U DHAMMEEY KHAALID! W/Q: Cabdisalaan Ceeryaamo

U DHAMMEEY KHAALID! 

Waa dhacdo waalli ah balse ay sheekadeedu aad u xiiso badan tahay marka looga sheekaynayo qoraal ahaan ama xitaa werin toos ah, hadba tii la doono.Waxaa lagu tiriyaa Sheekooyinka Sirdoon kuwa ugu xamaasadda badan ama ugu dhakafaarka badan, taas oo ku hilan dhowr dhacdo oo isku-aaday balse mid qura ka tafiirmay, kawaas oo gil-gilay Bariga Dhexe iyo meelo kale oo ka baxsan. Waa mid ka mid ah howl-galladii daahsoonaa ee dayaxa ka caddaaday markii ay guul-darraysteen ka dib, kuwaas oo bahda Sir-doonka ku ridday anfariir iyo Af-kala-qaad.

Dhex-bartamihii sagaashamaadkii, Israa’iil waxaa dhan walba ka soo balleeyay weerarro xoog badan, qaraxyo la qorsheeyay iyo gantaallo si is-xig-xigta loogu shalwinayay dhulka ay xoogga ku degganyihiin ee reer Falastiin iyo xitaa magaalo-madaxdooda Talaabiib.Howl-galladaas, waxaa fulinayay dadka shacbiga ah ee reer Falastiin iyo xitaa garabyo ciidan oo ay ku tashadaan, kuwaas oo ay ka mid yihiin Al-kataa’ib iyo qaar kaloo badan. Laba weerar oo ay isku maalin Xamaas ka kala fulisay Qadus iyo Talaabiib, waxaa ku dhintay labaatan askari oo Yuhuud ah, boqollaal kalena waa ay ku dhaawacmeen sida ay saxaafaddu werisay. Reysul-wasaaraha Israa’iil Benjamiin Natanyaahu ayaa kulan deg-deg ah isugu yeeray xoogaggii ammaanka ee dalkaas oo ay ku jirto kooxda howl-gallada qarsoon ee Moosaad. Ujeeddadu waa ay caddeyd, kulankuna waxa uu daarnaa Aarsi xun oo looga cad-goosto madaxda ugu sarreysa Xamaas. Madaxdaas waxaa ka mid ahaa: Khaalid Mishcaal iyo Muuse Muxammed Abuu Marsuug, oo labaduba ahaa madaxda sar-sare ee garabka Xamaas—Markii loo dhiibay liiska labadaas nin, Natanyaahu waxa uu durba aqoonsaday Muuse Maxamed, halka uu isla markaasna meesha ku bartay Khaalid Mishcaal. Xoogaggii Moosaadna waxa uu ku amray in loo dhammeeyo Muuse Abuu Marsuug. Moosaad waxa ay tiri “ Okeey! Laakiin waa in aad ogaataa in Muuse uu yahay Muwaaddin reer Maraykan ah, in si fudud lagu qaarijiyaana aanay fududayn, laakiin Khaalid la heli karo, xogtiisana la haayo” Dabadeed, Nantanyaahu waxa uu sidaas ku go’aansaday in la dilo Khaalid Mishcaal. Sheekooy sheeko!

1994-tii, Israa’iil iyo Joordan waxa ay kala saxiixdeed heshiis nabadeed (peace Treaty) ka gadaal markii colaaado badan looga soo abaabulay gudaha dalkaas oo ay ku xooggantahay kooxda Xamaas, sidaas oo kalena ay xitaa madaxdoodu degganyihiin. Waxaa kale oo meesha ku jirtay colaad in muddo ah dhex-taallay labada dal, Ku darsoo waxaa Joordan ku nool Khaalid Mishcaal oo ah ninka haatan ay Israa’iil dooneyso, qaarijintiisa.

Heshiiska ay labada waddan galeen waxaa ku dhignaa: in dalba dalka kale uu ixtiraamo: madaxbannaanidiisa dhuleed iyo tiisa cireed, diblumaasiyaddiisa iyo nabad-gelyadiisa. Heshiiskaas, waxa uu dhibaato wayn ku ahaa kooxda Moosaad, maaddaamma howl-galladoodu ay amniga iyo madax-bannaanidaba ka soo hor-jeedaan. Waxaa billawday xiriir aad u qiimo badan balse curdin ah oo ay yeesheen labada dal, kaas oo ka caaggan rabshadaha.

