Tuur dhaqan-qoraalka xun! Q2AAD W/Q Maxamed Haybe Axmed

Tuur, dhaqan-qoraalka xun! Q2AAD
Qodobka 2 aad: waxaa aad quudhsataa, qoraalkaaga!
Qoraayada qaar ayaa dhaqan u leh, inay qawaddaan waxaa ay qoreen. Haddii, uu maqaal yar qoro, wuu yasaa. Haddii, uu sheeko gaaban qoro, wuu ka biyo diidan yahay. Waa qof wixiisa loo uriyay.! Waxaa u shidan cod hoose oo dhagahiisa ka yeedhaya, kaasi oo leh:
Qoraalkaygu waa mid xun tayo ma leh(my writing is bad).!  Haddii aad  iintan isku aragtay waxaa ku haysata kalsoonidarro. Mar haddii, wixii aad qortay aad cagta hoosteeda dhigtay, waxaa kugu abuurmaysa cabsi. Waxaa aad wajahaysaa kalsooni la’aan.Waxaa kaa baxaya xiddidkii geesinimada. Dib ayaad u istaagaysaa.  Waxaa aad joojinayaaa wax qoristii. Waxaa halkaa ku lumaya hal abuurkaagi, curiskaagi, hibodaadii qoraalka.!  Markaa waxaa aad leedahay dhaqan-qoraalka xun ee garo.!
 Waxaa kugu xidhan xadhig adag. Si aad isaga furfurto, waxaa aad u baahan tahay in aad isweydiiso: waa maxay waxaa aan sida dhabta ah u diidan yahay? Muxuu yahay, waxa aan u quudhsanayaa qoraalkayga? Ma deelqaaf iyo gebidhac baan ku arkaa? Waxaa kula gudboon, adoon  ciilkaambiyin naftaada in aad si ka fiirsasho leh, uga warcelisid waydiimahaa. Marka hore, isdaji. Dib u fadhiiso. Fikir.! Raadi wixii qaldan.
Haddii aad ogaato in aad waxaa gedman qoraalkaagu uu yahay, xagga naxwaha, waa in aad si degdeg ah, wax uga qabataa. Wax kasta oo aad ilduuftay, waa in aad hagaajisaa. Waxaa hore loo yidhi, “nin habari dhashay, hal ma seegiwaayo”. Hawl kasta oo aadamigu u dhaqaaqo inuu qabto,
lagama waayo qabyo. Sidaa awgeed, wixii kaa dhinnaada, waa inaad dhammaystirtaa, baddelkii aad quudhsan lahayd, wixii aad qortay.!
Geesta kale, marka wixii aad qortay, kuula eegaado wax aan dux iyo dhadhan lahayn. Wax aan mug iyo muc lahayn. Waxaa wanaagsan in aad la wadaagto qoraa kale; qoraagaasina ha noqdo mid aad ku kalsoon tahay. Marka uu kuu sheego meelaha iinta leh ee qoraalkaaga, aad ugu fiirso, iskana hagaaji. Si ka duwan, haddii, intuu faallo ka bixiyo qoraalkaaga kugu bogaadiyo, soo qaado qoraalkiisaa, darbigana ku dhajiso, waxaa ay kuu noqonaysaa dhiirigellin.!
Doc kale, waxaa jira qoraa cadceedii nabad iyo caano soo baxda, wax qora. Ma daalo. Ma nasto. Wuxuu qoray ciddaas ayay ka badan yihiin. Waraaqaha uu qallinka ku dhigay, waxa ay soo afaaf dhaafeen aqalka, tiro badnaantooda awgood. Qoraalladiisu, waxaa ay ku kooban yihiin isaga. Wali ruux kale indhaha kama qaadin, mana akhriyin.! Sababta uu sidaa u yeelayaana waxaa weeyi: wuxuu quudhsanayaa qallinkiisa.! Wuxuu ka baqayaa in haddii uu bulshada hor keeno la dhaleecayn doono. Hadda ba, haddaanad dadwaynaha soo gaadhsiin qoraalkaaga, yaad wax u qortaa? Ma adigaa wax isku qora?
