Waa kuma Xag-jirku?! W/Q: Mohamed Musa Shiikh Noor

Nor1

Waa kuma Xag-jirku?

Xag jir sidiisaba marka la macneeyo waa qof dhinac u badan oo jecel qaab nololeedkiisa in uu hal dhinac ka abaaro aana jeclayn in uu ku dhex qasmo qaababka kale ee nolosha Aadanaha, sidaa darteed qof walba oo loo nisbeeyo in  uu ku adag yahay waxa uu aaminsan yahay doonayana in lagu dhaqmo ayaa lagu tilmaamaa qof xag-jir ah, hadaba su’aashu waxay tahay xag-jirnimadu ma wax wanaagsan baa mise waa wax u xun sida maanta Caalamka qaarkii ay u tilmaamaan?

Dunid aan maanta ku noolnahay sida ay taariikhdeeda sheegayso waa mid soo martay dhaqamo kala duwan iyo duruufa ay siteen dhaqamadaas, mar walbana waxaa jiray Qolo dhinac loo riixo oo la dhaleeceeyo fikirka ay markaa aaminsanaayeen, ha ahaado fikirkooda mid wanaagsan oo markaa aan u adeegayn maslaxadda Qolada dhaleeceenaysa, ama fikir markaa guracan oo wax yeelaynaya danaha guud ee ka dhaxeeya Bulshada markaa wax wada wadaagaysa, qofba sida uu doono ha u dhigo.

Qofku wuu yeelan karaa fikir Diini ah, Dhqan, ama Asuulb kale oo nololeed, xaq ayuuna taa u leeyahay marka laga hadlayo Caalamka guud, maadaama uu Allah Umaddiisa kala duway, Af ahaan iyo dhaqan ahaan iyo Deegaanba, hadana waxaa jiro wax ay wada wadaagi karaan Dadkaas ku dhaqan Dunida, iyada oo aan loo eegayn Diintooda, Dhaqankooda, Midabkooda, iyo halka ay deegaan ahaan kasoo jeedaan.

Dunida waxay ahayd mid dhinacyo badan isku badalaysay Quwad ahaan, oo quwad walba oo soo martay dunidan waxay ahayd quwad wadato Asaaliib Sharci ay ku sheegeen oo ay qaabka Nolosha u tilmaamayeen, ayaga oo dadka u fahamsiin jiray xiligaas ama ka dhaadhicin jiray in qaabkooda uu yahya qaabka ku haboon ee u adeegi karay masalxadda guud ee bulshada caalamka, iyada oo sida la wada ogyahay uu fikirkooda markaa u wada muuqday mid ka madax banana Fikradaha Diiniga ah.

Inta Taariikh ahaan aan xusuusan karno, Casriga nolosheena quwadihii dunida soo wada maray qolo walba waxay afkeeda ku sheegi jirtay in qaabka noloshooda ay dan ugu jirto dunida oo dhan, ayna ku dadaali jireen in fikirkooda nolosha ku saabsan ay ka dhaadhacshaan dunida inteeda kale, kuna baahiyaan ayaga oo u adeegsan jiray dhaqaale iyo Military ahaanba, taas oo aan ahayn wax hadda meeshan aan aniga ku dhoo dhoobay, balse ku cad Taariikhda qoran.

Waxaa soo maray dunida, oo ka mid ahaa qaababkii ugu dambeeyay ee quwadaha dunida, Nidaamkii Shuuciga ahaa ee kasoo askumay xagaa iyo Ruushka, kaas oo la dhihi karay xiligii ay maamulayeen raashka dunida, waxaa qaatay nidaamkooda Duni badan, haba ku kala duwanaadaan qaabka loo kala qaatay, iyadoo ay Wadamada qaar ay ku kaliftay Awood loo sheegtay, kuwa kalana ay ku kaliftay baahi dhaqaale, iyo kuwa ay ka talinayeen kaligi taliyayaal markaa doonayay in ay ku eegtaan dantooda Kursi jacaylka ah, ayaga oo markaa uga badalanaya Raashka in uu indhaha ka qarsado waxuushnimada ay markaa kula kacayeen dadkooda.

