Tuur, dhaqan qoraalka xun! W/Q Maxamed Haybe Axmed

Tuur dhaqan qoraalka xun!
Waxaa curtay sannad cusub. Waxaa galbaday sannadkii hore. Sidaa awgeed, wixii qaldamay gugii hore, maanta ma miyaad ku celin? Aan kuu saafo hadalkee, waxaa jira dabeecado xun oo dhanka qoraalka ah, inuu leeyahay QORAA kastaa.! Waa wax dhaca, iney qoraayadu ku kala duwanaadaan. Waa suuragal in qallin-maalku , dhaqan-qoraalka xun  mid ba in ama heer ka taagan tahay.
Mid baa dhowr leh. Mid baa labba leh. Mid baa mid kaliya leh. Dhaqan-qoraalka xun waxaa inta badan la kulma qallinleyda curdinka ah ee raad dhaqaajiska ah. Wuxuu ku noqdaa teed iyo darbi horyaal. Waxaa ay garanwaayaan, halkuu ka dhaqaaqi la’yahay qoraalkoodu. Waxyaabaha aan u aaneynayo in ay dhallinyarada qallinleyda ahi ula kulmaan dabeecaddahan, waxaa ka mid ah:
Iyaga oo aan qorayaasha waaweyn ka helin, wax sheeg iyo waano. Waxaa jira qoraayo leh aqoon ballaadhan oo dhanka qoraalka. Waayo-aragnimo durugsan oo baaxad leh, laakiin nasiib-xummo uma gudbiyaan qoraayadda da’da yar.! Tani, waa ta keentay in qoraayada socod-baradka ahi iney haftaan. Iney isdhiibaan ama ka tagaan iney wax qoraan. Maxaa qoraa yar, intuu dhaqan-qoraalka xun la kulmay, ka cararay wax qoristii ba.!
Hadda ba, sow waajib iyo xil ina saaran maaha in caddooyinka wax qorista xun, ineynu xiddidada u siibno? HAA dheh dee. garaadka ha waayin.
Waa kii Abwaankeenii weynaa ee Gaariye lahaa:
“Haddii guga kuu kordhaa
Gabow mooyaane ku tarin
Garaad iyo waayo’arag
Ileen wax ma dhaantid geed”.!
Sida uu Abwaanku tilmaamay, markuu sannad kuu kordho, waa in aad dhaxashaa, garasho iyo waayo aragnimo. Waxaa aan uga socdaa, qoraa ahaan, markuu gu’ kuu kordha ba, waa inuu kobcaa qoraalkaaguna. Waa in aad dhaqan-qoraalka xun ee sannadkii tagay la kulantay, aad beddashid sannadkan.  Goorahan, waxaa madaxaaga ka guuxayey, waxaa ay yihiin dabeecaddaha xun ee qoraayada soo wajahday? Dhaqan-qoraalka xun, waxaa aynu ku tilaami doonaa dhowr qodob. Bal aynu bilowno ee Bisinka inoo qabo.
Qodobka 1aad: inaad isbarbar dhigtid, qoraa kale!
Qoraayada qaar ayaa habdhaqan u tahay, iney isbarbar dhigaan qoraa kale. Sidee?
Marka ay akhriyaan qoraaga kale qoraalkii, eyey kooda na eegaan. Waxaa ay naftooda dareensiiyaan, in laga qoraal fiican yahay. Wuxuu aad u qawadaa sida uu wax u qoray.
Wuxuu aad u qiimeeyaa qoraaga kale. Waxaa markii ba, maankiisa ku soo booda su,aalahan:
Maxaa aan sidaas oo kale, wax ugu qori waayay? Maxaa aan sida hebel/heblaayo oo kale, wax ugu qori waayay? Kuwaa iyo kale oo la mid ah, ayuu ku karbaashaa qalbigiisa. Xannuun badanaa.!
Qoraa, aduu ma tahay dadka tilmaanta sare leh?
Waxaa aad niyadaada si dhaba u galisaa, in isbarbar dhiga qoraaga kale ay tahay sunta ugu halista badan ee soo wajahda qoraaga.!  Maxaa yeelay, adigu ma noqon kartid qof kale.
Qoraaga kale ee aad u hanqal taagaysaana, ma noqon karo adiga.!  Sida ayna shanteena farood u sinayn, ayayna aadamiguna u sinnayn. Markaa sidee, ku noqon kartaa qoraa kale?
Geesta kale, marka aad isku dherariso qoraaga kale, Wixii aad qortayna uu kuula muuqdo wax hoose, waxaa aad boqnaha jaraysaa kartidaadii. Waxaa aad gowraca ugu duugaysaa, hankaagii, hamigaagii iyo hadafkaagii.! Waayo, marka aad isdhinac dhigtay qof kale, sidiisii na aad noqon kari weyday, ma ba noqon kartide,waxaa kuu bilaabmaysa isdhiibid.
Wixii aad qori jirtayna, waxaa aad u aragtay wax qaab darran. Waadigaa iska joojiyay. Mar haddaad joojisayna, waxaa aad leedahay dhaqan-qoraal xun(bad habit writing).! Waxaa kugu imanaya warwar. Waxaa dhibane u tahay qof kale.! Waxaa indhahaaga ka soo dareeri doonta ilmo.! Ka joog ayaan ku leeyahay.
