Ubad la aayatiin tiray Q2AAD W/Q: Nasra Maxamad Axmad

14936887_1230754836967717_1112247124_n

Ubad la aayatiin tiray Q2AAD

 

3 Waxaa jira QEYB KALOO waalidku moodaan, inay wax badan u qabteen, laakiin, kuwa hore ku yara dhaama daryeelka, dhibaataduse aan ku yareyn. Tusale ahaan waxa laga kaxeeyaa Swedan waxa la geeyaa UK, si ceyrtu ugu badato ama halkaasa iskoollo ISLAAMIYA leh, laga dhaadhiciyey. Ilmaha yari wuxuu yaqaannay luqad, deegaan, saaxiibbo iyo macallimiin uu qaarkood jeclaa inuu sidoodoo kale noqdo, maxaa yeelay, ilmuhu markuu yaryahay wuxuu eegtaa dadka ku xeeran, jecleystaana inuu noqdo sidoodoo kale. Tusaale ahaan, dhakhtarka loo geeyo ayuu is ka jeclaada, niyadduuna kaga sheekeysta, asagoo kale noqo.

Waxaa la dhexdhigaa mowjado uusan garanayn halkuu uga dabaasho. Waxaa ku dhaca jahwareer, xanuunno ayaa ku habsada xagga nafsiga ah, cid dareentana ma jirto, taa loogu ma daayee, tii yuusan weli ka soo bogsan, ayaa la keena dhulalka carabta ama Kenya, oo qaarkood meelo lagu xareeyaa looga tagaa, qaarkoodna ka cararaan halkaas ama lagu barbariyaa xagjirnimo!

Waxaa u billaabanta luuqaddii seddexaad. Qeybbaa loo go’aanshaa, in la baro quraanka xifdigiisa, halkasey ku dhumaan xoogaagii xisaabta iyo qaab waxbarashadii. Maalinba macallinkii loo ammaanay islaantu xafaadda ka soo xaadirisaa. Iyadu waxba ma baratee iyagay ku qasbaysaa. Waxa wanagsan ilmahaaga haddaa quraanka taqaan, inaad la murajaceyso, haddaadan aqooninna aad la soo fadhiisato miiska oo aad la barato, si ay dhadhan ugu yeelato, maadama aad ku andacooneyso, inaad tihiin reer u soo baxay barashada diinta, maxaa diiday, inad la barato mise iyaguu waajib ku yahay, oo adiga lagaa ma rabo?

Carruurta qaar ayaa hoos is ka qunjiya, markay arkaan islaantoo wax laa qeysa, oo qosqoslaysa. Baro waxay barteen carruurtaadu, oo luqaddey ku hadlaan la fahan. Ayaandarrada haysata carruurta qaar luqaddoodii hooyo ma yaqaannan, islaantuna tey ayagu ku hadlaan ma taqaanno, markaasey ku la hadashaa afeysan ku doodi karin, aakhirkana iyagaa ka turjuma.

Sanado markuu guriga joogo, oo waxbarasgo isaga haray, sababna ay iyadu u tahay, ayay islaantii aragtaa carruurtii xaafaddoo iskuula aadayo, hinnaasa ku soo booda, wey geysaa iyana wareerkii baa u billowda. Yaryarkani wuu illoobay sidii wax loo barnayay, luuqaddan ma yaqaanno, cidi hordhac kamay siin, macallinku ma fahmayo iyana ma fahmaan, hiiftan ayay billabayan macallimiintu kuwo sabar leh maahan iyaguna islaantii ayaa loo yeera, carruurtan wax ma fahmayso, markii lagu yiraa, caay bay ka la daasha, iskuulkiina waa ka soo sartaa maalma ka dibna mid loo sii ammaanay ku sii shubtaa.

Shaash Press ayay ka maqashaa macallimiin badan u qabo carruurta. Waxay soo dhoobta guriga kuwa hadafkoodu lacag yahay wax naxariisana aan u hayn ilmahan dhibbanaha ah. Iskuulkii uu fahmi la’aa hiifkii macallinkii, kii guriga oo isna qeybtiisa qeylo iyo cay sii siiya , ma helaan wax nasasho ah.

