Waa maxay warqadda dheellitirku? Q1AAD W/Q: Bashiir Xaashi Dhoorre

10620534_10154430646970316_4994491879402255063_n

Waa maxay warqadda dheellitirku (balance sheet)? Q1AAD

 

Warqadda dheellitirka (BALANCE SHEET) oo ay la socdaan warqadda caddeynta dakhliga (faa’iido iyo khasaaro) iyo dhaqdhaqaaqa lacagta cad (cash flow), waa qaababka ugu muhiimsan, ee lagu cabbiro awoodda dhaqaale ee ganacsiga (shirkadaha). Waxay koobtaa hantida shirkadda (ASSETS) deymaha lagu leeyahay (LIABILITIES) iyo xuquuqda milkiilayaasha (OWNER’S EQUITY). Waxaa loo isticmalaa si loo ogaado qiimaha guud ee ay shirkaddu joogto.

Si kooban, warqadda dheellitirku waxay tustaa hantida ay shirkaddu leedahay iyo deynta lagu leeyahay. Labadaas waxaa sii dheer, in warqadda dheelitirku ay caddeyso xuquuqda maalgaliyayaasha. Mar kasta, shirkadda hantideedu waa in ay la ekaataa deymaha shirkadda lagu leeyahay oo lagu daray xuquuqda maalgaliyayaasha.

Waxaa laga ma maarmaan ah, in la fahmo warqadda dheellitirka shirkadda, si loo hubiyo awoodda dhaqaale ee ganacsiga. Sida caadiga ah, marka hantida shirkaddu ay ka badan tahay deymaha lagu leeyahay, waxay ka dhigan tahay, in shirkaddu xooggan tahay dhaqaale ahaan, qiimaheeduna uu sarreeyo. Taas baddalkeed, marka deymaha shirkadda lagu leeyahay ay ka badan yihiin hantideeda guud, waxay ka dhigan tahay, in awooddeeda dhaqaale ay liidato qiimaheeduna uu hooseeyo.

Warqadda dheellitirka waxay ku caawisaa milkiilayaasha iyo maamulayaasha, in ay fahmaan awoodda ama taagdaridda shirkadda iyo in ay meelmariyaan xeelado ku aaddan sidii horay loogu socon lahaa. Warqadda dheellitirku waxay ganacsiga ku caawisaa, in ay fahmaan badeecadda markaas xowliga ku socota inta bandanna waxaa la isticmalaa marka la la macaamilayo shirkadaha deymaha bixiya sida bangiyada iyo maalgaliyayaasha.

QAABKA QORISTA WARQADDA DHEELLITIRKA: Warqadda dheelitirku waxay sawir guud ka bixisaa qiimaha shirkadda waqti cayiman, sida dhammaadka sanadka. Waxaa muhiim ah, in la abuuro, dib u eegisna lagu sameeyo awoodda ganacsi ee shirkadda, si loo ogaado halka ay shirkaddu ku socoto.

Sida erayga ka muuqata, warqadda dheelitirku waxay ka kooban tahay laba tiir (column) oo xisaab ahaan is la siman.Tiirka hore wuxuu ka kooban yahay dhammaan hantida ay shirkaddu leedahay. Tiirka labaad waxaa lagu aruuriyaa deymaha shirkadda lagu leeyahay iyo xuquuqda milkiilayaasha sida ay muujineyso is la egtan: Assets = Liabilities + Owner’s Equity

 

F.G: qormadan markii u horreysay waxaa lagu daabacay Wargeyska Gobollada Dhexe, tirsigii 44aad ee bisha novembre.

Fisha qaybta xigta ee qormada.

W/Q: Bashiir Xaashi Dhoorre

bashka144@gmail.com 

SHEEKOOYIN