Dhinaca kale, waxaa jira sababo aanad iskula simi karin qoraa kale: waxaa la ga yaabaa inuu yahay qoraa  kaa da’weyn, wax qoristana ku soo dhex jiray waayo badan.  Taasina ay u keentay, inuu sameeyo qoraalka xariirta ah ee aad ku dhagtay. Horaa loo yidhi:’Nin gu’ kaa wayni, gu’ baas kaa wayn”. Wax kale ma jiraane, Adeer waxaa aad aragtay, qoraal nin wayn.!
Ma garan kartid, wuxuu rafaad iyo dhibta uu usoo maray, qoraalkiisan aad iska gaclootay. Ma qiyaasi kartid, siduu ugu soo dadaalay iyo halka ay iska la soo dhaceen, qoraalkiisan qiimaha leh. Ma waxaa aad moodaysaa in qoraagan cajiibka ahi, intuu aayar meel fadhiistay, waxna qorqoray, sidaa ku soo saaray qoraal wanaagsan? Waa MAYA. Wax fududi ma jiraane, ammin badan ayuu ku bixiyey.! Sidaa awgeed, adiga oo ah qoraa cago-baruura, socodkana aan baran, waqtina aan siin wax qorista, ma sinaan kartiin qoraaga kale.! Soomaalida ayaa tidhaa: ” maad dhalanine, dhowrtaysan ogi daa”. Waxaa aan uga gol leeyahay, qoraa cusub baa tahaye, maxaa aad la quudi qoraaga gaamuray.!
Bal doc kale aynu eegno haddanee, waxaa aan ku tusi wax kaa qarsoon. Waxaa aad akhriday buug qoraa kale leeyahay. Wuu ku cajab galiyay. Waxaa aad ka yaabtay, siduu ugu farayaraystay. Sadarka aad akhridaa ba ka kale daran. Bal ba baal ayuu kuu dhiibay. Dhan wal ba waad ka eegtay. Waa dhammays aan dhaliil lahayn. Waxaa aad barbar dhigtay, buugii aad dhawaan soo bandhig islahayd oo hadda gabagabo ku dhawaa. Sidii caadada kuu ahayd, waxaa markii la soo booday:
Bal eeg, waxaa ay dadku qorayaan iyo waxaa aan qoray anigu. Ma buugga noocana ayaan dadka la hortagi. Waadigaa iska joojiyay, buugii dhammaadka ku dhawaa.! Waxaa aan odhan karaa, waxaa aad leedahay dhaqan-qoraal xun.! Horaa loo yidhi, “Illaahow nin aan wax ogayn, ha cadaabin”. Waxaa aanad bal ogayn daaha kaaga rago. Waxaa aanad ogayn in buugan aad ka maseertay aanu kaligii qorin qoraagu.! Kalidii yaa? Haa.
Mar labbaad ayaan ku leeyahay, qoraana kalidii buug ma soo saaro.! Waxaa aad aragtuun qoraaga oo magiciisa la gu dul xardhay buugga oogadiisa, laakiin waxaa aanad ka war qabin in buugga uu helay tafatire. Wuxuu ka qabtaa shaqo balaadhan. Isagaa hagaajiya. Isagaa hufa oo haadiya. Intuu saxarka iyo Isha ka bixiyo, dhisa oo dhiibiya. Waxaa intaa u dheer, inta aqoonyahan fikrad ku darsata. Jaldiga buugga ee quruxda badan, waxaa huwisay Cid kale. Magaca uu buugu ku laafyoonayo, waxaa la ga yaabaa in qof kale u bixiyay, qoraaguna ku raacay. Hadda ba, ha u dudin buugga intaa qof gacanta ka gaysteen oo ha ka dudin kaagan, aan cid kale far saarin.!
Maxaa la odhan jiray, horta? “Haddii, dayaxa la waayo, hee; xidigahaa la gu gudaa”. Waxaa aan uga socdaa, haddii ay kaaga dhagtay uun, inaad qoraa kale isbarbar dhigto, bal dhinac kale eeg oo naftaada isbarbar dhig aduu.! Aan kuu jilciyo. Waxaa aad isbarbar dhigtaa, qoraalkii sannadkii hore aad qortay iyo kan aad sannadkan qortay qortay. Iswaydii: maxaa kuu kordhay? Ma sidii sannadkii hore, ayuun baad wax u qortaa, mise wax badan ayaad saxday ?  Habkani, waa sida kaliya ee aad ku badbaadi karto.!
Hadda eeg, la ma diidana in aad qoraayada kale, ka faa’iidaysato oo aad fiiriso, sida ay wax u qoreen. Habka ay adeegsanayaan, gudbintooda, farshaxankooda,  heensaha iyo halabkooda, qaabka ay erayada isku saar saareen, balse, waxaa la diidan yahay horaan u soo sheegnay, wax ba la gu noqonmaayo.!
Waxaa la yidhi:” hadal na sii dheh baa dillay”. Hadalka la sii dheereeyaa wuu dux iyo duluc beelaa. Waxaa aan ku soo af meerayaa in aad ka fogaato, inaad isbarbar dhigto qoraa kale, qoraalkaagana intaad aad quudhsato joojiso. Waa dhaqan-qoraal xun(bad habit writing) ee fogow.!
Waxaa aan sugnaa ba, waa qodobka 2aad oo aynu dul marno.
W/Q Maxamed Haybe Axmed

SHEEKOOYIN