Waan hadli kari waayey!
Maalin maalmaha ka mid ah, ayaa soo raacey bas u baxa Xaafadda Sheeddaha ee magaaladda Hargeysa. Duhur ayaa lagu dhuftey. Waa xilli dadku soo wada rawaxaan. Waxaa la boobayaa gawaadhida. Sida ay dadku isku cidhiidhinayaan, waxa aad moodaa in bas la,aani jirto. Albaabka waxaa markiiba ku kulmaya labba qof ama saddex qof. Aduu hor soco….aduun hor gel… Xageed ku carrareysaa… Xagee noo jidheysaa…shalmada iiga kac.. hore u kala socda… Maxaa dadka hor taaggan… Waar islaanta ha jiidhina… Waar odeyga u banneeya…
Dumaroow idinku socda…. Dumarku ha idinka horreeyaan…. Kadinkii ba ma dumar baa qabsadey….dadow aayara; ma bas la’aan baa dhacdey…Xagee lagu wada cararayaa… Miyuu buuxsamey… Kuraasta dhexe ayaa bannaan… Meelihii wanaagsanaa, malaha waa la inaga qabsadey… Malaha xagii dambe, ayuun baa hadhey….Qof ba haddal ayuu soo tuurayaa, dadkii raacayey. Buuqa ayaa is-oogsadey.
Anigu marka aan fuulley, waxa aan u socdey xagga hore. Waxa inta badan fadhiista wada rag.
Waxaa xagga dambe ka soo kacdey, gabadh dhallinyaro ah. Iyadu hore ayey usii fadhidey. Qiyaastii waxa ay ka mid aheyd, dadkii ugu horeeyey ee galla gaadhiga.Waa gabadh yaroo dheer oo dhuuban. Waxa ay xidhan tahay xijaab madow. Indhaha wey shareeratey ama niqaaban tahay. Marka ay albaabka mareyso, ayaa waxa ay ku kulmeen gabadh kale oo iyana soo fuuleysa. Ta soo fuuleysa buska, waxaa garabka biddix u sudhan boorso madow. Labbada gacmoodna, allaab eyey ku laad-laadsaneysaa. Ileen iridda eyey ku kolmeene, si cidhiidhiya eyey isku dhaafeen.
Gabadhii dhallinyarada aheyd, marka ay sidaa u dhulka cagaheedu u taabteen, ayaa la maqley cod. Waa cod dheer oo leh: NAA DHIG… NAA DHIG.! Waa codkii, nin dhallinyaro ah oo la socdey gaadhiga. Wuxuu dhinac taagnaa albaabka.
Yaab wuu dambeeyaaye, ileen gabadhii dhallinyarada aheyd, markii ay cidhiidhineysey gabadha kale, eyey boorsadii garabka u sudhneyd, kala baxdey moobeyl.! Markuu ku qeylyeyna, intey moobeylkii Dhulka ku tuurtey, eyey cagaha wax ka deydey.!
Moobeylkii, waxaa dhulka kasoo qaaddey, ninkii dhallinyarrada ahaa. Dabadeed, gabadhii laheyd, ayuu ku yidhi: “Hoo moobeylkaaga.” “Alla! Keen wallaal, goor muu iga dhacey”?! Show, warba uma heyso, in la- jeeb-siibey.!
” Kaamuu dhicine, gabadhii albaabka aad isku dhaafteen, ayaa ka saartey boorsadaada”, ayuu ugu jawaabey.
” Maahee! Alla! Wallaal waad mahadsan tahay”.
Islaan weyn, ayaa halkaa kasoo hadashey, iyada oo la hadleysa odey fadhiyey kursiga albaabka u xigga oo ku tidhi: ” Ee miyaannad arkeyn adigu, marka inanta moobeylka kala baxeysey?”
” Mayee, wallaahi caadi baan u arkayey”, ayuu ku jawaabey. Yaab!
” Haddaad arkeysey, maxaa aad u hadli weydey ama uga qaban weydey?
” Maxaa aan hadlaa, waan naxee…Waxa aan u qaadan waayey, gabadh ayaa wax xaddeysa… Waxa aan garan waayay, iney riyo tahay iyo in kale…waxan dhacayaa ma dhab baa, mise waa dhallanteed…. lugaha iyo gacmuhu ba wey i cuslaadeen… Hadalkii dabnaheyga wuu soo dhaafiwaayey,ayey jawaabtiisii noqotey.!
Haddaba, sheekadda baska halkaa aynu kaga dagnee, maxaa ay ina tusineysaa sheekadani?
Sheekaddani waxaa ay ina tusinaysa, kuwan soo socda:
1. In Soomaali ahaan ayna dhaqan u lahaan jirin, gabadh wax xadda ama tuuggad ah.! Waxaa taas dalliil inooga ah: sida odeygu uga dareen celiyey ee maankiisa iyo damiirkiisuba u qaaddan waayey, gabadh ayaa wax xaddeysa.!
Ab iyo isirtoona uma lihin, laakiin waxaa aad moodaa maanta, in dhaqankeenii wanaagsanaa daadka la raacinaayo.
2. Daacadnimadda iyo akhlaaq-wanaaga odeyga.
3. In meelaha buuqa ah, ay tuuggadu wax ku xaddi karaan, oo ay tahay fursadaha wax ku gaaddaan,loona baahan yahay in qofku taxaddir yeesho.
4. In tuugnimadu ayna kala laheyn, rag iyo dumar.!
FIIRO GAAR AH: Sheekaddani maaha Male-awaal, laakiin waa sheeko dhaba oo aan goob-joog ahaa. Sababta kaliya ee aan u baahiyey ama danaha aan ka leeyahay waxaa ay tahay:
WACYI-GELLIN oo kaliya. Yaan loo qaadan in aan ceebeynayo dumarkeenna iyo dhaqankeenna suubban. Xaasha.!
Xaqiiqdii,Kuwa ceebeynayaa waa dumarka wax xaddaya ee Illaahay haka baqaan. Waxaa la yidhi: ” Gacantii wax qaadka barata, gumudkaa dhaqdhaqaaqa”.
W/Q Maxamed Haybe Axmed