“U Maciin Macbuudow” Maansadii 11AAD ee Silsiladda MIDNIMO

Untitled

Maansada; U Maciin Macbuudow

Waa maanso ka mid ah silisladda midnimo ahna maansadii 11AAD ee silsiladda. Marka laga soo tago inay sii xoojinayso  MIDNIMADA waa ALLE BARI, DUCO iyo ALLE TUUG, waxayna ku billaabatay sidan;

Maansada; U Maciin Macbuudow

 

Miinleey maslaxadleey

Magacii midnimaleey

Mohashadii xorriyoleey

Midowgii waddanileey

Murti iyo mahmaahleey

Mirihii abwaanleey

Majmacii wax garadleey

Madag iyo makaableey

Marraag iyo mareegleey

Muraal iyo hal midanleey

Mowqif iyo go’aanleey

Mabda’ iyo magtabaleey

Miisaan iyo macquulleey

Maamuus rumaadleey

Maqaal iyo madbacadleey

Magool iyo man ubaxleey

Miski iyo musbaaxleey

Malab iyo maluudleey

Muujiya mid noo roon

Maanaca mid noo daran

Maansada muggeediyo

Meerisyada farshaxankiyo

Mowduucyadaadiyo

Macnahaaga guud hadal

Midka anay u muuqane

Hadal malaggi galay iyo

Madadaalo sheekiyo

Maaweelo moodaye

Sahlanaan ma garashada

Mooyi mooyi kugu yiri

Ama waa mutuxaniyo

Muuqay maqane joogiyo

Mugdi meeldhow eegiyo

Maqaraaruf maangaab

Ama waa madhuudhaa

Mar-mariig sanaayoo

Maskaxdii ka gubatoo

Caqligii masaxan yahay

Ama waa mid malax iyo

Mirir aan go’ayniyo

Cudur miir dabooliyo

Qabiil madaxa kaga jiro

Mid kastaba u daayoo

Ha is maahsho weligiis

Ha meereeysto meelaha

Runta maro ha saaroo

Madmadoow ha geliyoo

Been ha soo mirkiciyee

Miimleeyda curataay

Waxaad maranayaashaas

Kaga maarantaa jira

Inta xumaha mayrtiyo

Maqaawiir abwaanbaad

U macsuuman tahayoo

Midigtaada joogee

Ha u bixin magaratada.

 

Afartaas ma, iyo alif

Macne miraha geegaar

Arar loogu magacdaro

Iyo gogoldhig miisaan

Ku xir meeriskeedoo

Midnimooy midkale hoo.

 

Ninba maalistii culay

Garaadkiis muraad hadal

Waase miilo bahashuye

Mar labaad mareegdheer

Aan ku celiyo miinleey

Aan mitiriyo taariikh

Aan xaqiiq marqaha furo

Runtu marag ha maashoo

Beentu meel ha waysee

Aan marriimo maasada

Baryo MOWLE EEBBIYO

Aan duco  ku mayroco

Masiibada dhacaysiyo

Balaayada ka magangalo.

 

Miratada adduunyadu

Waxay maararowdoo

Hadba midabbo huwatoo

Kolba meel ku hoyataba

Shiidii maalmaheediyo

Inay muddo dhammaatoo

Mahdigii la joogoo

Madashii Qiyaamaha

Milageedi soo galay

Wax marqaatigeedaa

Moodleeydi baqashiyo

Muunkii dameerbaa

Mergi wayne awr iyo

Ka mudnaaday faraskii.

 

Midda kale waxay tahay

Raggiibaa masuul iyo

Milgadii ninnimadiyo

Meeqaanba gabayoo

Miisaamid sheekiyo

Murti aan hadlaynoo

Maslaxaad garsoor iyo

Aan marqaati gelinoo

Iska jooga minankoo

Laayacay middoodii

Dumarkibaa masruufkiyo

Marashida bixinayoo

Maamulkii xil qaatoo

Shaqadii ku maqanoo

Midigtood la dhowrtaa.

