Waa maxaay Ontor? Maxaase ka dhaxeeya Afakaandho? W/Q: Xasan Cabdulle Calasoow “Shiribmaal”

Waa maxaay Ontor? Maxaase ka dhaxeeya Afakaandho?

Ontor Waa geed ka baxa geyiga Soomaaliyeed, Gobolla badan oo dhulkeeyna ka mid ahna aad looga yaqaan, Gaar ahaan dhulka buuraleeyda ah. Sidaa Awgeed buuraleyda laba ayaa loo kala qaadaa, “Buur adag oo dhagax ah ama Gawaan iyo Buur Jilcan oo bacaad ah; ama dhul meel dhexe ah (macnaha dhul aan Adeeg saa’id ah ama jileec saa’id ah aheyn)

Geedka “Ontorta” Laba qayb ayaa looga faa’iideystaa mar miraha geedku dhalo ayaa la cunmnaa, Goballadu haba ku kala duwanaadeen cunnimada,e ,marna geedka laftiisa ayaa lagu manaaficiidaa in kastoo heerki loo rabay aan la gaarsiin annaan qiima sidaa u sii weyn la siin, ama aan looga faa’iideysan sida dunida hormartay ay uga faa’iidday.

Haddaan ku hor maro faa’iidada geed “Ontorka” laga helo, geedku wuxuu ka mid yahay Geedaha ugu adag ama ugu awoodda badan, xagga jiritaankiisa ama Cimrigiisa waxaa loogu yeeraa geed “Lab” (macnaha geedkii adkaa) sida wax kasta ee noole ah “Lab iyo dheddig” u leeyihiin ayaa wax kasta oo qallalanna u leeyihiin “Lab iyo Dheddig” Sidaa awgeed waxuu ku jiraa geedaha ugu adag geedaha ka baxa Dhulka Soomaaliyeed, iyo guud ahaan dunida kale,

Waxtarka Ontorta.

  1. Mirihiisa ayaa la cunaa
  2. Waxaa la qoraa agabyo badan  sida:
  3. Koorta,
  4. Kurbinta,
  5. Qarsinka,
  6. Farta IWM.

Waxtarka Miraha Ontorta.

Miraha Ontortu waxay baxaan xilliga, ama waqtiga Jiilaalka, kuleyla la yiraa waa amminka kal dambeedka ah ee roobku soo dhawyahay kaliisha. Miraha Ontortu seddex marxalad ayey maraan inta badan in kastoo aanan xisaab go’an ku heyn ilaa maalmaha ay ku baxdo laakin aan qiyaasayo inaysan ka badneyn 30 ilaa 40tan maalin bixitaankeeda ilaa bislaashadedu.

Marka koobaad Waa: “Fiid ama Ubax” yar oo dhammaan geedka qeybihiisa kala duwan kasoo dhasha ama ka soo yaaca laan kasta oo ka mid ah geedka, Mudda yar waxay noqonayaan Ontor aad u yar yar waa amminka la yiraa Caanooleeyda maxaa yeelay markaad bajisid ama meel ka sartid wax caana camal ah ayay soo daysanaya oo kugu dheg-dhegaya ama jiid-jiidmaya oo sidii koolla camal ah naqanaya.
Marka ugu dambeeya waa marka ay weynaato ama bislaato waa xilliga ay geedka ka soo daadato ama kasoo hoobato ee dhulka kusoo dhac dhacdo, “Dhaboobo” ayaa la yiraa waa marka ay Cunnimo u diyaarsantahay in kastoo hababka loo cuno Goballada Soomaaliyeed ku kala duwan yihiin.!

Miraha Ontortu maxay ka koobanyihiin?

  • Maqaar ama diir
  • Hilibka ama tamar oo ah kan la cuno
  • Laf” oo markaas la iska tuuro annan la sii manaaficiidsan la sii abuurin lana bacrimin laakin ku baxda oo kaliya habkii Eebbe ugu talogalay!

Ontorta iyo afakaandhadu ma isku midbaa?