Wuxuu karhaa maallinkuu dhashay. Wuxuu nacaa reerkan dhalay, cadaawana u qaadaa, taa waxaa ka daran, islaantii oo la soo fadhiisata, war reer hebel carruurtooda kaa fiican! Meeqa iskuulaan kugu daray! Meeqaan macallimiin kuu kenay! Intaa ku ma ekee, waddan kalaa loo sii ammaana. Aroorbay sii guurtaa. Qaar baa iskugu sheekeya, sheeko xariir. Naa ma aragtay reer hebel, markay carruurtoodii quraanka dhammeeyeen, jaamacad bay galeen. Waa run jaamacad waa la gali karaa, laakiin, waa goor ma? Markaad soo dhammeyso dugsiga sare ka dib ayaad heli karta, waana markaad geleyso kuliyadda culuumta quraanka iyo axaadiithta rasuulka (s.c.w) ,’’ shareeca islaamiya’’.

Hadda ka hor baan la fadhiyay qeyb islamaha ah, oo sheekadan is ku guraya, oon u sheegay qofka baranayo caafimadka, waa inuu wax badan ka yaqaan cilmiga sayniska, waaba laygu qoslay. Quranka maadan soo dhammeyn baa ka dhacday! Waxa i la joogtay, hooyo iyadu xilligii dowladda dhexe ku dhammeysay jamacad waddanka, dagaaldaduna ku la dhaceen ayadoo master dibedda u joogta. Waxay ku tiri carruurtaydu quranka wey dhammeeyan dusiga sare ka dib ayeyna hadda galeen jaamacad, Shaash presskii wuxuu ku soo dhammaaday beentii ay is ku gurayeen iyo inay naga rumeysan wayeen waqica dhabta.

Waa dad noloshoodii been ku bedelayo, mararka qaarna carruurtii dhibbanyaasha ahaa, ayaa shahaado beena loo sameeya, inuu soo dhammeyey dugsi sare, oo jaamcadda lagu daraa. Toddobaadka ugu horeeeya ayuu ka soo fadhiistaa, illeyn waxan la sheegayo weligiis ma maqal. Xaggaa iyo Yurubta kale loo dira, wareer aan dhammaan bay ku jiraan.

Dumarka qaarkood xaaladdaa iyadoo la jooga baa loo soo sheegaa odagii baa guursaday, halkii markii hore baa laga la soo cararaa laguna soo celshaa balanbal hor leh, la ma qabsan karaan tacliintii waddanka, wuxuu billaaba inuu u jarjaro iskuulka ilaa uu marka danbe ku biiro qolyaha suuqa tagaan ama xabsi ayuu galaa, maxaa yeelay, ficii waxay dhigtaan dugsiga sare ama jamacadey billaabeen, isaguse waxba ma yaqaan, is ka daa aqoone, maskixiyan ma fayoobo, aabbihii isagoo haysta carruur noocaas ah, ayuu is ka sii xaadiriyaa halkaas iyo soomaaliya, waxaad maqlaysaa jagaa loo dhiibay ama wuxuu is ku soo sharraxay jagada madaxweynenimada “TIISA LOOGU BOGAA TAADA LOOGU DARAA!

Carruur sidaa u balanbashay, maxaa laga suga aan ka ahayn, inay noqdaan dilaa, daroogo gadayaal, kuwa aan nolosha u arag dhib maahane dheef, illeyn maalin farxada ma soo marin noloshiisee? Su’aal kale, see wax looga bedela xalaaddan, si aan u helno maskax fayoow, ubad bedela jiilalka maanta joogo, oo iyagu qarracan dilooday? Kuwaan haddaan wallidaan laga soo gaarin waa ummad jabtay.

 

Dhammaad.

 

W/Q: Nasra Maxamad Axmad

nasruja80@gmail.com

SHEEKOOYIN

Cart
  • No products in the cart.