 

Midda kale waxay tahay

Xaqii maro la saarsaar

Dulmi mehered laga dhigay

La mamnuuc wanaaggii

Xumaan muruqa loo kuus

Nabad maya la wada yiri

Colaad loo middiya sahay

Mid la dilay ma uu garan

Waxa uu masiibiyo

Ku mutaystay madax jarid

Kii makalayna muu garan

Waxii uu ku maagiyo

Wuxuu waranka ugu mudey!

 

Waa miir la’aan carar

Waa maal adduun raac

Waa manfaco nafta u xoor

Waa adigu is midig goo

Ee cadaw marti u noqo!

 

Afartaas mardimo iyo

Madanaha ku jiidaye

Midnimooy midkla hoo.

 

Haddaan mowdku kaa qaban

Nafta maahtankeediyo

Hawo waa ma guurtoo

Mintid weeye weligeed

Macnihiyo ujeeddada

Maalmaha inoo haray

Mushkiladda wareerkiyo

Mashaqada dhibaatada

In ILAAH na mootiyo

aan ducada meershee

Aamiinsha marar badan

Muslimiinta dunidoow.

 

Ma’da kama dambaystaa

ILAAHII maamulkiisiyo

Maqaadiir awooddiyo

Meeshuu ku sugan yahay

malo iyo qiyaas iyo

Metel iyo tusaaliyo

Maskax aadmi gelinow

ILAAHII mar hore iyo

Mar dhexiyo markaaniyo

Mar dambaba jiraayoow

ILAAHII cirkaan mumay

Masaabiixda qamarkiyo

Milicdaas cadceeddiyo

Samadaas madoow iyo

Daruuraha dhex marayiyo

Hawadaan macaan iyo

Marwaxadaha layrtiyo

Maalintiyo habeenkiyo

Mugdigiyo iftiinkiyo

Meeraha sameeyoow

ILAAHII makaan ciid

Masallaha arlada iyo

Buuraha melmelan iyo

Dhirta munawacaa iyo

Webiyaal mugwayn iyo

Ceesha maaxanaysiyo

Madar roob na siiyoow

ILAAHII malyuumaad

Mi’atayn malaayiin

Makhluuqaad ka tira badan

Maarkadooda kala duway

Malaa’iigta duushiyo

Wax berriga mirsanayiyo

Wax bad muutanneeyiyo

Waxaan muuqanaynoo

Maqalkooda haynniyo

Waxaan milicsi aragniyo

Waxaan moognahoo jira

MACBUUDKII abuuree

midba midab u yeeloow

ILAAHII  biyaha madi

Macnawiga dhexgelyoo

Maaddada qarsoon iyo

Mini naga abuuroow

ILAAHII min hooyiyo

Uurka nagu masruufoo

Mar labaadna dhalashada

Inagoo mutuxanoo

magac aan lahaynoo

Xuub iyo mandheer huwan

Oon meel is mari karin

Dambar malabka naasaha

Misna nagu anqariyow

ILAAHII mergiyo daqay

Maqaar iyo mud iyo jiir

Calooshiyo mindhicirkiyo

Midig bidix gacmaha iyo

Miskihiyo majiyo lugo

Isha muuqa araggiyo

Dhegta maqalka qabatiyo

mMuruq iyo lixaad iyo

Mucjisiyo karaamiyo

Maskax miirka garashiyo

Caqli nagu mannaystoow

ILAAHII mataacdiyo

Minankaan ku hurudniyo

Miyi iyo magaaliyo

Marso iyo maddaar iyo

Waxaan muudsanayniyo

Mirahaan cunayniyo

Xoolahaannu maalniyo

Mawaashida na siiyoow

ILAAHII marxalad nolol

Nafta madal na geliyayer

Misna mowdka geerida

Xaqa muran la’aaneed

Noo muddeeyey Aaqiro

Makhluuq uu sameeyiyo

Marti dhawranaysiyo

Magantiis ahaynoo

Mahaddu u sugnaatoow

MAALIGGII na uumaye

WAAXID mida ahaayee

Milkigoo dhan yeeshaye

Mashruucuu ku talagalo

Cidna maanacaynoo

Mirir qura hirgeliyoo

Mid kastaba awoodoow

Baryaheenna meel mari.