Sida runta ah, cidda wax loo qoraa waa bulshada. waa la gu hagaa. Mar waa la gu haasaawiyaa. Mar, waxaa looga dhigaa ifiye ay iftiinsadaan oo ay ku arkaan haddimooyinka horyaal. Marna waxaa la gu qoraa, marba wixii waayuhu ku tuso ee aad u aragto inaan la ga aamusi karin; waa kii Abwaan Hadraawi lahaa:
“Maxaa qalinku sheekiyo
Qubanaha dharaartiyo
Kolba qodob la yaabliyo
Mahadhooyin qorayaa!
Mar haddii ay sidaa tahay na, waa in aad qoraalkaaga gaadhsiisaa dadweynaha. Waa inaad quudhsiga ka dhaaftaa qoraalkaaga. Waa in aad qoraalkaagan aad qolka ku xidhay, xorriyad isiisaa.! Ha gaadho dadka. Ha gaadho dalka. Ha ka gudbo baddaha. Ha ka tallaabo webiyada. Ha ka dhaco buuraha. Ha la kulmo carruur iyo cirroole ba.
Marka uu qoraagu gaadhsiiyo qoraalkiisa dadka, wuxuu ku talo-galaa labbo:
1. In qoraalkiisa la faalleeyo ama buuggiisa la gorfeeyo, dabeed loogu tago ceeb iyo godaloolooyin dul hogganaya.
2. In loogu tago hufnaan falsami iyo farshaxan ashaqaraar leh, laguna boggaadiyo wixii uu qoray.
Hadda ba, falcelinta dhaliisha ah ee kaaga timaadda akhristahaaga, ha u qaadan in la quudhsanayo qallinkaaga. Waxaa aad u qaadataa cashar. Waxaa aad u qaadataa in qofka gorfeeyay qoraalkaagu uu kuu buuxiyay meel kugu bannaanayd.! Taasina, waxaa ay wax wayn tartaa qoraaga,waayo, waxaa aad ka helaysaa shidaal iyo dheef kala ah:
1. Waxaa aad ogaanaysaa halka uu daadku uga soo gallay, waxaa aad qortay, ka dib, waxaa aad isku dayaysaa sida aad uga moosi lahayd.
2. Waxaa aad ogaanaysaa, wixii aqoonta dhanka qoraalka ah ee kaa dhiman; taana waxa aad isku dayaysaa sidii aad isaga kabi lahayd.
3. Waxaa aad arkaysaa, wixii ku hoos maray ee aanay garasho la’aan kaa ahayn ama uga tagin; waxa aad ku dawayn doontaa, fiirsasho, hubin iyo daganaan.
Ugu dambeyn, waxaa aad ogaataa in qof waliba uu yaqaano naftiisa. Wixii qoraalka ah ee kuu cuntami waayo, halkiisa ugu tag oo hagaaji wixii qalloocan. Qoraa, waxaa aan kuu soo jeedinayaa qodobaddan aad kaga bixi karto, quudhsiga qoraalkaaga:
B. Marka hore ba, aduu ha raadsan yasida ama dhaleecada( don’t seek criticism).! Ha isku furin albaada quudhsiga, iyada oo aanay jirin ba, wax ka qaldan qoraalkaaga.! Ku dhaqaaq wax qorista. Ku kalsoonow qallinkaaga.
T. Ku dhiiranow, inaad toos u abaartid, wixii ka qaldan qoraalkaaga. Samee indho-indhayn. Marka uu kusoo baxo, wax aad qawadsan tahay, waa inaad basrisaa (hagaajisaa).
J. La wadaag, qoraa kale, waxaa aad ka heli tallooyin ku gacan qabtee.!
Waxaa aynu sugnaaba waa qodobkii saddexaad oo inagu soo maqan.!
W/Q Maxamed Haybe Axmed

SHEEKOOYIN