Boqor Xuseen oo markaas maammulayay Joordan, waxa uu ahaa nin ay dublumaasiyaddiisu aad iyo aad u sarrayso. Sidaas darteed, gobolka iyo bannaankaba waxa uu ku lahaa saaxiibbo aad u fara-badan. Saaxiib dhow ayuu la ahaa Xamaas, sidaas oo kalena waxa uu saaxiib la noqday Israa’iil—labadooduna waxa ay isku ahaayeen dab iyo baasiin—Boqor Xuseen, waxa uu door wayn ka ciyaaray sii dayntii Muuse abuu Marsuug, oo Maraykanka lagu xiray bartamihii sagaashameeyadii, markii la soo daayayna qasrigiisa ayuu ku qaabbilay. Sidaas oo ay tahay, kooxda Moosaad waxa ay qorsheysay laba safar oo ay ku tegayaan dalka Jordan—wareegga hore ee safarku waxa uu daarnaa xog-uruurin, kan labaadna sidii qorraxda iyo dayaxa looga qarin lahaa Khaalid Mishcaal.

Maarso, 1997-dii waxaa dhaawacmay xiriirkii dhowaan-galka ahaa ee labada waddan, ka dib markii xoogagga ilaalada xudduudaha ee Joordan ay mar qura dileen toddoba gabdhood oo arday iskuul ah oo u dhashay Israa’iil, kuwaas oo marayay meel u dhow soohdinta labada dal ay wadaagaan. Dilkii gabdhahaas waxa uu cadaadis dublumaasiyadeed saaray Joordan, waxa ayna taasi soo dedejisay shirqoolka Khaalid Mishcaal. Hoggaamiyihii Moosaad Danny Yatom ayaa durbadiiba qaatay go’aan deg-deg ah oo loogu dhammaynaayo hoggaamiyahaas sare ee Xamaas, isagoo ka faa’iidaysanaya dhacdadii soohdinta.

25-kii Septembar 1997-dii lix nin oo wata baasabboorka Kenediyaanka ah oo ka kala yimid: Toranto, Baariis iyo Amistardaam ayaa isku mar ka soo degay garoonka diyaaradaha ee Boqor Cali ee dalka Joordan. Waxa ay gudaha u soo galeen caasimadda Joordan ee Cammaan, waxa ayna si gaar ah u balleeyeen safaaradda yuhuudda ee dalkaas. Dhanka kale, isla subaxdaas—Goor ay barqadii tahay—waxa gurigiisa ka soo baxay Khaalid Mishcaal, saddex carruur ah oo uu dhalay iyo darawaalkiisii, ahaana waardiyihiisii gaarka ahaa. Sababta uu carruurtaas u soo kexeeyay waxa ay ahayd in tinta loo soo jiro, oo guriga lagu soo celiyo—Laakiin maxaa dhacay?

Cabbaar markii ay socdeen, ayaa gaari aad u yari soo daba-galay. Waxaa saarnaaa laba nin oo xiran ookiyaalo mad-madow. Dhowr jiiro oo ay galeen, bay ka daba-galeen. Waxaa in badan shakiyay darawalkii Khaalid, wuuna la wadaagay in uu gaari daba-joogo. Dareen badan lama qaadin, maxaa wacay suura-gal uma ahayn Moosaad iyo Israa’iil in ay Cammaan dhexdeeda fal ka gaystaan. Cid taas ka cabsi qabtayna ma ay jirin.

Xafiiska Khaalid oo meel suuq ah ku yaallay ayuu ahaa yoolku, dhismihii ayayna soo gaareen. Meel wax yar u jirta ayaa labadii nin gaariga soo dhigteen, iyagoo iska dhigaya wax suuqa gelaya, ayayna meel hortooda ah isla istaageen. Khaalid oo weli gaarigii ku dhex-jira ayaa is-tuhmiyay, islamarkaana ka laba-labeeyay in uu dego iyo in kale, si kastaba ha ahaatee, bannaanka ayuu u soo degay. Sallaankii hore ee suuqa ayuu soo fuulay, waxaana gadaal ka socday darawalkiisii, ahaana waardiyihiisii. Labada nin oo markoodii horeba meesha taagnaa, ayaa saanta ka soo daba-boobay, markii ay dhaafeen. Mid ka mid ah waxaa gacanta oo dhan ugu duubnaa faashad cad, waxa uuna iska dhigayay qof gacanta ka jaban. Kii gacanta faashaddu ugu duubnayd ayaa soo orday, oo dhegta bidix ee Khaalid gacantiisa midig saaray. Waardiyihii ayaa gacanta ku dhiftay, dabadeedna gadaal ayay u carareen—Ninka gacanta ka duuban, waxaa faashadda ugu hoos-jirtay sun, taas oo uu ku buufiyay dhegta Khaalid Mishcaal—Waa mid ka mid ah Dhaqannada xun-xun oo ay Moosaad isticmaasho, kaas oo loo heystay in dunidu ka guurtay.