Siyaasaddu mar walba ma lahan Saaxiib joogta ah ee Dan joogta ah ayay leedahay, siyaasadaha is diidan ee dunida waligood waa soo jireen, waana jiri doonaan, maadaama waxan ay yihiin Fikir ka yimid Aadanaha, inta isku fakar noqotana mar walba ay jirayaan in kaloo la mid ah oo kasoo horjeeda fikir ahaan .

Fikir marka uu qof keeno waa qasab in uu jiraa mar walba qof fikirkaas kasoo horjeedo, oo aan u arag sida qofkaas keenay fikirka ay ula muuqato, mar walba is hertinta ama khilaafka ku dhisan xaga fikirkaga Nidaamiga ah saldhigiisu waa mid ka yimaada xagaas aan soo tilmaamay.

Maadaama lawada yahay Bani aadam, inta qolo gooni ah meel iskugu tagto ay mideeyaan maslaxaddooda, kuna heshiiyaan qaabka noloshooda, iskuna dhaarsadaan sidii ay ku hirgalin lahaayeen fikirkaas nidaamiga ah, dhaqaala ahaan iyo xoog ahaanba dhinaca ay doonto ha ku qaadatee, ayaga oo hiigsanaya hadafka ah in ay dunida ku maamulaaN Fikiri ayaga maslaxaddooda mar walba u adeegaya.

Hadaba, la yaab ma lahan in mar walba oo fakar nidaami ah ay Qolo la timaado, ay soo baxdo qolo kale oo kasoo horjeeda, waxaana la oran karaa mar walba waxa is diidan ayaa ah, danaha la kala leeyahay, oo qolada wax diidan  waxay sheegayaan sababta ay ku diideen fikirkaas, ayaga oo ku andacooda in uu fikirkaas yahay mid u adeegaya danaha koox gaar ah, micnaha kooxda fikirka la timid marka hore ee doonaysa inay fuliso.

Waxaa la isku dhaafay Dunida Qarnigii ugu dambeeyay wax la yiraa Warbaahin, taas oo noqotay Hub si fudud aad qofka maskaxdiisa kula diriri karto, uguna qasbi karto waxa aad aaminsantahay ama aad doonayso, taas oo sii kordhisay Halganaka ku dhisan Tartanka Fikiradaha Nidaamiga ah ee iska soo horjeeda.

Waxaa soo baxay markii dambe wax la dhaho Dimoqoraadiyad, taas oo kasoo askuntay Wadamada hadda Caalamka sida ay rabaan u maamula, dhaqaala ahaan, warbaahin ahaan, iyo military ahaanba, ayaga oo kaga guulaystay Shuuciyaddii ay la halgameeyn xilaagaas, markii ay dhacdayna ka dhigtay dunida mid leh hal nidaam, inkastoo ay jiraan wadamada qaar kuwa wali kusii dhagan nidaamyadii ay haysteen, kuwaasna waxaa la oran karaa waa kuwa laga soocay dunida inteeda kale, marka laga reebo wadanka Shiinaha, oo isagu fikirkii shuuciga wali haysta, balse ka fur furan oo la dhihi karo nidaamkiisa isaga oo shuuci ah ayuu hadana ka casrisanyahay shuuciyaddii la yaqiin.

Markii ay guulaysatay kooxdii u halgamaysay nidaamka Dimoqoraadiyadda, oo dunida inteeda badan maskax ahaan iyo military ahaanba ay ku dhigeen gacantooda ayay waxay la soo baxeen fikir ah ama wax la dhaho eray bixin ay ku tilmaamayaan qolo walba oo nidaamkooda kasoo horjeedda, erygaaas oo ahaa erayga Argagixiso.

