Waa maxay shaqo dawladeed? W/Q: Shaafici Macallin Axmed.

Waa maxay shaqo dawladeed?

Nooluhu marka uu isku yimid ee uu ku baaraandegey dhisme wax mideeya ee hoggaanka u qabta baahidii keentay in uu midoobo waxa ula baxay midawgaas magaca dawlad. waxa uuna u igmaday hawlo laga maarmaan u ah jiritaanka noolaha Haddaba shaqooyinka dawladdu u qabto noolaha waa badan yihiin waxaanse u qaybin karaa dhawr qayb oo ah:

Q1AAD

Hawlaha saldhiga  u ah dowladnimada:

Hawlahaas ayaa saldhiga u ah jiritaanka dawladda iyo dadka ku hoos noolba. Haddaba bulsho weliba meel  kasta ha joogte waxa ay halgan iyo dedaal ugu jirtaa hannaan wanaagsan oo ay ku wada noolaan karaan iyagoo isku duuban. Hannaankaas iyo hawlaha shaqo eel agama maarmaanka u ah aan mid mid isu dul taagno.

B:Hawl ciidan:Dhisidda ciidan qaran oo leh hoggaan iyo rumeysan qarinimo aanan u nuglayn burburka kana madax bannaan siyaasadda iyo is diidooyinka gudaha oo ilaaliya dhammaan xuduudaha dalka, dhul, bad iyo circa, sidoo kale u taagan  danaha iyo samata bixinta dadweynaha, kana hortaga col iyo  cadaw kasta oo ku soo xadgudba qaranimada dalka oo dibadda kaga yimaada.

T:Hawl Nabadgelyo :Dhisidda ciidan ilaaliya nabadgelyada dadweynaha ku dhaqan dalka oo kala haga isagoo u raacaya xeer iyo qodobo lama dhaafaan ah, si hoose iyo sis arena ula socdo dhaqdhaqaaq walba oo dalka gudihiisa ah, awoodna u leh ogaanshiiyaha iyo dabagalkooda, wax kasta oo ay dadka qaarkood halis ku gelin karaan kuwa kale ee dalka kula nool.Ciidankan ayaa ah midka sugida nabadgelyada bulshada iyo ilaalinta xeerarka guud ee arrimaha gudaha dalka.

J:Hawl garsoor: Dhisidda garsoor madax bannaan oo dhexdhexaad u ah dadweynaha iyo laamaha dowladda wixii ismaandhaaf ah ee yimaad, si ku dhisan hufnaan iyo sinaan aysan dhinacna la jirin. Garsoorku waa midka ilaaliya dhammaan xuquuqaha aas aasiga ah ee qof ilaa Qaran, iyadoo loo raacayo heerka guud ee uumiyaha adduunka ku nool iyo heerka heshiis hoosaad ee dalkaasi gaar u leeyahay iyo xeer jajabka ay ku heshiiyeen.

X:Hawl arrimo dibadeed:Hagaajinta xiriirka arrimaha dibadda ee dawladda kala dhaxeeya dawladdaha kaleiyo ilaalinta danaha dadweynaha hoostaga dowladdaas eek u nool dalka dibadiisa  la dhaqanka bulshooyinka kale iyo isdhexgalka arrimaha lagama maarmaanka u ah dalkaas iyo dadkaas.

KH: Hawl maal galineed: Maalgalinta hay’adaha dawladda sida kuwa rayidka ah milatariga ,amaanka, kuwa qaabilsan, iyo garsoorka.

Qaybta:2 aad: Adeegga bulshada

Adeegga dawladda waxaa gundhig u ah hormarinta dadka iyo dalka iyo ilaalinta lahaanshiiyaha iyo madax bannaanida gundhiga u ah inuu qof kasta oo dalka u dhashay leeyahay madax bannaan ilaa heerka xeerarka dalku u ogolyahay oo loo simanyahay. Adeegyada saldhiga u ah nolosha ee qofka dalka u dhashay lama huraan ay tahay inuu helo sida: Biyo ,Dab ama danabka cusub, xarumo caafimaad ,waxbarashada, waddooyin la maro ,Hawlgalinta gaadiid dadwayne iyo Nabadgelyada qofka dalka u dhashay oo sugan.

Waxaa ugu lama huraan ah adeegga bulshada ee dawladda laga rabo tixgalinta qofka dalka u dhashay iyo bulshadaba guud ahaan in uu qofku ku noolyahay nolol gobonnimadiisa u dhammeystirantahay oo aysan jirin werwer iyo walaac uu ka qabo dowladiisa.

Dhisiddda qofka dhaladka ahi waxa ay ka baaxadweyntahay dhisitaanka waddooyin qurxoon iyo dhismayaal waaweyn ,  maxaa yeelay? waddo  gaadiid, guryo qurxoon ujeedo weyn kuma fadhiyaan noolihii ku socon lahaa waddooyinkaas kuna noolaan lahaa guryahaasi haddii nolol liidata ama uu ciriiri dareemayo uu ku jiro.

Bulshada soomaaliyeed ayaan iyo cawo  uma yeelan dadwlad  u taagan danaha qofka Soomaaliga ah ah laga soo bilaabo 1969 markii ciidanku ay burburiyeen  hannaankii dadweynaha  madaxa bannaan ee bulshadu cidda ay rabto ay dooran jirtey.