Waardiye kale oo ka mid ahaa ilaalada Khaalid ayaa isagoo aan ogeyn sheekada, ku soo beegmay goobtii dhacdada, arkayna niman sii ordaya. Waa uu ka daba-orday, dabadeed mid ka mid ah ayuu laad kala daalay, nasiib-darradiise gacan kuma uusan dhigin. Nimankii gaari meel ugu baakinnaa ayay ku dheceen, markaas bay laamiga afka saareen. Waardiyihii ayaa arkay gaari dadwayne oo meesha maraya, dabadeed inta dadkii ka dejiay ayuu laamiga afka ka daba saaray. Faashaddii inta iska fureen, ayay tureen, gaarigiina waa ay ka degeen. Iyagoo tartiib isaga alaalaxaya, ayuu ku soo ag-degay markaas bay meel beer ah uga carareen. Wuu ka daba-tegay, dabadeedna feer ayaa meeshaas ka dhacay iyo dagaal qaraar oo dhiigga layska qubay. Iyagoo isku belaysan ayuu ku soo baxay askari ka tirsan ururka Xamaas oo jidka marayay, si uu u ogaado waxa ragga isku diray. Waardiyihii waxa uu ku qayliyay in ay Moosaad yihiin, oo ay dilil rabeen Khaalid Mishcaal. Halkaas marka ay sheeko marayso, nimankii inta xir-xireen ayay gaari ku rideen, markaas bay geeyeen saldhiggii Booliiska ee ugu dhowaa, kuna war-geliyeen waxa ay yihiin. Booliisku baaritaan ayay ku sameeyeen labadii nin, waxa ayna ku war-geliyeen in ay ugu yeerayaan safaaradda Kenada, maaddaamma ay wataan baasabboorrada dalkaas; haseyeeshee waa ay diideen.

Maqribkii, 25-kii Sebtembar 1997-dii hoggaamiyihii dhanka siyaadadda ee Xamaas Khaalid Mishcaal oo miir la’ ayaa la dhigay Isbitaal ku yaalla caasimadda Joordan ee Cammaan. Gelinkii hore ee maalintaas laba nin oo ka tirsan haayadda Sirdoonka ee Yuhuudda, ayaa dhegtiisa bidix ku sii daayay, sun la doonayay in nafta looga saaro. Dhaqaatiirtu waxa ay ku dadaalayeen in ay fahmaan dhibaatada Khaalid iyo sababta uu u sii xumaanayo hab-dhiska neefsigiisu. Boqorkii Joordan ee xilligaas—Boqor Xuseen—Durba waxa uu fahmay sheekada, waxa uuna isagoo caraysan la xiriiray madaxwaynihii Maraykanka Kilintoon, waxa uuna ku war-geliyay waxa ay Israa’iil samaysay. Kilintoon, waa uu rumeysan waayay arrinkaas, aad ayuuna uga xanaaqay waxa ay Israa’iil ka samaysay gudaha Joordan. Boqor Xuseen, waxa uu ka dalbaday Kilintoon, in si deg-deg ah loogu keeno wixii sunta looga soo saari lahaa—Antidote— Khaalid Mishcaal, haddii uu sidaas ku dhintana ay la dhiman doonaan wada-hadalladii iyo waan-waantii Bariga Dhexe.

Kilintoon waxa uu isku deyay in uu taleefoon ku wada-hadalsiiyo Boqor Xuseen iyo Natanyaahu, balse boqorkii waa uu diiday in uu la hadlo. Yuhuuddu ma aysan lahayn doorasho kale, oo aan ahayn in geeyaan waxa laga sugayay, mana jirin sabab loo wada hadlo. Markii ay taladu sii calawday, boqor Xuseen waxa uu amray in la hareereeyo safaaradda Israa’iil ee Joordan, islamarkaasna waxaa safaaradda lagu xog-siiyay in la weerari doono saqda dhexe, haddii aanay inta ka horraysa soo gacan-gelin waxii laga sugayay. Danjirihii xilligaas ee Israa’iil waxa uu ku dooday in ay safaaraddu ka mid tahay dhulkooda, sida uu qabo heshiiskii Janeefa—kaas oo sheegayay in safaaradda dal walba ay ka mid tahay hantidiisa dhuleed, sidaas darteedna aanay dowladuhu ku xad-gudbi karin—Sidaas awgeed waxa uu ku dooday in Joordan aanay soo weerari karin. Laakiin Joordan waxa ay u sheegtay in uusan difaaci doonin heshiiskaas, maaddaamma ay iyaguba ku soo xad-gudbeen dhulkooda iyo dadkooda.