Erayga argagixiso dadka qaarkii dhagahooda wuxuu kusoo dhacay 2001 markii la qarxiyay Daarihii Newyork ku yiil, balse erayga markaa ka hor ayaa loo isticmaalayay meelaha qaar dunida sida kooxda ku kacsanayd nidaamka Ingariiska ee waqooyiga Irland ee la oran I R A, wixii ka dambeeyay weerarkii Mareekanka lagu qaadayna wuxu iska noqday eraygaas eray loo isticmaalo qolo walba oo kasoo horjeeda maslaxadda Reer Galbeedka, xitaa xukuumadaha wadamada qaar ayaa u isticmaalayay kooxaha hubaysan ee siyaasad ahaan kasoo horjeeda nidaamkooda.

Sideedaba Nidaamka Aadimiga ah waa mid ku dhisan mar walba cadaalad darro, maadama  mar walba bani aadamka qaladaadkiisa uu badan yahay, marxaladahana ay is badal badan yihiin, waxaana mar walba ka abuurma nidaamyadaasa cadaalad darrada ah, koox kale oo wax tabanaysa una diriraysa in ay hesho xaqeeda, kuwaas oo mar walba lagu shaabadeeyo erayga aan waayadan la yaabanahay ee ah Argagixiso ama XAG JIRNIMO.

Nidaamyadii xaq darrada ku dhisnaa ee laga dhexlay labadii nidaam ee Shuuciyadda iyo Dimoqoraadiyadda hada loo ololeeyo ayaa la dhihi karaa waa u saldhig dhibaatada maanta ka taagan dunida, maadama nidaamyadaas ay oraahdoodu tahay wax walba oo ka hor imaanaya maslaxaddeena waa cadowgeena ama argagixiso sida ay rabaan ha u dhigaan.

Qofka fikirka uu aaminsan yahay mar walba waa uu la saxan yahay waxa uu rabo ha ku salaysnaado, marka waxaa la dhihi karaa maslaxadaha is diidan ee Aadanaha ayaa ah midda mar walba abuurto khilaafka dhiiga badan ku daato, taas oo mararka qaar ay kooxi ku guulaysan karto fikirkeeda, nimadmka ay rabto ha u marto micnaha quwadda ay rabto ha adeegsato.

Dunida maanta waxaa ka jira wax la dhaho aniga ayaan kuu yeerinaya qaabka aad u noolaan lahayd, haddii aadan taa qaadanna waxaa tahay Argagixiso, marka aan sidaa leeyahay waa laga yaabaa in aad aqriste ila yaabtid oo is tiara “ nidaamka uu ninkan sheegayo ee qasabka ah xaguu ka jiraa? maba aragee! laga yaabe in aadan arkin balse, marka aad si dagan u fariisato, una fakarto, eegtana qaabka maanta Caalamka wax uga dhacayaan, Sawirka isla markiiba kuusoo boodayo ayaa ah in aad qaadatid fikirka dimoqoraadiga ah, haddi aadan kaa qaadanna, u diyaar garow Dagaal dhaaqala ahaan lagula galo, haddii lagaaga guulaysan waayana military ahaan laguu soo weeraro, waana midda dhabta ah ee maanata ka jirta caalamka, waa marka aan dhabta ka hadalno.

Tan iyo wixi ka damebeeyay weerarkii mareekanka lagu qaaday waxaa dunida usoo baxay nidaam ah dhinac raac, kaas oo laga hayo Madaxweenihii Mareekanaka MR Busho, oo ahaa “ama anaga nasoo raac ama ayaga raac” taas oo uu ula dan lahaa markaas, fikirkeena demoqoraadiga ah soo raacaa ama ayaga raaca, oo markaa kusii jeeday kooxda Al qaacidda, balse eraygaas wuu kasii fogaa halka uu ku dhacayo, laakin munaasab ahaan galabkii la dhahayay waxaa loo yiri kooxdii Bin Laadin ee alqaacidda ee ka diririaysay Afqaanistaan markaa.