 

ALLAHAYOW MACBUUDOOW

AL-MAALIKUL QUDDUUSOW

AL-MUMINUL CAZIIZOW

AL-MUJIIBU DACWAADOW

Wax ma ogada, soomaal

Midmid bay u dirirtoo

Mishigaanya miiniyo

Madfac maar Ibliis tumay

Magli iyo middiyo iyo

Mudacyeys ku dooxdoo

Waa is midabbo soocdoo

Murun iyo ismaag iyo

Mu’aamarad siyaasiyo

Mishin iyo shirqool iyo

Majaxaabo hoosiyo

Mixnad baa dhextaallee

ALLAHAYOW Maslaxad iyo

Muwaafaqo heshiisii.

 

ALLAHAYOW MACBUUDOOW

AL-MAALIKUL QUDDUUSOW

AL-MUMINUL CAZIIZOW

AL-MUJIIBU DACWAADOW

Wax ma ogada soomaal

Hoggaamiye magaagiyo

Mooryac maan gurracan iyo

Moogiyo manexe iyo

Mooryaan marqaantiyo

Mayd baartayaal iyo

Mucsar dhiig macaashiyo

Muhdigaa u talinaya

ALLAHAYOW Ka magan geli.

 

ALLAHAYOW MACBUUDOOW

AL-MAALIKUL QUDDUUSOW

AL-MUMINUL CAZIIZOW

AL-MUJIIBU DACWAADOW

Wax ma ogada soomaal

Way musaafir carartoo

Meehannaaw wareertoo

Meer-meer wareegtoo

Marba meel ku hoyatoo

Marti cadaw u noqotoo

Muusannaaw dhaaqdoo

Aadmigu ku maadsaye

U miciin ALLAHAYOOW.

 

ALLAHAYOW MACBUUDOOW

AL-MAALIKUL QUDDUUSOW

AL-MUMINUL CAZIIZOW

AL-MUJIIBU DACWAADOW

Wax ma ogada soomaal

Mujrim iyo maqruum iyo

Mufsad iyo majnuun iyo

Mahlig iyo malcuun iyo

Majuus baa shiqooshoo

Dhulkiibay mitirisoo

Meegaar xuduud iyo

Mooray  xir-xiratoo

Mandaqado qabiil iyo

Maamul gobol ku sheeg bey

U mudmudatay calammoo

Malxiisyadii gumaystaha

U mashxarad sacbinayiyo

Maqaarsaarradiibaa

Mid ka daran middii hore

Mugdi sii dhex geliyoo

Waa la maanyo geeyaye

ALLAHAYOOW mataaneey!

 

ALLAHAYOW MACBUUDOOW

AL-MAALIKUL QUDDUUSOW

AL-MUMINUL CAZIIZOW

AL-MUJIIBU DACWAADOW

Wax ma ogada soomaal

Mashxaradda qabiilkiyo

Hanka mala’awaalkiyo

Mohashada silloon iyo

Malabsiga is moodkiyo

Madanaha dirsoociyo

Madax geeriyaadkiyo

Madmadowga kala galay

ALLAHAYOW ka wada mayr.

 

ALLAHAYOW MACBUUDOOW

AL-MAALIKUL QUDDUUSOW

AL-MUMINUL CAZIIZOW

AL-MUJIIBU DACWAADOW

Wax ma ogada soomaal

Shaydaanbaa muquunshoo

Macruuf kuma hadlaysoo

Munkarbay ku dooddoo

Wey malo habaawdoo

Musxafkiyo minhaajkiyo

Macluumaadka diintiyo

Waajib muqdadaskaagiyo

Furqaan way ka maagtoo

Kitaabbada Masiixiga

Maqaal laga minguurshiyo

Dastuurbay magmaagtoo

Mooshin bey macsuumtaye

MACBUUDOW ALLAHAYOW

Xaqu meeshuu jiro iyo

Siraad muustaqiimkiyo

Ku duw marinki toosnaay.

 

Aamiin Macbuudoow.

 

Curiye;

Maxamed Xuseen Faarax

SHEEKOOYIN