Waan Kuu xiisi Doonaa Aabbe.
Nolosha hooyo ayaa ugu muhiimsan taas waa laga wada dharagsan yahay oo sagaal bilood iyo dheeraad ayey inoo soo dhibaatooneysay, hooyo ammaanteeda iyo wanaageeda halkan kuma soo koobi karo, laakiin waxaan abbaaraya Aabbe iyo tiir dhaxaadka nolosha iyo aniga sababta aan aabo udoortay inaan ka hadlo maanta.Hooyadey maysan shaqeyn jirin ilaa markan dhashay, anigu waxaan ahay curadka waalidkey, guriga aniga ayaa ugu weyn aabbahey ayaan arki jiray ilaa markan soo caqliyeystay isagoo si adag ushaqeynaya weliba ka shaqeynaya shaqooyinka aadka u xanuunka badan ee aan nasiinada laheen. Waalidkey waxay aad ujeclaayeen waxbarashada waxaan maqli jiray halku dhigooda ay inagu oran jireen marwalbaa “Waxbarashadu waa xalka barito iyo badbaadinta nolosha ee mustaqbalka”.
Aabbahey wuxuu u dhabar adeegay sidaan heer sare uga gaadhi lahaa waxbarashada iyo inaan ka saramaro dhigeyga aan isku da’da nahay. Waxaan xasuustaa bisha uusan soo helin lacagta waxbarashada wuu soo amaahan jiray si aan uga hadhin schoolka “Iskuulka”, yaraanteydii dareen sidaa u badan maan laheen balse markaan soo galay dugsiga sare ee lacagtuna korortay ayaan dareemay cadaadiska saaraan aabbahey .Carruurta reerkeenu wey badnaadeen weliba inta ku soo biirtay waxbarashada iskuullaadka ayaa kordhay qarashkiina dhibkiisu keensaday , aniga waan weyn nahay waan dareemi karaa wax aysan dareemi Karin carruurta iga yaryar. Waan dulqaatay oo samir ayan miciinsaday ilaa aan ka dhammeeyey dugsiga sare . Dhammaan dhallintii aynu kawada baxnay waxbarashada isla sanadkii ku xigay jaamacadda ayey is qoreen laakin aniga aabbahey ilama uusan hadlin igumana uusan boorin is qorista jaamacadda, “Aabbo koorisyada “Course” gaagaaban is qor si aad uhesho shaqo” ayuu igu oran jiray markaan ka ag dhawaadaba.
Waan dareensanaa Aabbahey inuusan helin Karin qarashka badan ee lagu bixiyo jaamacadda runtii kamaan xumaan inaan ka haro jaamacadda laakin waxaan ka fikiraayey aabbahey inaan caawiyo si aysan carruurta iga yaryar u dareemin daruufta jirta . Aabbo waa reer-magaal oo daruuf walba wuxuu ku xaliyaa hadal wacan kuna habboon xalka, balse aniga waan caqliyeysan karaa iimana cuntami karaan hadalada qaarkood. Aabbahey wuxuu fahmay inaan caqli igu filan leeyahay kuna dareemi karo duruufta jirta . Maalin buu ila hadlay isagoo ila qeybsanaya waxaan dareemayo si aan xadka uga bixin. Wuxuu igu yidhi “Wiilkeygiiyoow carruurta Alle ayaa badiyey duruuftana Alle ayaa keenay, waa la kheyrayaa ee iska ilaali wax aan ku habbooneyn nolosha adudun iyo mid Aakhiraba”. Intaas iimuu dhaafin.
Iga raali noqo Aabbe marwalbaa Allahii I abuuray wuxuu ii qoro ima seegayaan. Waxaan noqday qof baahi badan waad ogtahay dhallinyaradu waa quruxda nolosha, waxaan ubaahday wax walba oo nafta qurxiya anigoo og xitaa daruufta kam aan fiirsan Aabbena ima uusan diidin wuu ii iibin jiray , markii dambe uu qarashku xadka dhaafay ayey hooyo ila hadashay .”Hooyo waxba kaama hagraneyno dhammaan xoogeena adigaa leh laakin carruurta waa inay waxkula qeybsadaan”. Hooyana intaas iimey dhaafin. Dabcan waan dareemay inaan ahay tiir dhaxaadka farxad reerkeena sidoo kale waxwalba la siinayo laakin aan la ii awoodin nolosha lagu jiro owgeed , Waan farxay misana waan ooyey oo waalidka jeceylkooda ayaan la ashqaraaray.