Wixii markaa ka dambeeyay waxaa lumay wixi Qawaaniin beenaadka ahaa ee la isku xushmayn jiray, waxaa la garab maray qolodii U N ka ahayd ee awalba loo sameestay in lagu dhagro dadka aan ayaga ka tirsanayn waa qolooyinka caalamka maamulee, waxaa dhacday in wixii la doono la suubiyo, waxaa dhacday in wixii la doono ay idaacadaha ka baxaan, wixii aan la doonayna laga shibiyo maqalkooda oo gabi ahaanba warbaahinta caalamka hal dhinac loo wada jeedshay, marka laga reebo Aljazeera oo runtii la oran karay sababta loogu ogolaadya in ay sii dayso sawirada Bin laadin, waxay ahayd dhagar markaa lagu dhagrayay Caalamka Islaamka.

Wax sidaa lagu socdaba eraygii argagxisadana uu macna badan yeeshay, su’aalo badana la iska waydiiyay qaabka isticaamlkiisa iyo cidda ay tahay in ay istcmaasho, ayaa waxaa la keenay erayga kale oo  loogu magac daray Xag Jirnimo.

Hadaba eraygaas oo ah erayga cinwaankeena ah, kuna saabsan mowduuceena,  tilmaan yar oo koobanana aan ugasoo baxshay fasirkiisa qaybta kore ee qoraalka, waa eray la dhihi karo labada dhinacba in cidda xag jir ah la is waydiiyo ayuu ku  mudanyahay,  marka aan lee yahay labada dhinac waxaan ka wadaa qoloda u doodda dimoqoraadiyadda iyo qolada kasoo horjeedda, aniga oo aanan u kala saarayn diin iyo danaysiba.

Maadaama uu yahay fikirka dimoqoraadiga fikir nidaami ah oo ka yimid koox gooni ah, miyayna xaq u lahayn in ay jirto koox kale oo dhaleecaysa nidaamkaas, diidana in aysan waxba ku qaybsan, haddiise aan fikirkaaga diido ma waxaan ahay XAG JIR, adigase maxaa tahay? maadaama aad diiday fikirkayga waa maxay waxa iga reebaya in aan kuu adeegsado eryga argagixiso ama Xag jir.

Qolooyinka  dimoqoraadiyadda ah waxay ku duuleen wadamo badan oo dadkii lahaa ay ka dhigeen wax dhintay wax bara kacay iyo wax gaajo badda iyo barriga ugu dhintay sida Soomaalia, Ciraaq, Afqaanistaan, Siiriya, Falastiin Lubnaan, Liibia, iyo wadamo badan oo caalamka ka tirsan oo aanan halkan lagusoo koobi Karin, marka Ninka inta dad islaameed ku duulay sidaasna noloshooda u baaba’shay miyuusan araggixso ahayn? erayga aragagixiso, maadama uu tilmaamayo wax la dumiyo, iyo wax la laayo, iyo wax la dhaco, miyaysan ku sifoobin intaas aan soo sheegay wadamada galbeedka ee dimoqoraadiyadda u dooda?

Waa su’aal u baahan jawaab kasoo dhalaashay maskax nadiif ah, afcaashaas gurracan ee nidaamkaas dimoqoraadiga ah ayaa waxaa ka dhashay in ay abuurmaan qolooyin u nasab sheegta Diinta islaamka oo oronaya inaga maba doonayno dimoqoraadiyad, Islaam baanu nahay islaamkeena ayaana wax ku maamulanaynaa.

Qolooyinkaan islaamka u nasab sheegto waxay isugu jiraan qolooyin badan oo kala gadisan, iyadoo qaarkooda marka la eego waxa ay sheeganayaan iyo waxa ay samaynayaan ay aad u kala duwantahay oo aan la oran Karin waa qolooyin ku run sheegay Diinta islaamka ah, balse ayaga marka loo eego fikirk ay  sheeganaya ee ah in ay yihiin kooxda dhabta ah ee mudan in looga dambeeyo qaabka maamulka islaamiga ah.