Isla habeenkaas, waxaa Talaabiib—Caasimadda Israa’iil—Ka soo duulay tilayaha guud ee Moosaad Danny Yatom, waxa uuna siday maaddadii sunta looga saari lahaa Khaalid Mishcaal, taas oo uu ku wareejiyay Safaaradda. Safaaraddu waxa ay maaddadii ku wareejisay Joordan— in kastoo ay markii hore diideen in ay sharraxaad dheeri ah ka bixiyaan dabeecadda maaddada iyo waxa ay ka samaysantahay, iyagoo ku doodaya in ay tahay hanti dal leeyahay “State Asset” haddana waa ay ku qasbanaadeen in faah-faahiyaan.

Isla-markiiba, waxaa maaddadii lagu muday Khaalid Mishcaal, durbana is-beddel fiican iyo soo kabasho ayaa laga dareemay, wixii intaas ka dambeeyay Khaalid waa uu bogsaday, laakiin saxaafadda iyo dhammaan dadka kale waxba kama ogayn sababta bogsashadiisa.Sidaas oo kale war looma hayn, arrimaha daaha gadaashiisa ah ee socday.

Ugu dambayntii, xukuumadda Joordan waxa ay dalbatay in Maxaabiista lays dhaafsado, dhankeeda waxa si gaar ah u dalbatay in la soo daayo Sheekh Axmed Yaasiin—Aas-aasihii ururka Xamaas—iyo in ka badan 50 qof oo reer Falastiin ah, kuwaas oo ku xiran xabsiyada xukuumadda dulmiga badan ee Talaabiib—Yaasiin waxa uu ahaa nin hadal adag oo si wayn u taageeri jiray ciidammadda wax-iska-caabbinta ee Falastiin, 1989 ayayna xabsi daa’in ku xukuntay Israa;iil— 30-kii Sebtembar 1997-dii, shan maalin ka dib shiqoolkii Khaalid Mishcaal, waxaa Cammaan laga soo dejiyay Sheekh Axmed Yaasiin, aas-aasihii Xamaas iyo maxaabbiis kale, waxaana xusid mudan in lagu keenay diyaarad dagaal oo Helikobtor ah, dhanka kale waxaa isla diyaaraddaas lagu qaaday lix kale oo sir-doon ah oo ay ku jiraan labadii xirnayd, sidaas oo kalena waxaa ciidammadii laga dul-qaaday safaaradda Israa’iil.

Heshiiskaas maxaabbiista lagula kala wareegayay, waxaa loo yaqaanna heshiiskii Dublumaasiyadeed ee Helikobtorta “Helicopter Diplomacy“. Sheekh A. Yaasiin, waxaa la dhigay isbitaalkii uu yaallay Khaalid Mischaal, si halkaas loogu dabiibo, imaanshihiisiina waxaa dadkii soo dhoweeyay ka mid ahaa boqor Xuseen, waxa uuna war-baahinta u sheegay in uu yimid dalkiisii labaad, sidaas oo kale waxaa booqasho ugu yimid madaxwaynihii Falastiin, Yaasir Carrafaad, dhabannada iyo foolka ayuuna ka dhunkaday, isagoo dhabar-dhabar u jiifa sariirtii lagula tacaalayay.

Hal isbuuc oo la dabiibayay, Sheekh Yaasiin markii uu bogsooday ka dib, waxa uu la hadlay war-fidiyeennada, isagoo doonayay in uu u soo duulo Qasa. Weriyeyaasha waxa uu u sheegay, in uu doonayo in uu dib urko carradii, hawadii iyo geedihii Qasa. Sidaas oo kale waxa uu sheegay in uu doonayo, in uu dib u arko Masaajidkii waynaa ee Al-Aqsa. Boqor Xuseenkii Joordan, oo boqollaal dad ah la hadlayay, ayaa sheegay in cadawgu isku deyay in ay shir-qoolaan mid ka mid ah wiilashooda, balse waxa uu sheegay in ay sida ugu habboon uga war-celiyeen arrinkaas. Dhanka kale, waxa uu dad-waynaha u sheegay in aysan weligood qaadan doonin falal sidaas oo kale ah, ayna isku xiranyihiin xasilloonida Bariga dhexe iyo dhiigga muwaaddinka reer Joordan—Oo bariga dhexe uusan nabad ahaanayn, haddii la waayo hal qof oo reer Joordan ah. Xogtaan, waxaa baahiyay Muuq-baahiyaha Aljasiira, gaar ahaanna barnaamijka loo yaqaanno Aljazira Investigation—waxaana ciwaan looga dhigay KILL HIM SILENTLY—Sidaas oo kale, waxaa kitaab wayn ka qoray, qoraaga la yihaardo Paul Mc Geough oo ah saxafi u dhashay Ustareelliya, isna waxaa kitaabkiisa la yiraahdaa DIL KHAALID.

W/Q: Cabdisalaan-Ceeryaamo

NAGA LA SOO XARIIR:

laashin77@gmail.com

admin@laashin.com

SHEEKOOYIN

Cart
  • No products in the cart.