Ugu dambeyn waxaan nafteyda la tagay meel aan cidna joogin in cabbaar ah ayaan la faqay lana sheekeystay , waxaan xalka u arkay inaan shaqo raadiyo taasna wey suurtagali weyday oo aqoon igu filan ma lihi mana jecli inaan noqdo qof qabta shaqooyinka hoose waayo han-weyn ayaan leeyahay oo ah inaan noqdo qofka aan doonayo. Markale ayaan nafteyda dib ugu noqday xalkii ugu dambeeyey wuxuu noqday inaan ku daydo boqolaal dhallinyaro ah oo gaadhay dalka dibadiisa shaqeystayna waalidkoodana wax taray. Waxaan ku fikiray inaan cagta saaro waddadaas dheer ee aan aqoona u laheyn. Haddaba qarashkii ayaan doondoonay cidaan ka heli lahaa, mid adeerkeyga ah ayaa igu caawiyey anigoo been u sheegay uguna dhigay inaan gabadh ku mehersanaayo .
Waxaan soo istaagay gabangabadii dadaalkeyga halka looga baxo qaaradii fogeyd ee masar iyo baddweynta , dad badan baa iiga sheekeyey khatarta badan ay leedahay baddu laakin umaan joojin waayo qof baadi gooba ayaan ahay, dhowr maalin markuu ka dhimanyahay safarkeygu oo aan hubsaday in waalidkey itabeen ina baadigoobayaan xiligaan si aan dhawaaq laheen ayaan ula soo hadlay: Aabbe gacaliye waana markii igu dambeysay aan lahadlo waayo diyaar ayaan u ahay dhimasho ama nolol .
Waxaan ku idhi Aabbahey “Hooyo ha u sheegin waan baxayaa ilaa qaaradii fogeyd yurub waxaana marayaa Baddii ku magacaawneed geerida tahriibka “.. Wax hadal ah wuu kasoo bixi waayey duqii idhalay waan dareensanaa xaadisu inay taagan tahay laakin calool adeyg baan wadaaye waxaan usii raaciyey uguna gabangabeeyey … “ Aabe Waan Ku uxiisi Doonaa”… “Aabbe Waan Kuu xiisi Doonaa”..
Waalidna ma jecla in ubadkiisu ka dheeraado, nafle walba oo adduunkan korkiisa saarani dad iyo duunyo waxay ku il doogsadaan daawashada ubadkooda, xitaa hadduu weynaado oo reer yeesho iyaga waa mid la yar u ah canug iyo ilmo yar oo mujo ah, waan dareemi karaa go’aanka aan qaatey waa mid aan ku raadinayo Guul aanan ogeyn suurtagalnimadeeda, Aabbahey wuxuu igu yiri: ” Haddaad doorbiday inaad dhulyaasho inaad noo sheegto ayay ahayd oo aynu ka tashano, haddase dhacdaye, haddaad i xasuusantahay oo ii xiisayso aniguna waan kaa werweri doonaa kaana walbahaari doonaa, sidoo kale waxaan kuu baryi doonaa eebbe weynaaye inuu ku nabad yeello, wuu yara aamusan waxaanan ka dareemayey inuu ilmada iyo dareenka hillowga uu ii hayo diiday inaan qalbi jabbo”
- Aabboow xasuustiyo
- Kama daalo xiisaha
- Xagaad iga jirtaanbaa
- Qalbigeygu xigaya
- Adigiyo xariirtii
- Hooyaday xurmaaley
- Xaqa ayaad u leedahay
- Xushmo iyo tixgelin badan
- Ana xoogsi baan tegey
- Xume iyo dhib kama wado
Dhammaad.
W/Q: Maxamed Mukhtaar “Fuaad Yare”.