Hadaba, qolooyinkaas islaamka ah haba iska xumaadaan dhaqan ahaan, qaabka ay u dhaqmayaan, islaanimada ay sheeganayaana astaanteeda yaysan lahaan, balse waxa ay ku doodayaan ayaa ah in ay hubka u qaateen in ay la diriraan qolooyinkaas soo duulay ee Gaalada Reer Galbeedka ah iyo dadka ay ku dhex samaysteen wadamada ay markaa dagaalada nuucaas ah ka hurayaan.

Fikirka nidaamiga ah hadduu yahay mid Islaam iyo mid Gaalba waligiis wuu soo jiray, waxaana mar walba jiray wax la dhaho Dan joogta ah oo qolo walba meesha ay danteeda ka aragto ayay ahayd ilaa hadana tahay, lama dhihi karo waa mid ku xiran Diin, Dhaqan, dhalasho iyo degaanba.

Qofka hadduu u halgamo waxa uu aaminsan yahay meel marintiisana u huro dhiigiisa iyo dhaqaalihiisa, miyuusan noqonayn qof xag jir ah? marka aan ka eegno macnaha guud ee uu eraygu tilmaamayo, waxa la isku tilmaamayo macna marnaba ma suubinayso, waxa diriraya ayaa ah laba fikir, qolo walbana waxay tilmaamaysaa in ay iyadu saxantahay, laakin marka dhinac laga eego qolooyinkan u diriraya islaamka ayaa la dhihi karaa ma ahan hammigooda guud mid hadda kusii jeeda Caalamka oo dhan ee waa mid ay doonayaan deegaanada islaamka ku magacaaban in ay u madax banaanaadaan maamuladooda islaamka ah, taas oo runtii aan ka suura galayn dhinaca galbeedka maadaama dhulalka islaamka ay wax badan uga xiran yihiin haba ugu darnaado dhaqaalaha kasoo xarooda shidaalka iyo shidaalka qudhiisa.

Hadaba waxaa is waydiinta mudan maadaama sidaa loo kala soocmay dunida, oo qolona ay istaagtay inaga islaam ayaan nahay, nidaamkeenana waa islaami, oo ma rabno nidaamkiina, qolodii kalana ay istaagtay waan idinka awood badanahay, quwad ama xoog ayaana idinku ogolaysiinaynaa nidaamkeena dimoqoraadiyadda ku dhisan, inaga oo adeegsanayna dhaqaalaheena iyo qalabkeena warbaahinta, runtii waa Dagaal daba dheer oo ka duwan dagaaladii caalamka lagu arki jiray ee ku dhisnaa isbahaysiga dowliga ahaa ee isku afkaarta ahaa, sideedaba dagaal hadduu yeesho fikir diini ah,ama ideology waxa loo yaqaan  markaas wax aan ka ahayn in uu daba dheeraado lagama fisho, taas oo ay runtii qireen qolooyinka reer galbeedka ah.

Hadaba, waxaa is waydiin mudan adiga aqriste dhankee tahay? ma waxaa tahay mid u janjeera fikirka dimoqoraadiga ah oo kasoo horjeeda qolyahan wata magaca islaamka ah, waan dareemi karaa in aad dhihi doonto qolooyinkan magaca islaamka wata ma ahan qolooyin ay daacad ka tahay in ay diinta u dirirayaan ama maslaxad muslim, ka gudub taa ayaan ku leeyahay ee ku noolow xaqiiqda jirta ee ah in ragan ay dagaalamayaan dhaqaala iyo xoogna ay haystaan, fikirka u qarsoon waa gooni, balse Calanka ay hadda sitaan iyo magaca ay ku dagaal galayaan ayaa ah mid islaami ah.

