaf agtooda ka leh inaad is marjisana waa ku qabanee.

Dowladda waxa ay bilaawday dadkii xabsiyada ugu jiray danbi nacaseedka in ayaga xukunkooda laga dhigo in makarafoon laga dabo qaato ayadoo la sheegayoo magaciisa oo saddaxan hooyadii dhashay halka uu dagan yahay iyo danbiga uu galay xaafad walbana waxaa loo sameeyey meel bannaan oo loo soo daawasho tago danbiilayaasha subaxdii waa lagu soo shaqeeynaa galabtii dadkaa ku baashaalaayo, magaaladii waxa laga waayay cid cid fiirisa tuug wax xada iyo mid tuugsada.

Baalkii u danbeeyay kolkii aan sidaa u rogay waxaa ii soo baxday qormo yar oo kooban oo u qorneyd sidaan: haddaba maxaa dhacay aqristoow maxaadse ka fahantay qormadaan?  Rayigaaga wax ma ku kordhisay? wax ma dhintay? Is weydii jawaabtana la wadaag asxaabtaada. Qormadaan waxaa ku cad haddii xukuumad uu hoggaankeedu fiican yahay in shacabkooduna uu fiicnaanayo maxaa yeelay waa labo isku xiran oo aan suna u kala ha harin, xukuumada waxa ay ka timaadaa shacabka.

Shacabka asagaa looga baahan yahay haddii xukuumada ku xumaato in ay iska baddalaan, xukuumadna waa tii shacabkeeda hurumarkiisa daneysa la tashata tusta in ay shacabka u shaqeeyaan.

Markii aan aqriskii dhammeeyay ayaan telefoon u diray Daahir una sheegay in aan u imaan doono beri haddii alle idmo asagana waa iga aqbalay, waxaan  qaybaha kale ku qaadaa dhigi doonaa kulanka aniga iyo daahir iyo wixii na dhax maray ileen wali si toos ah uma aanan wareysan marka laga reebo habeen asagoo rabo inuu igu adkeeyo balanta oo igu yiri afkeenu waa isku amaan mooyee.

La soco qeybaha danbe

W/Q: Cabdul Cabdikariin(Jalaato)

 

SHEEKOOYIN