Waxaa jiray in saluugu jirey ilaa markii gobonnimada la qaatay ee dowlad Soomaaliyeed dhiddibada loo taagay, Abwaano aragtidoda ku muujinaya suugaan iyo saluuga ku jira ayaa  yiri:

  •  Isma doorin gaalkaan diriyo, Daarta kii  galaye
  •  Dusha midabka Soomaali  baad, Dugulka mooddaaye
  •  Misna laguma  diirsade qalbigu, Waa dirkii  Karele!”                             ( Axmed Ismaaciil  Diiriye  (Qaasim):
  •  Sidii baan midhaa uga gurtaa madaxa Toomoode
  •  Sidii baan martida caanogeel ugu macsuumaaye
  • Sidii baan marqaafyo u sitaa maas la ii  tolaye
  •  Bal muxuu maslaxadoo itaray ministerkaan doortay!                                                    (”Aadan  Axmed  Yuusuf (Aadan-carab)

Waagii 21ka gu ahayd ee uu ciidanku dalka k atalinayay qofka  Soomaaliga ahi wax milge iyo maamuus   ah  kuma lahayn dalkiisa, mana jirin awood uu qofku u lahaa inuu dareenkiisa iyo rabitaankiisa muujiyo. Waxaa jirtey caburin xooggan oo qofka ku jujuubeysay inuu sacabka u garaaco wax uusan ku riyaaqsanayn isagoo ka baqaya hadduu si dhab ah dareenkiisa u muujiyo in uu la kulmo,  Dil iyo xarig uusan jirin cid iyo xeer ka badbaadinaya.

1991 nidaamkii kaligii taliga ahaa meesha waa uu ka baxay markii uu burburay wixii hannaan dawladeed  ee dalku lahaa oo ay ugu horreyso ciidankii oo kala jabiyay qabiil qabiil .

Dagaal sokeeye oo lagu hoobtay kaddib waxaa la isku dayay in la soo dhiso  oo dib loo yagleelo dowladdo hannaankii dalka dib  usoo celiya kuwaas oo qaybo kamid ah daba lagu soo dhisay.

Hadba waxay maalin joogta oo hardan iyo is diidooyin badan dhacaan ugu dambeyn 2012 waxaa suurta gashay in doorasho dalka gudihiisa lagu qabto oo la dhiso dawlad aan ku meelgaar ahayn oo adduunku aqoonsaday lehna haykal dowladnimo oo lagu tixgeliyo. Waxa dowladdo shisheeyaad oo badani ay garowsadeen in markan Soomaaliya lays garabtaago oo  dib u dhiskeeda laga qaybqaato, si dib loogu yagleelo dhammaan hannaanki dowladdi lahayd. Waxaa laysku dayey in dib loo dhiso dhanka xarumihii lagama maarmaanka u ahaa hannaanka dowladnimo iyo hawlwadeeno ka hawlgala oo dowladda u adeega iyo dadka..

Waxaa dib loo hawlgeliyey Bangigii dhexe, si kastaba ha ahaatee ilaa  hadda qofka soomaliga marna ma helin adeeg dawladeed ilaa intii dowladeed is dabamarayey ee la soo dhisay. Dowlad weliba heer bay gaarsiisay dedaalkeeda, welise ma jirto dowlad hannaanka si dhab au dhammeystirtey,  guud ahaan ama qayb ahaana gaarsiisay adeegi dowlad looga baahnaa, inkastoo hadda ay ka duwan yihiin habka iyo waddada loo maro dowladnimadu middii keligii taliska ahayd, haddana weli waxaa jira qabyo badan oo muuqata.

Is dhalanroga siyaasadeed ee hadda jira ayaa ah in qofka Soomaaliga ahi dareemayo madax bannaani qofeed oo dalka dastuurkiisu siinayo,  ha ahaato mid siyaasadeed, mid hadal iyo mid ganacsi intaba dalka gudihiisa gobolka uu doono ha jooge, waxyaabaha kale ee lagu naaloon karo inay bulshadu dowladnimada u bislaatay waxaa ka mid ah in doorasho lagu kala baxo ninka laga guuleystaana uu si nabadgelyo leh talada ugu wareejiyo midka helay codka tirada badan, isla sidaasoo kale ayaa waxaa socda dhisme soo ifiya oo laamaha dowladda ah, oo jooga bilow fiican una baahan uun in si weyn loo dardargeliyo.

Dawladda hadda xilka haysa waxaa loo baahanyahay in aysan wiiqin hannaanka madax bannaanida qofka oomaaliga ah  ayna siiso maamuuska iyo madax bannaani ku dhisan inta xeerka dalku u ogolyahay, sidoo kale ay dhismaha hannaanka dowladnimada xoojiso kaalimaha weli dhiman.

Waa in la is dhawro oo la is tix galiyo , maxaa yeelay  ah soomaali wax ay isku qabto iyo dhibkeey isku gaysteen waxaa yar waxa ay isku gaysteen .colaadda  dareenka iyo kalsooni darrada kala gashay  ayaa ka badan midda muuqata .Waxaa loo baahanyahay heshiis dhaxalgal ah iyo sinaan qof weliba dareemo inaan dalka iyo dowladnimada laga lahayn.

W/Q: Shaafici Macallin Axmed.

SHEEKOOYIN