WAAN YAABBANAHAY WALLEE! Q2AAD
Kusoo dhawaada qaybtii labaad ee aan uga tala galay taxanaha xaaladaha taagan ee markaa aan uga hadlayo maqaalkan qaybaha kala gadisan leh ee la magac baxay waan yaabanahay walle, waa maqaal aan jeclaystay in ciwaankiisu uu sidaa kusii socdo maadaama waxa aan ka hadlayo ay yihin xaaladaha taagan waqti walba dhacaya.
Waan yaabbanahay!
Waxaan la yaabanahay Waddanka Burundi oo ciidamadiisu ay ka howl galaan dalkeena ku dhawaad shan kun oo ciidamada Burundi ah ayaa ku sugan dalkeena, marka la yaabka maanta I haysta ayaa ah in Qaramada madoobay ay isla garateen in xaaladda waddankaas ay tahay mid cakiran oo sida ay tahay aan lagu fiirsan Karin, sidaa darteed waxay ku baaqeen ama ogolaadeen in Ciidamo shisheeye oo nabadda dalkaas ilaalsha la geeyo Burundi.
Waddan ilaashan waayey nabaddiisa ka waran hadduu Soomaaliya u ilaalinayo Nabad, waxaan la yaabay waxa ay u joogaan ciidamada Burundi, Baahida ay maanta Soomaali u qabto soo mid ka badan waddankooda loogama qabo, maxaa khaldan? sidee wax yihiin?
Waan yaabbanahay!
Waxaa la yaabanahay DowladdaSsoomaaliya oo sheegtay in ay wali jawaab ka sugayso dolwadda Kenya ku aaddan Darbiga ay ka dhisayso Xadka ay Soomaaliya la wadaagto, dowladda soomaaliyana waxey sheegtay in aan lagala tashan dhisidda darbigaas, waxeyna dowladda isugu yeertay guddiyada Baarlamaanka iyo safiirkeeda u fadhiya dalka Kenya oo ay doonayso in ay wax ka waydiiso waxa ka jira warka la sheegayo.
Soo la yaab maahan Dowladda oo awoodda in ay diyaarad inta qaadato saacada gudahood ku booqato dhulka la sheegayo in ay Kenya kusoo xad gudubtay, maxaa dhacay oo keenay in safiir iyo guddiyo kale wax laga weydiiyo run ahaanshaha warka jiritaankiisa iyo in kale.
Dolwadda Kenya waanu kala hadalnay ayey dhaheen darbiga la dhisayo war ayaana ka sugaynaa, Kenya sida muuqato shaqadeeda ayey wadataa, oo dhulkii waa qaadatay, ciddii ka hor istaagi lahaydna xaqiijin ayey u baahan yihiin, maalin wlabana diyaarado ayey ugu dhoofaan halka ay doonaan ee ay is leeyihin maslaxaddiina ayaa ku jirta cid ay wax ka waydiiyaana ma jirto, maxaa dhacay oo keenay in la heli waayo qof dowladda ka mid ah oo soo xaqiijiya waxa dhab u jira iyo sida xaalku yahay, waa mid ka mid ah la yaabka aan la yuuraro maalin walba.
Waan yaabbanahay!
Madaxweynaha Jubaland oo ka jawaabayey eedayn loo jeediyey Ciidamada Kenya ayaa yiri “ WAA NALA CAAYEY ANIGA IYO MAAMULKAYGABA, WARBIXINTAASNA WAA MID LA BEEN ABUURAY OO WAX LOOGU DHIBAYO JIRITAANKA JUBALAND IYO LA DAGAALANKA ARGAGIXISADA ALSHABAAB”
Inta dhabanada qabsaday ayaan meel la fadhistay, la yaabkaas waan filayey in la difaaci doono Kenya oo waliba qof maamulkaas ka tirsan uu difaaci doono, balse ma filayn in wax ka sheegista Xaqiiqda Kenya ciidamadeeda ay u tahay Caay Maamulka iyo Madaxwyenaha Jubaland.
Maalin dhexdaas ah ayaan ka maqlayey idaacadda V.O.A, hogaamiye kooxeedkii hore ee Magaalada Baydhabo marna noqday gudoomiyihii baarlamaanka dowladdii C/laahi yusuf oo dhahayo “ waxaa jira dad badan oo Soomaali ah oo Dallaalo u ah d0wladaha dariska iyo dowlada kalaba”
Hadalkaas si fiican ayuu iiga dhex baxay, ma ahan in uu igu cusbaa ee mar walba oo aan runta maqlo ayaan dareemaa sida in leeb la iga siibayo, marka hadalkaas wuxuu iiga dhex baxay si aan ku qancay, haa waa jiraan dadkaas waligoodna waa jireen weyna jiri doonaan, balse xaaladda aan ku sugnahay iyo dadkaas la sheegayo in ay iskugu keen darsoomaan ma wacnayn, oo jiritaankeena dambe Umad ahaan ayaa khatar weyn ku jira.
Marka umaddu ay meel wanaagsan maamul ahaan iyo dhaqaal ahaanba taagan tahay waa umad isku filan, awooddeedana aan la liicin Karin, balse marka dhaqaala xumo Amaan xumo iyo maamul xumaba ay iskugu darsoonto umaddaas hadana ay usii dheertahay shaqsi xumaha (DALLAALKA DABA DHILIFKA AH) ee kusoo hogaansha cadowgooda mar walba, hubaal in umaddaas jiritaankeeda dambe uu halis ku jiro ,waana sababta aan uga wal walay xaalkeena.
Waan yaabbanahay!
Waxaan la yaabanahay Amismo oo shaqada ay Soomaaliya u timid ay ugu muhiimsanayd la dagaalanka Alshabaab ay isaga baxayaan maalin walba Degmooyin iyo Tuulooyin ka tirsan Gobolada shabeelada dhexe iyo shabeelada hoosa labadaba.
Waxaa ugu dambesyay tuulada la dhaho Fiidow oo ka tirsan shabeelada dhexe, markii ay ka baxeena alshabaab ayaa sida caadada ahayd la wareegtay tuuladaas, soo marka la yaab maahan in shaqadii Amisom loo keenay oo ahayd in Waddanka ay ka xoreeyaan ama kala diriraan Alshabaab in ay dib uga gurtaan maalin walba Magaalo.
Amismo waxey sabab u noqotay in Ciidamada Soomaaliya la dhisi waayo oo mushaaraadkii lagu bixin lahaa ciidamadeena ayaga ayaa la siiyaa, Danaha ay Waddanka u joogaana ma ahan danaha dadka soomaaliyeed waa danahooda iyo danaha Dalalka kale ee mushaaraadkooda baxsha.
Xaqiiqda marka waxey tahay in haddii aad awal ka sugeysay Amisom in shaqada ay ku magacaabantahay ee nabad ilaalinta ah ay dhameystirto iska illow arrintaas, maxaa yeelay waa la kala shaqeysanayaa sababta ama ujeedadda ka dambeysa dhinicii la rabo ha loo dhigo.
La yaabka wuu socdaa, wuuna socon doonaa insha allah inta ay nafta inagu jirto, qof wax la yaabo waxaa ugu wacan qofka isaga isla yaabo, maxaa yeelay qofkaas wuxuu gartaa marka uu wax khalday iyo marka uu saxan yahay, haddii uu khaldan yahayna wuu isi saxaa, hadduu saxan yahayna naftiisa ayuu sii dhiiri galshaa, marka in aan isla yaabno micnaheeda waa in aan wali rajo qabno.
La soco qaybta 3aad
Qore: Mohamed Musa Sh. Noor