WAAN YAABANAHAY WALLEE! Q4AAD W/Q: Mohamed Musa Sh. Noor

abu

WAAN YAABANAHAY WALLEE!!!!!!!

Qaybta 4aad

 

 

Waan yaabanahay!

 

tan iyo markii ay bilaabatay in beesha caalamka ay wax inoo soo dhisaan inagana aanu noqonay la haystayaal meel ugu xir xiran Cadow aan la magacaabi Karin muuqaalna aan lagu tilmaami Karin balse magac guud ee ugu yeera nala yiri uu yahay Beesha Caalamka ayaa waxaa dhagahayga kusoo dhacayey waa la casilay, waa la isku shaanadhayn iyo khilaaf ayaa ka taagan oo Wasiir hebel ayey isku haystaan mas’uuliyiinta ugu sarraysa Dowladda.

Xaqiiqda marka laga hadlo waxaa muuqata in wax soomaalidu leedahay oo sida ay doonaan u maamulan karaanba in uusan meesha aalin, is baddaladan lagu sammeynaya maalin walba xukuumaddan ay tahay in hebel la arkay waxa uu galo balse uusan ka daadagin danaha waxa la isku dhaho beesha caalamka, sidaa darteed ay haboontahay in xilkaas laga wareejiyo ama xilkaba laga qaado oo xil la’aan uu noqdo.

Muddo aan fogayn ayey ahayd markii aan isku salaanay Nin hore uga ahaa dowladahii ina soo maray markaas, aniga oo kaftamaya ayaan ku iri hebelow Wasiir ayaa la ii magacaabi rabaa khibradna ma lihi ee maxaad igula talin lahayd?

Jawaabta u isiisayay ayaa ahayd laba sano kuma gaaraysid xilkaas, sidaa darteed talada aan ku siinayo ayaa waxay tahay in aad ka qabsato inta aad ka qabsan karto inta aad xilka haysid oo wax aad ka naxdo aysan jirin!

Warkaas si fiican ayuu ii galay jawaab ma aanan u celin ninkaas maxaa yeelay waxaan gaaray wixii aan rabay in aan ogaado, isla markiina waxaa igu dhalatay in waxa meesha ka socdaba ay tahay hebelka la keenay iyo kan keenayo in ay tahay in ay muddo wax isla cunaan, marka waqtigu dhamaadana hebel kale la keeno oo sidaa howshu ku socoto.

Waxaan gartay in aan sii waydiiyo su’aal kale oo ahayd haddii hebel walba uu sidaa uga faraqabsado yaa waddanka u maqan, markaas ayuu yiri inta aad nooshahay waa yartahay maxaa kaa galay waddanka ma adiga ayaa waligaa joogaya?  inta aad joogto ka yeelo Magac lagugu magacaabo oo ah hebel mar buu sidaa ahaa, dhaqaalana wuu ka yeeshay.

Xaqiiqdi ninka sidaas iila hadlayey wuxuu ku dhawaa 70 jir ma ahayn nin yar oo lagu tilmaami karo mid ay khibrad ka maqantahay, waxaa meeshaas iiga soo baxay kadib markii aan isku dhufsaday lambarada ku qornaa maankayga in dadka xilka haya aysan aaminsanayn in aan waddanka leenahay, xilna uu inaga saaran yahay ilaalintiisa dambe iyo waqtiga la taagan yahayba, xaalkuse uusan sidaa ayaga ula muuqan ee ay howshu tahay maxaa iga galay, waana yaabka aan yaabanahay ee aan dhamaadka lahayn!

Waan yaabanahay!

10 bari ka hor ayey ahayd markii dad lagu laayey paris, weerarkaas oo dunida inta awoodda leh aad uga qaylisiiayay, idaacad walba ama qalab walba oo warbaahineedna afka ay ku haysay dhimashada iyo dhaawaca dadka wax ku noqday weeraradaas.

Dhacadadaas kadib waxaa la xiray dad kor u dhaafay 400 oo qof oo waddamo kala duwan sida Turkiga Marooco Bilgem iyo France, waxaa kaloo la adkeeyey amaanka waddamada qaar iyada oo xaalka loo ekeesiiyay sida in waddan waddan kale kusoo duulay.

Dalka Biljim waxaa la xiray adeegyada bulshada oo dhan halka dadka loogu baaqay in ay guryahooda ku ekaadaan, runtii xaalka sida loo qaad qaaday ma ahan oo waxaa la dhihi karaa waxaas oo dhan waxaa ka dambeeya ujeeddooyin siyaasadeed oo aan la doonayn in la shaaciyo.