Haa waa isku mid maxaa yeelay geed ahaanna waa isku egyihiin miraha ahaanna waa isku egyihiin inta Ontortu leedahay ayaa Afakandhaduna leedahay; Sidaa darteed waxaa hubaal ah in afakaandhada inta laga sameeyo aan lasoo koobi karin, Ruux aan isticmaalinna anuu jirin sheey Afakaandha ku jirto, ma hubo inow adduunka joogo maanta ama ogaal ha u isticmaalo ama ogaal la’aane, Sababtoo ah waxaa laga sameeyaa inta badan, (Cream) ama kareemka afakaandho ama Ontorta aya laga sameeyaa ha ahaado kareemka jirka (Body cream) ama kan madaxa, Tinta, loo isticmaalo, ( hair oil ama hair Food) waxaa kale oo laga sameeyaa daawooyin noocyo badan oo ka mid ah waxaa laga sameeyaa waxyaabaha macmacaanka ah Sida Jokoleetka, nacnaca, buskudka, Nac nac qoriga (Chokolet, sweety, Busket, Lolipop, juice ETC).

Waxaa laga sameeyaa Cabitaanna kala nooc ah, ha ahaadeen kuwa gacanta lagu sameeyo ama kuwa la wershadeeyoba. Dadka qaar ayaa igu diidi doona Ontor iyo afakaandho isma lahan, haddaba anaa caddeyn kuu haaya ee qoraalkaan sii raac. Waddanka South Africa waa waddanka ugu istimaalka badan afakandhada ama Ontorta waana waddan ay saa’id uga baxdo Gobol ka mid ah oo la yiraa “Limpopo” oo si xad dhaaf ah looga tabcado Afakaandhada ama Ontorta ayaan mar booqasho, ku tegay, Anoo hore u aqiinnay una ogaa geed ontorka geeska afrika ka baxa, ayaan geedka Afakaandhada aad ugu kuur galay kolkaas waxaa ii caddaatay inay isku hal geed yihiin ee dhulka ay ka baxayan uun ku kala duwanyihiin maxaa yeeelay South africa waa waddan qaboow ah inta badan. Soomaaliyana waa waddan kuleyl ah in kastoo Gobolka “Limpopo” Yahay gobolka ugu kulul South africa haddana Cimillada ayaa lagu kala duwan yahay marka geedka “Afakaandhadu” Waa geed “Ontorkii” Oo la dhaqaaleeyay la na xanaaneeyay la na abuuray sida dallaga loo beero, loo beeray waqtina la soo korinayay ee maxaad ka fillan laheyd Soomaaliya oo wax soo saarkeedu sarreeyo in aan ka manaaficiidi laheyn geed Ontorka? Ugama jeedo inaan geed ontorka ka sara marinayo wax badan maxaa yeelay wax badan oo ka sahlan ayaan la soo saarrin waddankeyna laakin waxaan ula jeedaa sida aan u isticmaalno waxyaabaha laga sameeyo afakaandhada laga keenay Adduunyada kale: iyo sida keynu u qiima beelay ama aan loo ogeynba! Waan hubaa qaarkiin haddeey maqlaan geed Ontorka ineey ku soo xasuusanayaan oo kaliya markii macallinku wajaanta ama usha lagu tummo Kutaabta uga diri jiray! Laakin isticmaalkiisu intaa waa ka sarreyaa!

Agabka laga qoro geedka Ontorta.

KURBIN waan hubaayoo intiinna badan waa yaqaanniin oo garanayaan, waa na tan lagu dubo bunka ama saliidda la karkarshay ee lagu daray murxaha ama miraha Bunka. Bunka asigu faahfaahin uma baahna oo soomaalidu inta badan wey garannayaan, (macnaha bun waxaan uga baxayaa mahmaahdii Caana aheyd) ee dhaheysay “Bun waa jermaado rag sameestay” oo ka dhigan quraac rag suubsaday, laakin markii dambo dhaqan ahaan u hergashay, sidaa darteed kurbin macnaheedu waa sidaa marka geed ontorku waa geedka ugu muhiimsan uguna fiican ee laga qoro laga sameeyo Kurbunta.

