Ubad la aayatiin tiray Q1AAD W/Q: Nasra Maxamad Axmad

14936887_1230754836967717_1112247124_n

Ubad la aayatiin tiray Q1AAD

 

Marka laga hadlayo mustaqbalka ummad ama horumarkeeda, waxyaabaha ay ku dhisantahay waxaa ka mida dhalinyaradeeda ama jiilkeeda soo koraya, sidaa darteed, waxaan halkan ku xusi doonaa halkay arrintu is ka la’dahay, haddaan nahay soomaali.

Ummadi waxay ka koobantahay guri ay ku nool yihiin hooyo, aabe iyo carruur “QOYS”, guryahaas oo isu tegay, ayaa waxay sameeyaan BULSHO horey u marta ama mid balanbaashay Soomaali oo kale.

Ninka caalimka ah ama noqday mid wax ku soo kordhiyay caalamka ama noqday mid noloshiisa wax ku kordhiyay, mararka la weydiiyo yaa kugu dhiirrigeliyay howshan ama xaggee kaga dayatay? Wuxuu yiraahda; reerkayaga ayaa ii sahlay jidkan ku gaari lahaa ama macallinkeygii dugsiga oo i arkay, inaan ku wanaagsanahay howshaa, wuxuuna mar walba dhegihiisa lagu shubaa “HA DAALIN, WAAD GAARI DOONTAAYE”. Dhibbane aan hadli karin.

Caruurteennii waxay waayeen waxay xaqa u lahaayeen, oo ay ugu horreyso carruurnimadoodii ay ka heli lahaayeen khibarado badan iyo xasuustoodii yaraanta sababtuna waxay tahay qodobbadan soo socda;

1- Qoysaska dalka ku nool madaxa qoyska (aabbaha) waxa uu ku fekeraa nolol maalmeedkii, hooyadiina waa horey sii fadhiisatay suuqa. Waa reeraha nolosha is la baadigoobayee, halkaa waxaa ku dhumay carruurtii amaba islaanta kaliyaa reerka u cararta, odayguna fadhi ku dirirkuu u shaqa tagaa, macallinkii dugsigana wuxuu ku mashquulsan yahay tirada soo gashay iyo inta lacag ka soo xarootay, si ay u kaafiso ijaarkii dugsiga iyo mushaarradii macallimiinta, halkaa waxaa ku lumay, in la soo saaro qof tayo leh, oo berri bedela kuwa maanta jooga oo wax soo saara.

Ma dhisna qofkaan xag aqooneed iyo xag kalsooni nafeedba. Waxaa ka muuqda wejigiisa welwel badan sidii qof hurda ku jiray, oo soo baraarugay oo kale, waxa uu leeyahay cod heese oon cidi maqlayn, sidii inuu ku leeyahay; war maxaa sidan laygug galayaa!

Kuwo kaloo dalkii joogaa jira, waalidku guteen waajibkoodii dhalidda xilna ka saarnayn marka ugu danbeysana noqda mujaahid, illeyn cid kaloo ka naxda ma jirtee, asna cidna ka nixi maayee.

2- Qoysaskii u hayaamay halkaa iyo dibedaha, carruurtoodu waxbarasho way heleen, qaarna way ku qasbanayeen oo dowladday ka baqayaan, laakiin, iskuulku wuxuu qofku ka soo korosradaa 50% inta kalana waxaa u dhammeystira guriga, laakiin, waxaa soo baxday maahmaah soomaliyeed oo oranaysa; “maxay ku nuugtaa, maxayse ka nuugtaa!” Gurigii ay ka dhasheen hooyadu wax ma taqaan, aabbuhuna wax buuran ma dhaamo, labadooda waxaa aad ugu weyn tirada carruurta, si xoogaaga ceyrtaa loo aruursado, taasoo billowda loollan dhaqaale, oo dhaliya in lacagtaa lagu waayo jiritaankii qoyska. Islaantu waxay billowdaa hagbaddii iyo xafladihii sagootinta, aroosya aadkii, guri bedbedelkii “free stress” Halkaa buu billaaba odaguna baadi goob mid kaluu barafka kaga gabbado.

Ayaandarro may helin cid ka fekerta aayatiinkii carruurtii, waxaana gacanta loo geliyay dad aysan is ku dhaqan iyo diin midna ahayn, laakiin, mararka qaar uga naxariis badan labadii dhalay, oo dareema welwelka ka muuqda carruurtaas. Naxariistu diin, dhaqan iyo bulsho ku ma xirna.

 

Fisha qaybta xigta ee qormada

 

W/Q: Nasra Maxamad Axmad

nasruja80@gmail.com

 

SHEEKOOYIN

Cart
  • No products in the cart.