Qofka wax qarxiyey magiciisa isla ayaga ayaa ka helnay isla ayaga ayaa inoo sheegay halka uu ka yimid iyo halka uu ka baxay iyo meesha lagu tuhmayo in uu ku dhuumanayo, su’aashuse waxay tahay howsha dhan ee Dal dhan dadkiisa maloo xayiri karaa qof baxsad ah dartiis?

Waxa kaloo la yaab leh in Fransiisaka madaxdiisa ay Dalal dhowr ah ku tageen booqasho ayada oo la leeyahay waxay xulufo u goobayaan sidii ururuka Isil loola diriri lahaa, su’aasha in la is waydiiyo mudan oo aan la yaabay ayaa waxay tahay, Isil soo awal lalama diririeen soo Mareenkanka Ingririiska Ruusha iyo waddamo kale oo dhowr ah hore uma sheegin in ay ku xulufoobeen la dagaalanka kooxdaas.

La yaabka ayaa wuxu sii ahaa kadib markii uu Golaha Amaanka ee ay inta awoodda leh maamulaan uu sheegay in uu sharciyeeyey in lala diriro isil, oo awal ma sharci darro ayuu ku tilmaamay Golaha Amaanka bal hala is waydiiyo?

Madaxwaynaha faransiiska ayaa booqasho ku tagay Ruushka si uu xulufo ahaan ugala hadlo dagaalka uu doonayo in uu Isil ku qaado, faransiiska soo awal  kama mid ahayn kuwa duqeeya Ciraaq iyo Siiraya, waa maxay waxa cusub ee hadda la isku diyaarinayo?

Shalay ayuu haddana madaxwynaha faransiiska la kulmay Raisul wasaaraha Ingariiska, markaas ayey wada iclaamiyeen dagaal ka dhan ah Isil, imsa jeer ayaa la iclaaminayaa dagaalka isil mise Isillo badan oo qarsoon ayaa jira!

Barrito madaxwaynaha faransiiska wuxu la kulmi doonaa madaxwynaha Mareekanka, warkaa war la mid ah ayaana maqli doonaa, sida isil waan ka guulaysanaynaa waana la dagaalamaynaa, war kale oo cusub ma ahan waxa dhagihiina kusoo dhacaya.

Xaqiiqda marka aan ka hadlo waan yaabanahay, waxaana la yaabanahay dunidan kusoo aruurtay dhowr waddan oo isku jismi ah, iskuna isisir ah isku waxna aaminsan, hadana iskugu yeeray dunida hormartay , ama Dunida ilbaxday.

Dad badan oo runta og waa jiraan balse qofka runta sheegi lahaa ma jirto meel uu ka hadlo, hadduu hadlana waxaa meel u fadhiyo Hay’ad la dhaho hay’adda Eray bixinta, taas oo shaqdeeda tahay in ay Magac uun kuusoo hesho, marba haddii laguu arko in aad tahay mid dafiraya ama dibin daabinaya Danaha waddamadaas xulufada ah.

Waan yaabanahay!

Mareekanka ayaa soo saaray Dignin ku aaddan muwaadiniintiisa in ay taxaddar lahaadaan iyada oo laga cabsi qabo weeraro ka dhaco meelo uusan cayimin oo dunida ka mid ah, aniga ahaan runtii maadaama uusan cayimin waxaan u gartay in uu ula dan lahaa waddamada yurub, balse ma uusan oran waddamada yurub ama Waddan hebel.

Waxa la yaabka igu sii dhalshay ayaa ahaa kadib markii warbixintiisa uu kusoo gunaanaday in aysan jirin weeraro gaar ah oo loola dan leeyahay dadka mareekanka ah, su’aashu waxay tahay maadama uu dadkiisa u digayey ugana digayeye Weeraro Aragagixso , mxuu ugu sheegi waayey halka uu wax ku tuhamayo si ay uga foojignaadaan.

Waxaa kaloo la yaab leh maadaama digiinta la soo saaray marka hore ay ahayd digniin dadka mareenkanka ah wax loogu sheegayo maxaa loogu soo gunaanaday in aysan jirin Qatar gaar ah oo kusoo wajahan dadka mareenkanka ah?

Hadaladaas waxaan filayaa in aysan dhamaystirnayn meel ay ka socdaan iyo meel ay u socdaan aysan jirin, ee ay tahay hala ogaado in mareenkanka uu sheegay in ay wax dhici doonaan, taasna waxaan dhihi karaa aniga qoraalka qorayo waxba iguma dhaamo, maadaama aan oran karayo anigaba waxbaa dhacaya.

Waxbaa dhacaya, waa run wax waa dhacayaan, halka ay ka dhacayaan iyo goorta ay dhacayaan hadddi aadan sheegin Karin maxay macna  ah oo leedahay jumladaada ama digniinta aad bixisay.

La soco la yaabka soo kordha

Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

ekisyare@hotmail.com

xabuu8@gmail.com

 

SHEEKOOYIN