Waa Maxay Midnimadu ? W/Q: Cali Cismaan Buulle

13939581_1054101124686679_7897736945535493299_n

Waa Maxay Midnimadu ?

Midnimadu waa: Mideynta maskaxda,garaadka,cududa iyo hantida, waxayna ka dhalataa oo ka billaabataa midnimadu laba shaqsi ama koox isku timid oo isku mowqif ah, iskuna afgarata abuurista horumar dhan walba ah.

Midnimadu waa in ay laba shaqsi ama in ka badani isku afkaar iyo mabaadi ka noqdaan arrimaha bulshadooda ama ummadooda, isla meel dhigaana ka midha dhalinta yool mid ah oo uu ugu horreeyo horumar.

Faa’iidooyinka Midnimada

  • Midnimadu waa xasilooni ku wada noolaasho, nabadgaliyo, badhaadhe iyo Barwaaqo ,
  • Midnimadu waa furaha Horumarka
  • Midnimadu waa awood ama quwad, haddaan si kale u dhigo Midnimadu waa astaanta muujiso ummad waliba awoodeeda inta ay tahay.
  • Midnimadu waa dariiqa loo mara guusha.
  • Midnimadu waa quruxda,sharafta, wanaagga iyo ixtiraamka bulsho walba,
  • Midnimadu waa xoogga ay ummaduhu ku difaacdaan karaamadooda, iyo sharaftooda, kagana hortagaan khataraha cadow walba oo isku daya ama damca in ay wax u dhimaan jiritaankooda.

Ilbaxnimada iyo horumarka, waa miraha ka dhasha midnimada, umad walibana heerka ay midnimadeedu gaarsiisan tahay ayuu horumarkeeduna gaarsiisan yahay, sidoo kale haddaynan midnimo jirin waxaa yaraanaya oo meesha ka baxaysa horumarkii, haddii aynan horumar jirina ilbaxnimo ma jirayso.

Sidaa darteed ummad waliba oo midaysani waxay guul ka gaadhaa nolasha mustaqbalka, haddaad aragtana ummad bilaa mustaqbal ah oo danbaysa waa ummad bilaa midnimo ah.

Dhibaayooyinka laga dhaxlo Midnimo la’aanta:

  • Midnimo la’aantu waa Sharaf dhac, karaamo daro, halaag, baa’ba, musiibo, macaluul, gaajo, dar xumo, daranyo, barakac iyo dhimasho, Akhriste waxaa tusaale kuugu filan tobaneeyo sanNo ka hor sidey ahaayeen waddamada Soomaaliya, Afghanistaan iyo Ciraaq, sidoo kale sannooyin ka hor sidey ahaayeen waddamada, Liibiya, Suuriya iyo Yemen maantase say yihiin maxayse ka dhaxleen midnimo la’aanta? .

Maanta waxaad arkaysaa dadkeenii oo kala daadsan kana biyo diidsan tubtii horumarka loo marayay oo ah midnimo taas badalkeedna ku mashquulsan reer hebel yuusan ka magac waynaan iyo waxaan loo joogin.

Soomaalida maxaa midnimada u diiday? maxaanse ku weynay ?

Waxaynu u muuqanaa in aynu nahay ummad diidan wixii danta u ahaa taasoo ah Midnimadii, waa iga su’aal kalee ma hadda ka hor baynu Midnimada wax ku waynay maxaa inoo diidan Midnimo ?

Midnimada ma dhibaataa innaga soo gaadhayso mise magac xumo iyo maamuus daro ayaanu ka dhaxlayna oo sidaan aan hadda nahay ayaa sharaf inoo ah ?

Waxaase la yaab leh marar badan inaad aragto ummad diidaysa dantoodii iyo maslaxadoodi taas badalkeedii ku qanacsan kala qoqobnaanta iyo midnimo la’aanta dhexdooda ka jirta, iyagoo iska indha tiraya in ay ku socdaan jiho ama jidkii ay ku halaagsami lahaayeen.

Midnimadu waxay wanaagsan tahay marka ay ummadi danta guud ka midaysan tahay hadiise ay qabiil qabiil ama Jifo Jifo isku kala saaran oo ay jufo waliba dhahda dantay gaarka ah wixii dhaafsiisan shaqo kuma lihi, waxaa hubaal ah in la iskaga daba imaan doono dantaa gaarka Jufadaa qudheeduna usii kala bax bixi doonto shaqsi shaqsi.

Ogaada! in ay midnimadu tahay difaac iyo gaashaan lagu ilaashado magaca, deegaanka, hantida iyo Jiritaanka ummadaada, haddaadse diido midnimadii, ogow in aad halis ugu jiro baa’ba iyo in burbur lagu dhaco.

Midnimadu waa taas maanta ay ku naaloonayaan waddamada reer galbeedku, nimcooyinka iyo naruuruhu ku nool ummadoodiina gaadhsiiyay horumar dhan walba ah.

Guntii iyo gabagabadii

Midnimadu: waa sharaf iyo karaamo, waa magac iyo maamuus, haddaynu midnimo la nimaad xaqeenii iyo xaquuqdeenii waan helaynaa haddii aanse la imaan wayno magac xumo iyo karaamo daro, ayaynu ku jiraynaa waligeen, waxaynu joognaa wakhtigii aynu khilaaf walba oo dhexdaana yaalla xalin lahayn una gudbi lahayn wax wada qabsi iyo midnimo.Ogsoonow midnimadu: waa u lagama maarmaan nolosha, waana u saldhig nabadda, waa u fure hormarka, waana u xoog iyo awood dadka .

qalinkii: Ali Osman Bulle

SHEEKOOYIN