 Far ama Qarsin”

Far ama qarsin iyaduna waa mid dhanka miyiga aad looga jecelyahay saa’idna loo is ticmaalo waxay ku jirtaa booska Qaandada ama macalgadda, waa qaandada heer miyiga guri ama aqal kasta ee aad tagtaa waad ka helee ilaa far ama qarsin macnaha Qarsin haddaan sharraxaad kooban ku sameeyo waa farta la isticmaalo xilliga isu imaadka sida sabaha kulamada waliimada IWM waxaan filayaa macnaha “Far ama qarsin” waxaa kale oo loo yaqaanaa: “Fandhaal ama Gure.”

 “KOOR”

Koor waa, qori la xorday oo u samaysan qaab saddex xagalka u eg, waxaana loo sameeyaa  sida Jaraska laba Carrab oo  sameeya dhawaq,  Koorta waxaa xoolaha loogu xiraa in la maqlo dhawaqeeda iyo halka uu neefku daaqayo waxaana inta badan lagu xiraa geela lagu xiro , kooraha mid kamid ah waxaaba dhacda in laga maqlo ilaa 5 ama 6 Kilomitir maasafa dhan:

Magacyada koorta geela:

Aleen, Jalaq, Ama Alleel:

ALEEL ama JALAQ, waa koor yar oo geela lagu xiro laba Qut, ama laba Carrab ayeeyna leedahay walibo AWRTA la dhaansado iyo geela nooca aaranka loo yaqaan oo u badan hala irmaan ama feela cungaha muluqshaa leh ayaa u badan.

Qutkool ama boodaan: 

Waa koor weyn oo awrka ama ratiga la dhaamiyo ayeey u gaar tahay inta badan Aleelka ama aleenka waxeey uga duwan tahay hal “Qutle” hal Carrab ayay leedahay sidaa ayayna ku qaadatay maga qutkool ama Boodaan, Mar mar waxaa dhacda in Lo’da lagu xiro in kastooy Jallaqa ama aleelka ka weyntahay Koorta lo’da tan Qutkoolka ahna ka yartahay laakin aad ayeey isugu dhawyihiin!”

“Guggundhaw”

Waa koor hal qut, ama Carrab leh badanaa waxa lagu xiraa geela neefka ugu muhiimsan ama ugu qurxan waana ka duwantahay kooraha kale muuqaal ahaan iyo macne ahaanba waana koorta ugu dhawaaqa ama afka dheer oo laga yaabo in aad ka maqashid ama ka dhageysatid si aad ula socoto qiyaas ahaan meesha geelu joogo ama ku sii socdo, oo masaafa dhan ilaa 6 Kiilomitir ama ka sii badan xilliyada Dhulku deggan yahay laga maqli karo sida waqti roobaadka ama diraaca loo yaqaan waqtiga aaranka.

Sidaa darteed geed “Ontorku” waa geedka ugu muhiimsan uguna cimriga badan ee laga sameeyo kooraha sidaas loogu dhaqmo loo na manaafaciidsado, Marka ahmiyad weyn ayuu u leeyahay Bulshada miyiga ku nool ha ahaadaan beeraleey ama Xoolaleey labadaba waa u Muuhiim: Guud ahaan dadka Soomaaliyeedna “Koortu” dhaqankooda ayay ka mid tahay! Baro miraha dhulkaaga iyo ahmiyadda ay u leeyihiin ummadaada Gaar ahaan miraha “Ontortu” Haddii aad hayso faahfaahin ama aqoon intaa dheer ee ku saabsan geed “Ontorka” iyo murihiisa na la wadaag adoo mahadsan!”

W/Q: Xasan Cabdulle Calasoow “Shiribmaal”

Guriga xariirka:

Cuute23@hotmail.com

Shiribmaal@gmail.com

SHEEKOOYIN

Cart
  • No products in the cart.