Macana badan ma suubinayso in aan hadda is waydiino ama aan sheeg sheegno qaladaadka qolooyinkan huwan magaca islaamka ah, laakin waxaan la inkiri Karin in ay yihiin dad jira una dagaalamaya fikir ay aaminsan yihiin, adiga firqada aad rabto ku tilmaan, magaca aad rabtana ugu yeer, dhabta ayaa waxay tahay in ay yihiin dad jira oo meel taagan quwadna leh, taas oo ah wax aan la dafiri karayn, xaqiiq ahaana mudan in loo wajaho.

Sida aan horayba usoo sheegay meel walba oo cadaalad darrada ku badato waxaa ka dilaaco qolooyin oronaya inaga ayaa xaqeena xoog ku raadsanayna ama caddaalad keenayna waddada ay rabaan ayayna u marayaan wixii la rabana ha lagu tilmaamo, qofka marka uu go’aansado in uu fikirka uu aaminsan yahay ku dhinto markaas wax celin kara ma jirto, sida aad doonto u wacyi gali, maxaa yeelay adiga wacyi galinaya oo kasoo horjeeda fikirkiisa wuxuu kuu arkaa kuwa uu la dirirayo dadka ay samaysteen ee isaga ku magaca ah inaad tahay, taas oo runti dhibkeeda leh.

Marka waxaa is waydiin mudan cidda xag jirka ah, maadaama xag jirnimada aan kusoo tilmaanay dhinac u badasho ama fikir la aaminsan yahay oo la doonayo in la dabaqo, qolada galbeedka dimoqoraadiyad ayay wataan, oo wax kasta oo islaamku wato waa ku cadow, qoloda kalana ma ogola fikirka ay qolodaas wataan marka waa kuma xag jirku?

Hadaba ma xag jirbaa tahay? haddii diintaada sida ay tahay aad u qaadatid.

Ma xag jir baa tahay? haddii aad tiraahdo dhulkayga aniga ayaa leh nidaamka aan rabo ayaana ka fushanayaa fikirkiina ma rabo.

Ma xag jir baa tahay? haddi aad u istaagto u shaqaynta hadafkaaga diiniga ah, sida ay ayagaba ugu shaqaynayaa fikirkooda dimoqoraadiga ah.

Sheekadu waxay taagantahay hadalkii Bush ee ahaa “anaga nasoo raaca oo naga mid noqda ama ayaga raaca oo ka mid noqda” hadaba halkee tahay aqriste,? haddii aad tahay mid u doodaya dimoqoraadinimo, hubaal ayaga ayaa ka mid tahay, maxaa yeelay fikir ayaga kasoo maaxday oo u adeegaya danahooda gaarka ah ayaa qaadatay, aamintayna, kii aad u nasab sheeganaysayna waad ka tagtay.

Gunaanadka qoraalkayga ayaa ah, in aad labada dhinac fikir ahaan dhinac tahay, dhinac aad mar walba maskax ahaan aad la jirtana aad ka mid tahay, macna badan ma suubinayso cidda aad u nasab sheeganayso, waa la kala baxay, waxaana loo kala baxay labada qole ee aan soo sheegay, qolo wadata Fikir Insaani ah oo ku salaysan in diinta iyo nolosha  la kala saaro, iyo qolo ku anadacoonaysa in ay diinta iyo nolosha aan la kala saarin, una dagaalamaysa in ay ku maamulaan meelaha ay ka talshaan shareecada islaamka, waa sida ayagu ku doodaan, hadaba midkee tahay bal is waydii?

Kuwan islaamka sheegta qof walba oo muslim ah wuu  ogyahya in wax badan ay ka qaldan yihiin, wax badan oo xumaan ah oo uu islmaaku banaynna ay baneesteen kuna dhaqmayaan, balse su’aashu waxay tahay ka islaam ahaan ma tahay mid taas kuu sahlaysa in aad gaalka kala safato oo dhinaca gaalada aad kasoo jeesato adiga oo la diiriraya qolooyinkaas  aan sheegay?

W/Q: Mohamed Musa Shiikh Noor

ekisyare@hotmail.com

xabuu8@gmail.com

SHEEKOOYIN

Cart
  • No products in the cart.